Ila Tali Walaal
Walaalayaal waan idin salamay salaamta muslinka tan kale waxaan isku arkay malmahaan isbedel isbedalkaas oo aan ka shaki qabo in uu yahay jeceel marka iga soosiya in uu yahay mid halis ah waxaan wada soconaa wiil waxaan nahay saxiibo ma nahin kuwa ka sheekaysta xariirka qaaska ah ee ku salaysan guur ee si walaal tinimo uun ayaan u shaykaysanaa marka asaga ayaa ii muuqdo markaan soo jeedo markaan hurdo iyo markaan fakiraayoba asaan xiseeyaa. Waa yaabe malay helay seen waxyeelaa ila soo taliya hadana waxaan dhihijiray waa walaalkayga qaaliga ah oo iila dhigmo kii hooyo iyo aabe ila taliya waan wareeraye.
Talo
Sida aad u qiyaastay waxa ay u badan tahay in aad wiilkaas jeceshahay. Marar badan ayay dhacdaa in laba qof oo saaxiibtinimo kaliyihi ka dhexaysay in ay is jeclaadaan ama midkood kan kale jeclaado waayo waxaa dhici karta inaad waqti badan isla qaadataan. Waxaan talo ahaan kuu soo jeedinaynaa inta aadan isaga waxba u sheegin in aad waydiisid suaalo ku saabsan sida uu u arko haddii aad yeelataan xiriir shukaansi. Waxa ay u badan tahay in aad xaaladdiisa la socotid iyo haddii ayan jirin gabar kale oo uu qorshaynayo in uu guursado. Haddii uu diyaar yahay waa u sheegi kartaa in aad jeceshahay. Markastana maskaxda ku hay in haddii aad ku guulaysan waydid ay saaxiibtinimadiinii lumayso.
Ila Tali Walaal
Waxa aan ahay wiil Soomaliyed oo degan qurbaha aan wali guursan jeclana in uu gursado balse waxan ku guulaysan waayey inaa xusho tii aan guursan lahaa waayo? waxa aan la socdaa laba gabdhood oo Soomali ah iyo mid reerkayagu ila rabaan oo waliba labada faamali aad isku fican yihiin marka mid waliba tixgalin gaar ah bay leedahay oo wax bay ku fiican tahay. haddaba muddo ayay iga qaadatay in aan goaan aan gaaro .mana rabo in aan waqti danbe lumiyo markaa waxa aan idinka sugaa waa talo wax ku ool ah haddii Alle idmo.
Talo
Ma ahan in lala yaabo in aad goaan gaari wayday waayo sida aad noo sheegtay waxaad hal mar ah la socotaa laba gabdhood. Inta aan laga hadlin dhibaatada goaanka kaa haysata waa inaad adigu isa saxdaa oo aad sida ugu dhakhsaha badan labada gabdhood midood ugu sheegtaa in aadan diyaar u ahayn xiriirkeeda. Markii hal gabar ahi soo harto ayaad waxaad isbarbardhigi kartaa gabadha aad wada socotaan iyo midda reerku kuu soo bandhigeen. Waxaan talo ahaan kugu siinaynaa inaad ku dadaashid inaad adigu dooratid qoftii nolosha kula qaybsan lahayd. Adiga oo fikaradda reerka tixgalinaya ayaad ka cudurdaaran kartaa, hadaad sidaas samaysid cidna khalad kama aadan galin. Haddiise reerku gabar kugu daraan waxaa dhici karta in gabadhaas lagugu darayo ay nin kale doonayso in ay guursato. Inkasta oo aadan xusin xiriirka adiga iyo labada gabdhood idin ka dhexeeya heerka uu gaarsiisan yahay haddana ogsoonow inaad gabdhaha waqti ka luminaysid.
