Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2003

Published on: 2003-01-01 19:32:22

Horudhac
Qaybihii hore waxaan la soconay Ayaan iyo Faysal oo akhbaar kala helay, kaddib markii ay in badan kala maqnaayeen. Ayaan oo Australia ku nool wadaad ah, xaas ah, hooyo ah, nin wadaad ahina qabo, nolosha ay ku nooshahay aan ku faraxsanayn. Faysal oo USA ku nool, balwad yeeshay. Labaduba waa ku farxeen in ay war iska helaan. Ayaan oo waraaq u soo dirtay. Faysal oo helay waraaqdii laakiin aan jawaab u diri karin. Waxaan kale oo la soconay sidii uu jacaylkoodu ku bilowday. Ayaan oo hooyadeed u bandhigtay dhibaatada haysta. Faysal oo waraaqdii u horraysay Ayaan u diray, Ayaan oo Shiikh Cali u sheegtay in ay doonayso Furriin, Ayaan oo waraaq dheer u dirtay Faysal iyada oo u sheegaysa dhibaatada ay ku sugan tahay. Ayaan oo gurigii hooyadeed u wareegtay kadibna ay waalidkeed isku dayeen in ay gurigeedii ku celiyaan laakiin ay ku adkaysatay in ayan doonayn in ay dib ugu noqoto. Faysal oo Ayaan u diray e-mailkiisa iyo Talefoonkiisa.
Qaybtii 12aad
Subax subaxyada ka mid ah ayaa hooyadeed ku tiri Berri galab casarka ka dib yaan guriga lagaa waayin waayo wadaadkii ku qabay iyo aabahaa ayaa halkaan ku ballansan, adigana aniga ayaa aabahaa ii kaa soo faray inaad goobjoog ahaatid waayahay ayaa Ayaan hooyadeed ugu jawaabtay. Subaxaas galabtii ka horraysay ayaa Ayaan aabeheed Taleefoon u diray Sh. Cali waxaana dhex maray wadahadalkaan:
-Asalaama Calaykum Shiikh Cali -Wacalaykuma salaam Adeer Iga raalli ahow waa ii suuroobi wayday inaan ku soo waco, waana helay farriintaadii.
wax dhib ah ma leh adeer
Caafimaadka ka warran adeer soo lama roona?
Al-axamdu lillaahi adeer, waa ladanahay see tihiin idinku?
Barwaaqo adeer waa Ilaahay mahadadiis.
Shiikh Cali oo ogsoonaa in sodogiis kala hadli doono arrinta isaga iyo Ayaan, isla markaas waa ku adkayd in uu isagu bilaabo, wax yar markii uu aamusnaa ayaa Odaygii bilaabay hadalkii oo yiri
Adeer waa tii ayaantaan ay Ayaan joogtay xaafadayada joogtay, waana isla hadalnay aniga iyo iyadu isla markaas hadalkayagii wax maxsuul ah kama soo bixin.
Waa gartay ayaa Sh. Cali ku jawaabay, Odaygii ayaa hadalkii sii watay Adeer waxaa ila quman inaan arrinta iska aragno oo ay Ayaana soo fariisino oo waydiino dhibaatada jirta Waa arrin wanaagsan ayuu Sh. Cali ku jawaabay
Goorma ayaad adeer xaafadda noogu imaan kartaa? ayaa Odaygii Sh. Cali waydiiyay
Adeer berri galab haddii rabi idmo markaan casarka soo tukado ayaan idiin imaan karaa.
Asalaamu calaykum iyo wacalaykuma salaam ayay is waydaarsadeen.
