Markiiba waxaan aaday salaadii la iigu yeeray oo gabaabsi ah Reerka intooda kale aniga mooye wey tukadeen gaar ahaan wixii galabkaasi joogay guriga. Salaadii markii aan tukaday ayaa aabahey aanan iiga baran in marka salaad la iigu yeero caga jiidin iga codsaday inaan canbaar la sheekeysto.
Hayeintaan dhahay ayaan barteydii aan ku tukaday salaadii maqrib fariistay anigoo isweydiinaya waxa uu igala hadlayo,Waayo inta badan marka uu aabe ila hadlo waxaan moodaa inuu iga hadlayo wax i quseeya waxaaban hadalada aabe ka qaaday cabsi iyo wel wel,inkastoo uu aabahey mar hore igu yiri dooq adigaa leh iyo cidaad keensato.
Hadana waa waalid oo marwalbaa waxa uu jecel yahay wanaaga carruurtiisa.
Sidaan qiyaasayey noqotay sheekadu awalna waan ogaa in aabe oo ii yeera uusan arimo kale oo aniga iga baxsan igala hadleyn.
Aaabahey mar mar buu ismaro leeyahay oo sida uu u joogo sanifaa, marka uu sanifana waxa uu jecel yahay inuu wareysi sida weriye Sonna oo kale carruuta midba qol la galo oo uu weydiiyo halka ay xaaladoodu mareyso.
Anigana tirada kumaba sii jiriyo waxaan ahay gabadha keliya uu gabdho oo dhan ka qabo,oo si gaar ah bey isha iigu hayaan hooyo iyo aabe xitaa walaalaheyga kale inkastoo ay iga xishoodaan bacdamaa ay yihiin dad fahmaya wacyiga dhalinyaradda jirta sanadahaan.
Sidii caadada aheyd sheeko guud mar ayaan ka hadalnay aniga iyo aabahey oo la xiriirta nolosha iyo qoyskeena.Waxaan kaaga mahadcelinayaa sida aad gabar wanaagsan u tahay oo aad hooyadaa iyo walaalahaa aad garabkooda joogtay ayuu yiri sidaan hadalka kale uga filayey,markaa ayaan ku dhahay aabe maxaad ula jeedaa hadalkaa!?
Aabe waan kugu faana waxaana hadalkaa ula jeedaa sidii aad uga soo dhalaashay kaalintaadii gabarnimo ee ku aadanaa qoyska iyo howlahiisa kale ma garatay aabo? ayuu yiri.. haa baan u sii daba dhigay anigoo weli raba inaan ogaado hadalada ku hoos jira eraydaasi,waayo aabahey sabankaan kama aanan maqlin isagoo sidaa leh,si baana uga didsanahay hadaladiisa oo waan ogahay wuxuu ila aadayaa mowduuc kale aan loo dirsan.
Mahdsanid aabo,laakin taasi maahan mid aad iiga mahadcelineyso ee waajib i saaran inaan reerkeena ogaado waxqabadkiisa iyo howlaha kale ee igaga aadan kaalinteyda gabarnimo anigoo yaaban ayaan ku iri.
Duqa daaha muu ka qaado waxa uu damacsan yahay ee iigu yeeray,koleyba waan ogahay inuu ujeedo kale uu u dig iyo dam leeyahay ee, ayaa anigoo hoosta ka guuxaya leeyahay.
Hooyo Canab oo shaah u keentay aabe,meeshana soo fariisaneysa ayaa badashey jawigii guud, aabese maahan nin sidaas ku hara oo waxa uu rabo inuu kuu sheego isagoon kuu sheegin kala tagimeysaan.
Xaaji shaaha cab waa adigii lahaa jalmad (kirli) shaah ah ii soo kari waa qaadiriyey sanahee! ayey tiri hooyo.
Yaa salaam jecliyaa islaanteyda,marka ay shaah macaan soo kariso weliba dee caawa ma aqaano si baad iigala qurux badan tahay waayadii hore ee maxaa dhacay!?
Xaaji waa indhahaaga ee bal shaaha cab intuu kulul yahay,aniga tii aad taqiinay baan ahay ee aad dhowrka sano is qabteen ayey hooyo iskaga difaacday hadaladii kaftanka ahaa ee aabe. Maya Xaajiyo galabta waxbaa jira wallee sidii hore ma tihid galabta nuurkaaga iyo shacnigaaga ayaa baxaya
Aabe iyo hooyo dhexdoodii bey galabta isku badashay sheekada oo iyagaaba dib ugu laabtay xilligii dhalinyaro nimadoodii iyo waayo waayo.Markaas ayaan aabe wey diiday suaal kadis ah oo uusan iga filaneyn inaan weydiinayo iyo in kale. Aabe horta maxaad nooga sheekeyn weysay sidii aad isku guursateen adiga iyo hooyo,mise waad ka xishooneysaan inaad carruutiina uga sheekeysaan sidaad isku guursateen? . Waayo aabo,maxaad ii suaashay ayuu yiri isagoo i fiirnaya lana yaaban sida aan ku soo hindisay.Maxaa yeelay inta badan aabe,carruurtiisa firaaqo uma helo uu kula sheekeysto,subixii ayuu baxaa goor danbe ayuu yimaadaa,markaa maba hayo waqti sheeko. Sidaasi ugama aan harinee isagoo weli fiiriskii igu haya ayaan mid kaloo ka daran suaashii hore u dhiibay oo ku iri Aabe kaalay waa adiga aroorti baxa,goor danbe-na habeenkii yimaadee sow hooyo ma maseyrin,saacadahan badanee aad ka maqan tahay guriga,mise hooyo waa raaliyoo raali bey kaa tahay?