Ila Tali Walaal
waan idin salaamay salaam kadib waxaan rabaa in aad iga soo talo siisaan arinkaan waxaan ahay qof dumar ah waxaan ahay 26 jir waxaan ku noolahay Yurub waxaan jeclahay wiil Soomaliyeed oo dagan USA waxaaan kala helnaa aqbaarta madaama naga dhaxayso wada sheekaysi walaaltinimo hadana waxaan la dhacay sheekadiisa waana midkaan ku hami jiray nolosha in aan la wadaago waa wiil shaqaysta, wax barta hadana ku fikiraayo gabar fiican in uu nolosha la qeybsado. Walaalayaal markaan fiirshay inanka waa mid aan laheen iimo qatar ah sida in uu laheyn balwad oo uu yahay wiil wanaagsan, dabeecad dagan,qunyarsocod ah waa sida aan uga helaye waxaa jirto asaga xataa in uu iga helay lakiin uusan iishayga karin madaama aan walaaltinimo ugu shaykeeyo walaala yaal waa igu dhib sidaan ugu shaygan lahaa ina aan doonayo ina aan xiriirka ka dhigno mid mustaqbal ee maxaan sameeyaa waa igu agdag tahay ina aan ani qisada bilaabo haddana waan isku hubaa in uu iga diidaynin man alaha xiriir oo waan waydiiyay marka talo dagdag ah ayaan u baahanahay.
Talo
Maadaana aad wiilka ka heshay isuguna uu kaa helay laakiin ay dhibaato kaa haysato sidaad ugu sheegi lahayd, waxaan talo ahaan kuugu soo jeedinaynaa in aad fursaddaan qaaliga aad ka faaiidaysatid oo aad ku dhiiratid inaad u sheegtid, waxaad samayn kartaa waraaq ama e-mail ayaad u diri kartaa adiga oo u sheegaya in aad ka heshay kadibna aad sugtid jawaabtiisa. Waxaad u qori kartaa sidaan Aboowe macaane aniga oo ogsoon inaynu nahay laba qof oo ay ka dhexayso saaxiibtinimo iyo kalsooni dheeraad ah ayaan waxaan kula socodsiinaya arrin aad muhiim u ah, waxaana kuugu sheegay waa inaan kalsooni dheer kugu qabo. Arrintu waa aniga oo ay ila haboonaatay inaan kuu sheego dareenkayga iyo inaad tahay qofkii ugu haboonaa oo aan nolol la qaybsado. Please ila soo socodsii sida aad u aragtid arrintaas
Ila Tali
Walaal waxaan ahay wiil Soomaliyeed oo ku nool Kenya gaar ahan mombasa waxaan jeclahay gabar waxan is jeclayn mudo 4 sano ah oo aan isku meel ku noolayn balse hadda waxay iga aaday UK aniga hada waxan u socdaa in aan aado USA marka walal gabadhii wan kala fogaanay reer koduna waxay rabaan in ay wiil kale ku daraan ee waxaan idin ka codsanayaa in aad ila soo talisaan.
Talo
Haddii aad gabadha is jeclaydeen waqtigaas dheer laakiin ay duruuf idin soo food saartay oo iyadiina UK aaday adiguna aad USA u socotid, waxaa muuqata inaad waqti badan kala maqnaan doontaan, taas oo macneheedu yahay in labadiinaba waqti idin ku socdo, waxaan talo ahaan kuugu soo jeedinaynaa inaad intaadan goaan gaarin la tashatid gabadha, haddii ayan dhibaato u arag in ay guursato ninka reerkoodu u soo bandhigeen, iska fasax gabadha waayo isku meel kuma noolidin lamana qiyaasi karo marka aad isu imaanaysaan. Haddii taas dhib kugu tahay waxaad u qabataa waqti kadibna adigu isku day inaad UK timaadid markaad USA tagtid kadib waayo markii qofku USA sharci ku leeyahay waa sahal in UK laga soo aado laakiin qofkii dhawaan UK galay waa ku adag tahay in uu USA yimaado.
