Mulac fariintii aad ayuu ula yaabay, mas-uuliyadda soo food saartay , gaar ahaan neceb is qab qabsiga ogna in la isku qabsan doono, waxa kale oo uu ogyahay in wiilkan yar aynan ahayn isku dagaan ama isku qabiil- dhow, waxa kale oo uu la socdaa in ay magaalada dagan yihiin Ahmed yare tolkiisa oon jeclayn in uu qof kale mas-uul ka noqdo (Somalida waqtigaa jirtay wax ceeb u ahayd hadii uu tolkaa magaalada joogo in aadan meel kale tagi karin).
Mulac oo sidii u yaaban ayaa soo hor istaagay isbitaalkii Hargaysa oo caruur badan hor tuban tahay , qaar ku soo gubtay Baaruud ay qarxiyeen farxadii Iida awgeed, iyo qaar baabuurkay wateen ku qalib may oo aan dhaawac sidaa u badnayn ku yaalo wajigooda.
Mulac iyo nimankii waxay markiiba u gudbeen gudihii isbitaalka, si ay u wareeystaan meesha uu maydku yaalo. Markiiba waxa ku soo baxay nin yiri aniga ayaa mas-uul ka ah qaybta maydadka , iyo cida ama maydka aad raadinaysaan. Mulac ayaa ninkii ku yiri adeer, waxa- nu doonaynay nin saddex cisho ka hor la keenay meeshan oo uu gaari dilay-
Ninkii ayaa isna ku yiri hadaanu qaadi lahayn oon soo aasi lahayn, cid soo sheegatana waannu waynay ayuu hadalkiisii ku sii daray.Mulac oo hadal ka soo bixi la, ayaa ninkii ka dhex galay hadana oo uu yiri, dhinacan na soo mariya aad soo aragtaane, markiiba waxay u gudbeen xaggii hoose oo uu maydku yaalay. Mulac ayaa isna ku soo dhawaaday isaga oo bisinka hoos ka aqrinaya wadnuhuna si xun u garaacmayo. Mulac kama naxsana dhimashada ee waxa uu aad uga naxay sida uu ku dhintay iyo cidla xumada(ciirsi) wiilkiisa haysata ,tolkiisii oon ka war hayn maydka, iyo iyaga oo is dareen siinaya in uu danbiile yahay.
Isaga oo hadaba sidii wadnihiisu u garaacmayay dhidid yar yarna ka soo duul-duulayaan ayuu aad ugu soo dhawaaday maydkii. Qolka qaboojiyaha waxa ku jiray ilaa sagaal (9)mayd- qolka talaagada oon aad u qaboobayn awgeed meeshu waxa ka soo u shiira-yay(qum-qum) ama suyuc aad u fool xun oon loo adkaysan karin , markiiba nimankii sanka ayay gacantooda saareen, qaar ka mid ahi waxay la soo baxeen masaro(safaleeti) laakiin Mulac wuu dii day in uu sanka gacanta saaro, ama masar la soo baxo, waxuuna door biday urtaas.
Mulac oo sidii u naxsan, ayaa ka qaaday maradii wajiga u saarnayd maydka, isla markiina waxa uu gartay in uu yahay odaygii Sulub ee Ahmed aabihii, indhaha ayuu hadana isku qabtay Mulac, hadana wuu kala qaaday isaga oo leh , Inaa-lilaah- wa- inaa ilaahu rajuciin.
Ur-badan oon loo ad kaysan karin awgeed ayay hadana dib banaanka ugu soo baxeen, intii- hadaba ay banaanka taagnaayeen ayaa waxa soo galay dad badan oo ehelkiisa ahaa, qaar ooynaya ,qaar naxsan, qaar yaaban, iyo kuwo caraysan oo leh, ninkii gaariga ku dilay waa in la soo helaa si aan magtii uga qaadno. Waxa isna dhinaca kale ka soo galay Ahmed abtigii oo jabuuti ku maqnaa Abokor, oo isna aad uga naxay geerida dhacday iyo sida aan loo ogaynba.