Weger . Intuu yiri bey qosol ooda jabsadeen labadooda.,oo labo is fiirisa la waayey,in door ah markey qoslayeen buu aabe yiri oo aabe kaalay maanta waad hadleysaaye maxaa dhacay? Aabe nin walbaa oo aduunyada jooga maalin buu hadlaa,anna maanta waa maalinteyda hala yaabin suaalo badnideyda baan ugu jawaabay.
Aabe sida ay ku timid guurka aniga iyo hooyadiin waa mid sheeko dheer ah oo maalin kale idiin sheegi doono adinka oo dhan,hooyadaana wey maqleysaa hadalkaa. Balse aabe hooyadiin waxey aheyd gabar mutacalimad ah oo wax soo baratay,aniguna nin dan yar baan iska ahaa berigaa, mana heysan hanti badan oo aan kaga doono reeraheeda,laakiin sheeko hoose oo aan aniga iyo iyada yeelanay iyo jaceyl qoto dheeraa ayaa sababay inaan reer yeelano,waxaana aamisanahay hadeysan hooyadiin ahaan laheyn in maanta aan ineynaan halkan wada fadhineen.
Intaasi waa sheekadii oo guud mar ah aabo ma gartay ayuu yiri,balse aabe abaal weyn baan u hayaa hooyadiin oo intaan noolahay ilaawi maayo abaalka ay ii gashay iyo sida iila qaaday jaceylka gurigeenana ay ku dhistay dhinaceeda. Ayuu sii daba dhigay hadalka.
Maasha Allaah,waa waalid jaceylka yaqaan ayaan hoosta ka iri. Runtii hadalkii aabahey iyo sheekada guud marka ah waa mid aan ugu bogay inaan wax ka ogaado sida ay aheyd nolosha labadeyda waalid,kalsooni ayaan ka helay aabe galabkaasi. Awal hooyo waan is sheeko naqiinay oo waxaan aheyn sidii labo gabdhood oo saaxiibo ah,mararka qaarna waxba iigama duwaneyn saaxiibteey Muna. Laakin kaalay aabo wiilkii Feysal ahaa ee ina adeerkaa ahaa miyaad is aragteen waaydan maan aragee? ayuu yiri aabe,oo aad moodid in uu dib u xasuustay waxa uu iigu yeeray.
Waayo aabe aad ii weydiisay Feysal,guriga ayuu wax ka degen yahee baan suaalay aabe.
Aabe run mise been baad dooneysaa,anigaa kuu soo diray inanka oo iri u tag gabadha walaashaa ah oo la sheekeyso, maxaa yeelay dee Waxaa taqaano guurso waxaad taqaano bey kuu dhalaane marka hadaad is guursataan inanka aan adeerka u ahay ee walaalkey dhalay anna aan ku darsado gabadheyda quruxda badan aabe ma xumaan baa? ayuu yiri.
Inkastoo aysan hooyo diidaneyn in Feysal la igu darro hadana iyadoo niyada ii dhiseysa ayey tiri Xaaji hadaad wax shukaamineyso maxaad qof kale ugu shukaamin weysay gabadha illeyn waa walaalkeed umana heysato in uu geeyo ee.? Hooyaaba ka dartay waanse u riyaaqay hadalkeeda oo waxey xog ogaal u tahay sababta aan u diidanahay ina adeerkeey Feysal iyo xirriirka naga dhaxeeya aniga iyo Muqtaar ee aan aabe loo sheegin inkastoo hadda ka hor tuhun galay mar uu taleefanka ka qabtay Muqtaar,haddana ima weydiin ninkan waxa uu yahay.
Aabahey waxaan u sheegay in Feysal yahay wiil walaalkeey ah oo meel ku soo wada kornay,isla markaasna iila siman wiilasha kale ee walaalaheey ah,sidaas daraadeed wax la guursado ay badan yahiine aanan marnaba walaalkeey damcin,balse aysan jirin sabab kale oo intaas dhaafsiisan aan ku diidayo.
Waana ka soo tagay aabe iyo hooyo iyagoo meesha fadhiya.
La soco cadadka danbe Insha Allaah!..