Ila Tali
Asalaamualaykum waraxmatulahi wabarakaatu. walaalayaal waan indin salaamay dhamaantiinba, walaalayaal waxaan ahay gabadh 24 jir ah waxaan xiriir yeelanay wiil aanaan wada joogin ,soona guursaday caruurna leh hasa yeeshee xaaskiisii is fureen. waxaan xiriir wadnaba go\'aan waxaan gaarnay inaan is guursano anagoon xataa mudo dheer xiriirin. asaguna markaas xataa shaqo haynin. marka waxuu iga codsaday inaan si hoose isu mehersano inkastoo jacaylkii nagu gaaray xad dhaaf. anigana waan ka diiday oon iri dadkayga u tag illeen gabadh dadkeedaa laga doonaayee. marka wuxuu yiri hadaba aan shaqeeyo ee sug. annagoo sidii ku socona ayaa hadana waxuu iila yimid inuu dhaho xaaskaygii hore wali way i jeceshahay nin kalana may guursan uu ka wado anay i rabtaa iyo naago kale ma ii guurin markaan is guursano kadib. runtii hadaladaas waxay igu kalifeen inaan halmar kaliya u bur buriyo jacaylkaan isu abuurnay isagoon wali miro dhalin. waayo waxaan is barbar dhigay hadaladiisan" si hoose aan isu mehersano, xaaskaygii wali way i jeceshahay iyo naago kale ma ii guurinaysaa" marka waxaan ku iri ama naagtaadii hore guurso ama naago kale guurso marka aniga iyo adiga xiriir dambe ma yeelanayno. markaas waxuu yiri maxaa kugu kalifay inaad saa tiraahdo anna waxaan iri inaad si hoose ii mehersato baad rabtaa anna marabo. waxuu yiri hadii xaalku saa yahay waan shaqaynayaa waana u imaanayaa reerkiina ee sug. marka hada sidaas ayaan ku xiriirnaa laakiin xiriirkeenu sidii hore ma aha. waana is jecelnaahay runtii ileen jacayl waa lagama maarmaanee. marka walaalayaal maxaad igula talin lahaydeen, wiilkaas arintiisa maxaad u malaynaysaan inuu gabadha uu jecelyahay hadana u sheego inuu naago kale rabo. waad mahadsantihiin. Wabilaahi towfiiq
Talo
Maadaama aad labadiinuba is jeceshihiin waa gaari kartaan xal. In uu wali xaaskiisii hore wali jecel yahay lama garan karo. Waxaan kugula talinaynaa in aadan marna ka yeelin inaad hoos-hoos isu guursataan waayo ma muuqato sabab kalifaysa inaad guurkiina qarisaan. Waxaa muuqata in uu xujo ka dhigay shaqo laaantiisa, si aad xujadaas uga gudubtid waxaad oran kartaa ma doonayo aroos weyn. Waxaa iswaydiin mudan idinka oo aan isla joogin maxay macne samaynaysaa inaad si qarsoodi ah isu guursataan?. Arrinta dumarka kale ee uu xusay waydii waxa uu ka wado adiga oo xanaaqin kadibna wuxuu kuugu jawaabo ka rumayso maadaama aad is jeceshihiin.
Ila Tali
Salaamu alaykum. walaalayaal waxaan ahay inan soomaaliyeed waxaanan jiraa 16. waxaan joogaa wadanka American. walaalayaal waxaan u baahanahay taladiina maxaa yeelay waxaan jeclaaday nin Maraykan cad ah oo muslim ah diintana si fiican ugu dhaqma hase ahaatee walidkay waxay iigu diideen isku dhaqan ma nihin. hooyaday kaliya ayaan u sheegay oo wadan kan ila joogta laakiin aabahay wuxuu joogaa Somalia waanan ka baqanayaa inaan u sheego laakiin hooyaday way ii diiday markaa walaal ila soo taliya anigoo ninkaa si aada u jecel haddana waan ogahay waalidkeenu inuu ka fiican yahay oo uu inagu leeyahay waajib wax kasta ka wayn laakiin walaal taladiina ayaan u baahanahay. wajizaa kumu llaahu khayran jazaa wasalaamu alaykum warahmatullahi wabarakaatuh. waanad mahad santihiin.
Talo
Maadaama aad ninkaan jeceshahay isla markaasna uu yahay nin Muslim ah diintana si fiican ugu dhaqma, waxaad ku dadaashaa inaad aabahaa maadaama uu isagu masul kaa yahay ka dhaadhicisid in ninkaani yahay nin wanaagsan. Haddii waaridkaa kuu diidaan nin diintiisa iyo akhlaaqdiisu fiican tahay waxaa khasab kugu noqonaysa inaad la tashatid dad culuma ah oo diinta Islamka yaqaan. Waxaa dhici karta in hooyo ay is leedahay wali waa yar tahay gabadhaadu. Waana run in dhaqanku saameeyo guurka hadana waa jiraan dad kala dhaqan ah oo ku guulaystay guurkooda iyo kuwo isku dhaqan ah oo isla markaas ku fashilmay in ay guurkooda badbaadiyaan. Waxaan kale oo talo ahaan kuugu soo jeedinaynaa inaadan ku deg-degin guurka ilaa aad ka hubsatid in uu ninkaad guursanaysid yahay mid ku haboon in nolol lala qaybsado.