Galabtii danbe ayaa waxaa isa soo horfariistay Ayaan, Hooyadeed, Aabeheed iyo wiil walaalkeed ah. Odaygii ayaa hadalkii bilabay oo yiri sida aad la wada socotaan waxaan sugaynaa wadaadkii Sh. Cali, waxaana habboon inaan inagu is aragno inta aynaan wadaadka hor fariisan, isaga oo hadalkii sii wata isla markaasna jaleecsanaya dhinaca ay Ayaan ka fadhido ayuu yiri Aabbe inaan Ilaahay ku ceebayn ha na ceebayn Ayaan ku tiri Aniga oo dhamaantiin idin ixtiraamaya ayaan idin la socodsiinayaa inaanan goaankayga ka noqonayn haddii kunna islaanto kunna gaalowdo Waa la is dhugtay, iyada oo la wada aamusan yahay ayaa albaabka la soo garaacay, Malaha waa Sh. Cali ayaa Odaygii yiri. Albaabkii ayaa la furay, Waxaa soo galay Sh. Cali, waa la isa salaamay, waxaa la soo dhigay Shaah. Cabaar markii la iska kaftamayay shiikh calina ku mashquulay in uu gabdhiisa yar Xafsa waraysto ayaa Odaygii hadalkii bilaabay isaga oo ku bilaabay, Faataxada inoo mara markii faataxadii la dhameeyay ayaa Odaygii yiri kuligeen waa ognahay arrinta aynu isugu nimid oo ah gabadhaan gurigeedii ka soo tagtay oo naga diiday in ay ku noqoto si kastaba arrintu ha ahaatee waxaan galabta isugu nimid inaan idin dhagaysano kadibna aan xallino dhibaatada jirta. Sh. Cali ayaa hadalkii bilaabay, Bismilaahi Raxmaani Raxiim, run ahaantii aad ayaan uga xumahay in maanta aniga iyo walaashay arrintayada loo fadhiyo, haddii aan anigu iska bilaabo ma jirto haba yaraatee wax dhibaato ah oo aan walaashay ka tabanayo, haddii ay jiraan wax ay iga tabanayso waxaan diyaar u ahay inaan ka qanciyo. Waa la aamusay, Odaygii ayaa yiri haye Ayaan adiga ayaa lagu sugayaa, noo sheeg waxa aad ka tabanaysid Shiikha Ayaan oo awalba jawaabteedu u diyaarsanayd ayaa tiri Run ahaantii ma jiraan wax aan ka tabanayo walaalkay, horayna waa idiin ku sheegay hadana waa idiin sheegayaa waxaan goaan ku gaaray inaan anigu sabab u noqdo bur-burka gurigayaga, qof weyna ayaan ahay waana dareemi karaa dhibta ka imaan karta in qof bur-buriyo gurigiisa, waa ogahay inaad kuligiin iswaydiinaysaan sababta aan sidaas u yeelayo, waana ogahay inaad kuligiin aniga iga naxaysaan oo aad wanaagayga jeceshihiin, haddana nasiib darro sidaas ayaan door biday waxaana idin ka codsanayaa idinka oo aan iksu mashquulin sababta in aad ii fududaysaan codsigaan oo uu walaalkay Sh. Cali i furo haddeer waa la aamusay oo la is dhugtay, kuligood waa dareemi kareen in Ayaan u hadlayso si dhab ah. Markii cabbaar la aamusnaa ayaa Sh. Cali yiri waa ku furayaa haddii aad goaansatay Ayaan neef ayaa ka soo baxday, waana ay faraxday isla markaas si ayay u murugaysnayd, iyada oo is leh ka faaiidayso fursadaan ayay tiri waxaan rabaa inaad hadda I furtid waa la iswada dhugtay mana jirin qof ku faraxsanaa in uu goob joog ka ahaado furriinkaan. Sh. Cali ayaa ugu jawaabay waxaan ku siiyay laba wiig oo aad arrintaan uga soo fiirsatid haddii aad ku adkaysatid waa ku furayaa Ayaan waa iska aamustay kadibna qolkeedii ayay aaday iyada oo aan qofna la hadlin.
La soco qaybaha danbe


 

Back to Category