Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2003

Published on: 2003-01-01 19:06:13

Waxaa in badan laga hadlaa oo lagu soo celceliyaa sidaad qof kale quluubtiisa aad u kasban lahayd. Haddaba su\'aasha ah sidee dadka quluubtooda u kasban kartaa wax badan ayey culimada Psychology ay ka hadleen, runtii marka kasbashada qofka quluubtiisa waa arrin qof kasta uu u baahan yahay inuu ku dadaalo sidii uu dadka kale quluubtooda u kasban lahaa taasoo u keeni karta qofka inay ku wada noolaadaan dadka wanaag,farxad iyo dabeecad wanaagsan haddaba su\'aashu waxaa weeye marka hore yaa ina ka mudan inaan Quluubtooda kasbano?

Taas jawaabteedu waxaa weeye,waxaa ina ka mudan marka hore inaan ku dadaalno sidii aan u kasban lahayn quluubtooda dadka ah ,waalidiinta,xaaskaaga ama ninkaaga,iyo caruurtaadaba,intaas kadib waxaa kaloo ina ka mudan inaan iyagana kasbano waa dadka ah qaraabada,deriskaaga,asxaabtaada iyo dadka aad isku meel kabwada shaqaysaan,taasna waxaad u mari kartaa oo dadkaas quluubtooda ku kasban kartaa adigoo dadka kula noolaada tixgelin,xushmad,dabeecad wanaagsan. Haddaba in badan ayaa diinteenu ku soo celcelisaa in dadka iyo danahoodaba la amaan geliyo oo lagana shaqeeyo wanaaga ,isjeclayka, lagana dheeraado wax ale iyo wixii ina kala goyn kara adiga iyo dadka kale.
Waxaad haddaba ogaataan in haddii aad rabto in lagu tixgeliyo adiga iyo danahaagaba aad marka hore tixgelisid dadka iyo danahooda markaas ayaa adigana wanaaga laguu fali karaa,waxaa in badan ka dheeraataa inaad faafiso ama buunbuuniso dadka ceebahooda markaas dadka waad is jeclaan kartaan oo waad soo jiidan kartaa.

Haddaba markasta oo dadku isu soo dhowaado waxaa meesha ka baxaya ,iska hor imaadka,khilaafka,iyo inta xun oo dhan waxaana kor u kacaya kalkacaylka iyo wanaaga dadka ka dhaxeeya
haddaba haddii aad rabto inaad dadka kasbato had iyo jeer ku dadaal inaad ku dhaqanto dabeecad wanaagsan iyo kalgacayl aad u hayso dadka,iskana ilaali dabeecadaha xun xun oo aysan dadku kugu jaclaysan.

Waxaa kaloo in badan ku dadaashaa inaad carabkaagu uu la qabsado kalmadaha wanaagsan ee dadka soo jiidan kara sida marka qofku wax kuu qabto oo aad ku mahadisid markaad dhibaato u geesato oo aad ka raali mariso iyo inaad ka codsato intaadan qofka wax u dirsan,waxaa kaloo ku dadaashaa in badan in markasta oo aad la kulanto dadka aad kula kulanto farxad iyo waji furnaan iyo salaan dibacsan, waxaa la soo ogaaday in badan in kalmadahaas aan kor ku soo xusnay ay qayb wayn ka qaataan sidii aad qofka u soo jiidan lahayd,waxaa ogaataa haddaba in qofka ibna\'aadamka ah aadan xoog iyo lacag midna aadan ku soo jiidan karin quluubtiisa ee aad ku soo jiidan kartid adigoo kula dhaqma dhaqan wanaagsan iyo dabeecad wanaagsan.

Haddaba hadii aad rabto inaad qofka quluubtiisa soo jiidato ku dhaqan wadooyinkan

1-u muuji dadka tixgelin dhab ah.
2-ku dadaal inaad ku dhaqanto si jilicsan oo naxariis leh.
3-ku hadal wax farax geliya qofka oo uu u macaansado.
4-xusuusnow in magaca qofka yahay kan ugu wanaagsan u guna jecel yahay. magacyada, kana ilaali inaad qofka ugu yeerto magac uu dhibsanayo.
5-noqo dhegeste wanaagsan, geesi geli qofka kale inuu ka sheekeeyo naftiisa.
6-ku tilmaan qofka kale sifooyinkiisa wanaagsan si uu ugu dadaalo xoojintooda.
7-had iyo jeer ka fagow Xanaaqa,isqaadqaadka iyo is amaanta.
8-u sii daa qofka hoggaanka hadalka.
9-hadaad gefsan tahay garayso gefkaaga.
10-waydii qofka su\'aalo jawaabtoodu tahay (haa).
11-ka ilaali wax kasta oo qofku dhibsanayo ama uusan jaclayn.
12-qofka kale ha moodo in fikradu tiisa tahay.
13-isku day si daacad ah inaad ka fiiriso arrinka dhanka qofka kale ka arkaayo.
14-Ha murmin ogow in jidka ugu fiican eed ku kaashan karto muranka yahay inaad ka dheeraato.
15-U muuji qofka kale gefkiisa si sarbeeb ah.
16-Faraxsanow markasta oo iska ilaali Waji xirnaanta.
17-Dhex gal dadka oo ka dheero kali ahaanshaha.
18-Ku dadaal in badan inaad adkeeso Balanta,iyo Runta kana dheerow Beenta.
19-U hambalyee dadka markasta oo ay guul gaaraan,una tacsiyadee markasta oo dhibaato ku timaado.
20-Noqo deeqsi kaalmeena dadka baahan.
Waxaaa la ogaaday in badan haddii aad ku dhaqanto sifooyinkaas aan kor ku xusnay in badan inay ka qaataan soo jiidashada dadka quluubtooda.

La soco Bisha dambe iyo kasbashada Qoyskaaga
 

Back to Category