Ila Tali
waan idin salamay waxaan ahay wiil ku nool Puntland jirana 20yrs. marka waxaan doonayaa inaad i caawisaan oo waxaa i haysata . waxaan is jecaylnahay gabadh joogta New Mexico waan wada xidhiidhnaa xag waliba , marka dhibka jira wuxuu yahay gabadha waalidkeed ayaan ogalayn ,oo waxay leeyihiin nin Soomalia joogga guursan maysid ,run ahaantiina gabadha aad ayaan iskugu dheer nahay marka waalidka ayaa ii diidan gabadha. mahad sanid .
Talo
Maadaama aad gabadha is jeceshihiin waxaa haboon inaad ku dadaashid sidii aad isugu imaan lahaydeen waayo waalidka xaq ayay u leeyihiin in ay gabadhooda u sheegaan inaan nin Soomaliya jira wax dan ah u hayn. Haddii aad dhibaatada kala fogaanta xal u heshaan waxa ay u badan tahay in arrinta waalidka xal loo helo.
Ila Tali
Asalama caleykum kuligiin. waxaan guursaday nin aad iga wayn anigoo ku fakaraya in uu waxgarad yahay, hasa yeeshee waxaa dhacday in aan gadaal ka ogaaday in uu ninku yahay daroogiiste wayn cunug ayaan isu dhalay waxaan marar badan isku dayay in aan ka caawiyo siduu isaga dayn lahaa balaayadan. Waan ku daalay. Hada waan is dagaalsanahay waa iga guuray waxaan ka codsaday in uu i furo waa diidan yahay, maxaan arintaasoo kale ka samayn karaa.?
Talo
Run ahaantii waa dhibaato in uu yahay daroogiiste isla markaasna uusan diyaar u ahayn in uu iska daayo. Arrinta furriinka waxaad kala tashan kartaa culumaa u diinka si ay kaagaga caawiyaan sidii aad isaga fasakhi lahayd.
Ila Tali
Asalaam calaykum walaalayaal waxaan ahay inan 20 jirta waxaan ku noolahay dalka Sweden intaan iman Sweden waxaan jeclaa wiil aad iyo aad isna ii jeclaa. kadib waxaan soo galay wadanka Sweden markii aan is dhiibayna waxaan qortay nin, ninkaasna nasiibka waxaa soo galay walaalkay oo igu yidhi I dhoofi aniga nasiib daro halkaasaan inankii ku seegay laakiin waa wada xidhiidhaynay ilaa muddo kadib markii aan joogay wadan ka Sweden ilaa mudo 5 sano ah wax xalana aanan u hayn inankii ayaan waxaa walaalkay i baray inan kale ana ma rabi kan kale walaalkayna uu igu yidhi guurso ana niyadaydu waxay ku maqan tahay kii Soomaaliya joogay markaa walaalayaal ila taliya oo maxaan sameeyaa miyaan iska raacaa kan kale anoona jacayl u qabin mise kaa saan iska sugaa ilaa intaan soo kaxaynayo waqtiguna wuu is guraya. hadii aad talo igu kor dhinaysaan fadlan ila soo taliya kii ii roon ilaahay ba yaqaane. waad mahadsan tihiin dhamaan
Talo
Guurku wuxuu ku qurxoon yahay in ay labada qof oo is guursanaya ay ka dhexayso is fahan iyo jacayl. Ma muuqato sabab weyn oo aad wiilkii aad jeclayd ugu badashid nin aadan jeclayn. Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa wanaagsan inaadan ka bixin ballantii iyo jacaylkii idiin dhexeeyay, waxaa haboon inaad xoogga saartaan sidii aad isugu imaan lahaydeen. Haddii ay dhacdo inaad goaansatid inaad ka tala baxdid u sheeg in uu xiriirkii dhamaaday, kadib markii xiriirku dhamaado adiga ayaa naftaada xor u ah, haddaad doonaysid ninka uu walaalkaa kuu soo bandhigay ama nin kasta oo aad ka heshid ayaad guursan kartaa.