Mar alla markii la maqlay geeridan dhacday ayaa afarta geesood ee magaalada laga kala yimid, dadku waxay u kala baxeen, ehel, qaraabo,saxiibo iyo dad badan oo uu macaamiil la ahaa. Dhamaantoodna waxay isku raaceen in maanta la aaso, maadaamaa maanta Iid tahay, waa in la-aasaa maydka maanta, waxaynan isku wada raaceen in aan cid kale lala sugin.
Isla markiiba maydkii waxa loo qaaday qabuurihii, ummaddii oo dhana way soo raaceen iyaga oo u duceeynaya oo leh, ilaahay danbigaaga ha dhaafo.
Mr-alla markii la soo aasay maydkii, ayaa odaygii Abokor waxa uu u soo leexday dhinicii uu taagnaa Mulac, si uu ugala hadlo Ahmed-yare arrimihiisa iyo xagga uu ku danbayn doono.
Abokor oo ah nin xanaaqu ku yara badan yahay ,hadalkuna ka yara dhacdhaco, horena ay isku qabsadeen dad fara badan, caruurtiisa iyo cid walba oo hadal ku soo celisana uu gacan ula tago.
Abokor markii uu salaamay Mulac, ayaa waxa uu ku yiri, waxan doonayaa in aan soo kaxeeyo Ahmed-yare, waxana uu joogayaa gurigayga inta meel looga helayo.
Mulac oo aad u dagan ogna fariintii la-farayna og, ayaa ku yiri Abokor, aniga waxay ila tahay in uu maalmahan ila joogo inta looga sheegayo, waxa kale oo uu hadalkiisii ku sii daray, caruurtaydana aad ayuu ula qabsaday, waxana uu dareemayaa Ahmed si in uu gurigiisa joogo, ayuu hadalkii ku soo gaba gabeeyay. Odaygoo Abokor oon jeclaysan hadalkaa ayaa yiri, saddex cisho ayaan ku siiyay, waxa kale oo uu hadalkiisii ku sii daray, axadda ayaan kaa soo doonayaa waqtiyada duhurkii, isaga oon hadal kale u galin ,salaan fiicana ka qaadin ayuu Abokor baabuurkiisii kaxaystay.
Islaantii Canbaro oo dumarkii maqleen baroorteedii iyo waxa dhacayba, ayaa afarta dhinac baroor ka wada keenay, waxana gurigii isugu soo haray Dumar iyo Caruur.
Caruurtuna waxay fahmi-waayeen baroorta meesha ka socota, waxay kaloo la-yaabeen mar dhowayto sowtii la wada faraxsanaa, maxaa dhacay hada?.
Iyadoo hadaba sidii loo wada barooranayo ayaa Mulac albaabka ka soo galay, waxa ku soo wada cararay caruurtii oo jecel in baabuurka lagu qaado. Mulac markiiba waxa uu kor u qaaday Ahmed-yare oo si aada u dhunkaday, qoortana u salaaxaya, ayaa caruurtii kale tiri abbo anigana I qaad, mid kale ayaa isna yiri I qaad anna. Waxa caruurta ciyaarsiinayay Daahir oo og waxa dhacay, laakiin si nin wayn u dhaqmaya, marnaba uma sheegin caruurtii.
Mulac oo albaabka sii galaya ayaa ku yiri Daahir, dhammaan caruurta dibada ku ciyaarsii ilaa inta guriga laga kala tagayo. Mulac marnaba ma jeclayn in ay caruurtiisu naxdin dareento.
Markii uu soo galay Mulac gurigii ayaa islaamihii waxay ku u rureen qolkii martida, waxana u soo baxday xaaskiisii oo indhihu casaadeen(gaduudteen), Mulac oon hadal badan tabar u hayn ayuu xaaskiisii ku yiri ,maydkii waaanu soo aasnay, waxaan halkan ku aqriyi doonaa xoogaa quraana ee bal islaamaha iska rawixi,(dir) waxa kale oo uu islaantii la socodsiiyay mas-uuliyadda Ahmed, iyo hadalkii ay isa soo waydaarsadeen ninkii Abokor ahaa.
