Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2003

Published on: 2003-01-01 19:13:20

Marar badan ayaan quraanka ku aragnaa inaan Ilaahay jeclayn dadka kibirka badan. Fiiri Aayadda 27aad ee suuradda Gaafir iyo Aayadda 23aad ee suuradda Al-naxli. Ilaahay markuu Malaaigta amar ku siiyay in ay Nabi Adam u sujuudaan oo ay u sujuudeen waxaa diiday Ibliis oo iswaynaysiiyay. Fiiri Aayadda 34aad ee suuradda Al-baqarah.
Sidoo kale nabiga calehi salaatu wasalaam wuxuu inoo sheegay inuusan janada galayn qof ay qalbigiisa ku jirto wax yar oo kibir ah, waxaa wariyay Muslim.
Sidoo kale waxaa la ina ka reebay inaan dadka iskala waynaano sida in qofku dadka iskala waynaado isaga oo dadka isu tusaya in uu ka aqoon badan yahay ama ka maal badan yahay ama jago uu haysto daraadeed dadka isaga wayn ama qabiil daraadiis dadka isaga wayneeya.
 

Back to Category