Ila Tali
Asalaamucaylkum dhamaan walaalahayga noo ogolaaday inaan weydiisano la talis.waana ku mahadsan tihiin dhamaan ficiladan wanaagsan ee aad ku dhaqaaqdeen. anigu waxaan ahay gabadh 22 jir ah waxaana ku noolahay wadanka Norwey, markaan joogay Soomaliya waxaan jeclaa wiil wadaad ah markii aan ka imi oo aan is weynay ayaan wadankaan joogo waxaan ku bartay wiil aan aad isu jeclaanay wiilku sidiisa kale wuu u fiican yahay laakiin wuxuu cunaa jaadka wuuna cabaa sigaarka markaa ilaahay uun baa isku kaaya beegay, waxaana iska helnay netka waxaana joognaa isku wadan laakiin laba magaalo anigu waxaan ahay qofku xidhan ilaahay aaminsana markasta inaan helayo kii ilaahay ii qoray balse anoo u malaynayo inaan kan is calfan doono ayaan waxaan ku yara diidayaa intaa yar ee uu sameeyo umana dul qaadan karo ficiladaas. Markastana wuxuu I dhahaa waan iska daayay markaa aniguna ma aamino oo waayo waxba ka ma ogi inuu cuno oo isku meel ma joogno markuu ii yimaado wuxuu I dhahaa waan iska daayay. markaa walaalayaal ila taliya miyaan ka hadhaa oo ilaahay kuu ii qoray iska sugaa mise waan iska raacaa isagoo hadduu doono samaynaayaa ficiladaas. ILA TALIYA WALAALAYAAL WAANA KU MAHADSANTIHIIN.
Talo
Maadaama aad wiilka aad isu jeceshihiin waxaa adiguna aad tahay qof Ilaahay ku xiran isaguna yahay nin Jaad cuna oo Sigaar caba waxaa quman inaad ku dadaashid sidii aad uga goyn lahayd balwadaas waayo waa fursad inaad heshid nin ku jecel adiguna aad jeceshahay. Adiga oo jacaylkaas ka faaiidaysanaya ayaad ku dadaali kartaa inaad isku daydid bal in uu iska daayo. Qofkasta wuxuu leeyahay iin. Intii aad haddeer sugi lahayd nin aan la aqoon mar uu ku soo mari doono soo ma haboona inaad midka aad hadda haysid oo aad is jeceshihiin aad isku daydid inaad saxdid.
Ila Tali
Assalaamucaleykum \'salaan kadib walaalayaal igala taliya arintan waxaan ahay gabadh 18 jir ah waxaan xidhiidh lahayn wiil aan meel wada joogno oo aan diin ku doortay isna fahanay laakiin nasiib xumo markaan soohishiinay waalidkay way ii diideen iyagoo cilad uga dhigaya barasho uma lihin waxuu soo ahaan jiray iyo wuxuu yahay toona, waalidkay madiidi karo oo alle ma rabo inaan caasiyo ee sidee uga dhaadhiciyaa wax waalidka sideese u xashadaa arinta?,
Talo
Haddii aad wiiilka diin ku dooratay waxaa haboon inaad wiilka u sheegtid in uu soo maro habka Soomalidu gabdhaha isu waydiistaan oo ah in uu soo wakiisho odayaal isaga ka socda si ay waalidkaa ula hadlaan. Haddii ay diidaan iyaga oo aan wax cilad ah u hayn la tasho culumada diinta si ay isugu kiin guuriyaan. Waxaa khasab kugu ah inaad ninka iyo waalidkaa kala dooratid oo haddii ay kuu diidaan guursatid ama aad isaga iga raalli ahow tiraahid oo aad waalidkaa raalli galisid. Haddii ay dhacdo inaad isaga dooratid aad uga fiirso in uu yahay nin khatar intaas leeg loo qaadan iyo in kale.
