Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2003

Published on: 2003-01-01 19:25:32

Waxaa loo baahan yahay barnaamijyo Diini iyo kuwo Bulsho ah

Walaalaha qaaliga ahow, waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka ee qiimaha iyo qaayaha badan, taas oo ah midda kor ku xusan, salaan kadib.Waxaan aaminsanahay, inaad dad ka fakaraya dadkooda jooga dalka iyo dibadaba aad tihiin, taasna waxaa muujineysa,waxyaalo badan ood hadda ku soo
kordhiseen "somalinet" magazinkiisa.Waxaan idin leeyahay:Jazaakumullaahu kheyr, waxaana idin ku baraarujinayaa inaad ka sii fiicnataan sidaas.Haddii aanahay Soomaali, ma aanan u baranin, inaan fikradeena dhiibano oon ku mahdino dadka wax noo qabta, taasna waa laga fiican yahay, sabaabtoo ah Nabigeennu salalaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri:"Qofkaan dadka ku shukrinin, Alle kuma shukriyo".Dabcan dad badan oo fiicanna wey inagu jiraan, Ilaahay hanaga dhigo kuwii xaqa si dhab ah isugu sheega, Amiiiiiiin.waxaan idin dhihi lahaa, inaad kordhisaan barnaamijyada ka hadlaya Diinta iyo Bulshada: sida dadka soo hanuuna,kuwo ku saabsan mawcido kala duwan, waxaan arkay saaxibaday oo akhrisatay magazinkii bishan nofeenbar,waxeeyna igu tidhi"waxaan akhristay mawduuc ku saabsan "Baarinimada",oo magazinka somalinet bishan lagu soo qoray, waana ka helay, waxaana rabaa inaan hooyaday baariyad u noqdo wixii hadda ka danbeeya".Marka soo jiita dhalinyaradeenna, waxaadna ogataan,in qoraal yar ood soo qortaan oo ku saabsan diinta, qofkii qaata oo ku dhaqma, inaad ajir la mid ah ka uu sameynayo, inaad helaysaan, dabcan idinkaa wax iga yaqaanna\'ee, laakiinse madaama aan nahay dad muslim ah waa inaan wax isku sheegno, isna xasuusino, in kasta oon naqaano waxaas.Iga raalli ahaada haddii aan idinku dhereeyay. Saas iyo nabad galiyo
Asalaamu caleykum
Your sister in Islam,
Muniira



Dagaalkii 77
Waa run waa sida aad wax uga qorteen laakiin waa soo gaabiseen markii la qorayo arrin tan oo kale ah waxay qadaataa boogaag badan ee ma ahan mid hal maqaal oo keliya ku kooban ,waa arrinta sababtay burburka Soomaaliya maantay, ka dib markii lagu hungoobay hayaankii ama goolkii la lahaa dib ayey Soomaali isu cuntay ka dib markii ay ku fashalintay dagaalkaas ,waa jirtay carabta in ay had goor si aan habooneyn ay u saarayeen culeys Siyaad ayna ku tirtirsiinayeen in dagaal la qaado ,dana kala duwan ha ka lahaadeeno oo masar ugu horreysay oo had iyo goor dooneysa in Ethiopia ay mashquul dagaal ku jirto si aan biyaha niil aysan waqti ugu helin in ay dams ka sameyso ,inkastoo ay jirto arrinta jawharigga ah ee Soomali galbeed taas oo Somalida ku weyn ayey ugu soo dugaaleen si danahooda kala duwan mid walba uga fushado gobalka, waa taas ushu nagu taal maantay calaa ku xaal arrinta Soomali galbeed iyo Soomali waa arrin aan yareyn doorbadan ayeyna ka cayaareen dowladda badan oo Mareykanka ,carabta iyo sofiyeetkaba oo ay Afrika badan la socotay taas oo Soomalida waagaas ayna ka fiirsan sababtoo ah qof u daneynmeyn mustaqbalka soomaliya bal waa laga daneysaayey si kastaba Siyaad waa soo qaatay waana soo cayaaryey doorkiisii sax ama qalad laakiin waxaa loo bahan yahay in arrintaa intii wax ka ogeyd oo ku jirtay golihii sare ee waagaa in ay wax ka qoraan ayadoo caadifad qabiil la fiirineyn si loo saxo Soomaliya iyo tan maqanba waxaa Soomali noqotay kuwo wax raadshay ee toodii gabay
Hussien

Ninka Falalowga ah
Asalaamu calaykum walaalayaal. Bacdal salaan waxaan akhriyay nostradamus waxa aad ka qorteen. walaal waxaan anigu u fahmay idinkoon qalad iiga qaadanayn in aad ninkaa mowqifkiisa aad ku faafinaysaan dadka muslimiinta ah amaba dadka soomaalida ah. walaal mar labaad waxa laga yaabaa in aad idinku u qorteen si ay dadku wax uga faaiidaystaan laakiin, dadku qaar ayaa ninkan u rumaysanayaa sidii qof muhiim ah oo waxa laga yaaba in ay dad badan wiswaas ku rido. walaalayaal waxaad sameysaan in aad wax diinta islaamka ah ku saabsan soo qortaan. sababtoo ah dadkeenu diinta way ka liitaan walaal waad mahadsantihiin waana iga waano iyo nasteexo.. asalaamu calaykum
Abu-hamza

Isfaquuqa (Midgaan)
Asalaama calyaku waxaan aad iyo aad ula yaabay arrinta uu kaga hadlayo walaalkey liban qisadii uu la kulmay walaal liban dadkeena Soomaaliyeed waxa ay kula kaceen bulshadaaas muslimiinta ah ee soomaliyeed waa arin aad iyo aad u foolxun magacaan ay u bixiyeena waa magac ka fog xaqiiqda waayo midgaan waxaa la dhaaa ninka aan muslimka ahayn ee ilaah iyo rasuulkiisa SCW ku caasiyay. Arrintu waxaa weeye sideen u badeli karnaa caadada xun ee laga soo gaaray awoowayaal jaahiliin ahaa oo ka fog xaqiiqda jirta. Haddaba dadkeena dhalinyarada ah ee soomaliyeed waa in aan sameynaa ficil aan ku bedelayno caadada xun ee lagu faquuqayo walaalaheena soomaliyeed waa in aan la imaanaa ficil ah is dhexgal bulshadeed oo aan iswaydaarsanaa guurka, dhaqanka, saxiibtinimada ,isa soo dhawaynta iyo in dadkaas lagu qanciyo sidii cuqdada looga bixin lahaa. Haddaba aniga maxamed sheekh ahaan waxaan rabaa inaan ficil sameeyo oo ah guur in mudana waan radinayay gabar cidaas ah ,waan guursan rabaa hadaba dadka dhalinyarada ah waa in ay sameeyaan ficil ay ku baajinayaan caadada xun ee diinta islaamka ka fog una keeni karta danbi hala has baan ku soo gabinayaa aniga midgaan waxaan u aqaan ninka masaajidka laga waayo oo gaalada jecel sida qabqablayaasha Soomaalida iyo maleyshiyada dadkooda xasuuqa wabilaahi towfiiq wasalaama calykum.
Mohamed Shiikh

 

Back to Category