Mulac iyo Daahir-yare iyo laba nin oo ay saaxiib aad ah u yihiin Mulac oo walibana ay is xigaan Ahmed aabihii, ayaa waxay wada bilaabeen quraankii, waxayna wadeen ilaa saqdii dhexe ee habeenimo, markii hadaba ay dhameeyeen , ayuu Mulac la tashaday labadii nin si uu uga dhaadhiciyo arrimaha Ahmed iyo meesha uu joogi doono, iyo waliba ilaahay ka sokoow uu isagu jecel yahay in auu Ahmed koriyo inta waqtigiisa uga hartay, quraan iyo waliba waxbarasho wanaagsana uu u balan qaadayo. Nimankii oo aad u yaqaan Mulac ayaa yiri, anagu si fiican ayaanu kuu naqaanna, iyaga oo hadalkii sii wata ayay haddana yiraahdeen , qof korinta ama dhaqaalaynta Ahmed kaaga wanaagsan lama helayo, annaguna waxaan isku dayaynaa in aanu kula gacan qabanno oo cidii ku soo fara galisa, aan talaabo ka qaadayno.
Mulac oo aad ugu farxay hadalkaa ayaa haddana yiri, waxan jeclahay in si dhaqso ah oo waliba bari ah, loogu sheego Ahmed in aabihii dhintay, isagoo hadalkii sii wada ayuu yiri, waxan jeclaan lahaa in aad barina ii soo noqotaan, waqtiga qadada ayaan u sheegayaa in aabihii dhintay oo uu halkan joogi doono hadduu alla yiraa. Nimankii Mulac saxiibadii ahaa oo ah niman aad u dagan ayaa ku yiri Mulac, hanoo baqin waannu imanaynaa .
Ahmed aad buu u yaabay sida loo seexiyay ,iyo sida loo dhaaqaaleeyay, waxa habeenkii oo dhan dhabta ku haysay Islaantii Canbaro, Ahmed oon waligii dhab lagu qaban ,laguna seexin, ayaa la yaabay sida dhexdaba loo galiyay. Ahmed in kastoo ay da-diisu ahayd lix jir(6) haddana waxa uu u fikiri jiray sida qof wayn, una dhaqmi jiray si qof wayn.
Islaantii Canbaro ayaa intay si wanaagsan ugu maydhay, cunto aad u wanaagsanna siisay, ayay habeenkii oo dhan hoosta ku haysatay, runtii Ahmed aad ayuu ula yaabay, ugana helayay, farxad iyo wanaagna ka sii qaaday, waxa uuna naftiisa jeclaystay , in uu halkan iska joogo haduu aabihii ka yeeli lahaa.
Waxay ahayd subax subaxa kale ka duwanayd ,odaygii Mulac waxa uu la soo kacay, murugo iyo daal aad u wayn ,islaantii Canbaro ahayd habeenkii oo dhan hurdo iskuma keenin, oo jirkeeda meel laga taabto male daal awgiis. Waxa kale oo iyaguna soo kacay caruurtii oo dareemay farxadii iyo sheekadii ay uga barteen aabohood in aynan jirin saaka. Maadaamaa ay maanta maalintii labaad ee farxada Iida ay tahay, shaqi iyo iskuul toonna ma jirin, Mulacna waxa uu la soo kala baxay kutub uu jeclaa in uu iska sii aqriyo inta ay saaxibadii uga imanayaan Caruurtiina markay iska quraacdeen , banaanka ayay u yaaceen dhamaantood. Isaga oo sidii quraanka u aqrinayay, ayaa waxa soo galay nimankii saxiibadii ahaa, Ahmedna adeero ugu aadanaa, Markiiba waxa u kacay Mulac xaggii albaabku ka xigay, si uu u soo dhaweeyo martida,. Martidii oon maanta sidii lagu yaqaanay ahayn , ayaa waxay hadalo is waydaarsadeen sidii loogu sheegi lahaa Ahmed-yare. Mulac ayaa markiiba yiri waxan jeclaan lahaa marka loo sheegayo in ay Canbaro dhabta ku hayso si uu u dareemo in ay meesha joogaan dad jecel oo uu yaqaano, maadaamaa baryahanba ay Canbaro aad u dhaqaaleeynaysay, ayuu Mulac hadalkiisii ku soo gabagabeeyay.
Waa Socotaa
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!