Ila Tali
Waxaan ahay wiil Soomaliyed o degen dalka Norway. waxan jeclahay in la iga talla siiyo arrin i haysata adinkoo mahadsan waxan jeclahay gabar Soomaaliyed runtii iyadana wey i jeceshay laakin waxey dhibato ka taagan tahay ,anigina waxa jaceyl xad dhaf ah ii heysa gabar kale oo aan si aad ah uga dareemay iney i jeceshay gabadhiina ma xumeyn karro oo ilaa iyo mudo ayaan walaltinimo ku wada soconay marka haddii aan iska dhaga tirro jaceylka gabadhan oo aan ka jeesto misna dooqeyga raacdeysto ma gaf bey igu tahay.
Talo
Waxaad is jeceshihiin gabar taas oo macneheedu yahay inaad isla soo gaarteen heer aad isku waafaqdeen inaad nolosha isla qaybsataan. Gabadha aad walaaltinimada ku wada socoteen kadibna aad ka dareentay in ay ku jeceshahay waa inaad u sheegtid inaad gabar kale xiriir la leedahay aadana diyaar u ahayn inaad xiriirkaas burburisid. Waxaa quman inaad si toos ah ula hadashid oo aad ku qancisid in uu jiro xiriir iyada ka horreeyay. Haddii ay dhib kugu tahay inaad si toos ah ula hadashid waxaad yaraysaa xiriirka aad la leedahay adiga oo dareensiinaya inaad mashquul tahay.
Ila Tali
Waxaan ahay wiil Soomaliyeed oo 30 jir ah waxaan jecelahay gabar u dhalatay wadanka Maroko oo aanu jaamacad ka wada baxanay sideed sano ka hor iyaduna way i jeceshay sidoo kale laakiin dhibaatadu waxaay tahay reerkoodii oo ii diiday inay fursad I siiyaan aan arintaa kaga dhaadiciyo markaa talo igu cadaatay ee maxaan yeelaa. ila tali walaal
Talo
Nooma aadan sheegin gabadhu sida ay u aragto mowqifka reerka iyo sababta reerku kuu dhagaysan waayeen. Haddii gabadhu ku jceshahay reerkuna kuugu diideen wax aan lug ku lahayn diintaada iyo akhlaaqdaada waxa khasab kugu noqonaya inaad laba daran kala dooratid waa inaad gabadhii guursatid oo xaaskaagu ka godo reerkeeda ama inaad iska daysid gabadhaas.
Ila Tali
Walaalayaal waxaan ahay gabar Soomaliyeed kuna nool dalka Holand, waxaana jiraa 25 sano. walaalayaal waxaan rabaa inaad ila talisaan waxaa i heesato arin la yaab leh. weligeey nin ima shukaansanin .imana dhihiin waan ku rabaa ama ma aanan arag wax guur igala hadlo run ahaantii ma aan ahi gabar camal xun waxaan ahay gabar lixdeeda lixaad le mana aan ahi seeg seeg ,waxaan ahay gabar shaqeesato, mana ihi gabar dabecad xun,mana folxumi arrintaas ayaana i heesato waqtina wuu igu socdaa waxaan sameeyo ma aan garanaayo marka walaalayaal ila taliya.
Talo
Waa dhacdaa marar badan inaan gabadhu iyada oo aan wax ka khaldanayn la kulmin nin shukaansada. Haddii aad adigu dadaashid oo aad shaqaysatid ama wax baratid ama aad labada isku daydid markii Ilaahay kuugu talo galay ayay imaanayaan dadkii aad wada sheekaysan lahaydeen.
Ila Tali
Waxaan ahay gabadh Soomaliyed waxan rabaa in aad igala talisaan dhacdo igu dhacaday oo ah waxaan jeclahay oon jeclaa wiil aan aad u jeclaa isna i jeclaa ka dib wiilkii waan is waynay durufo jira dartood wanan guursaday hadan is helay wiilkii aad buuna ii jecel yahay ana waan jecelahay walalo niyadna uma hayo ninka i qaba sideen yeelaa ?
Talo
Run ahaantii arrinta noocaan oo kale ah waa arrin u baahan in dhinacyo badan laga fiirsho waayo waxa ay lug ku leedahay Diin iyo Dhaqan. Haddii aynu niraahno ninkaan ku qaba isaga tag oo jacaylkaaga daacad u noqo waxa ay la mid tahay inaga oo reer dhisan duminayna isla markaas adiga oo u jeeda ninkii aad jeclayd oo isauguna wali ku jecel in lagu yiraahdo la noolow nin aadan jecelayn waa dhibaato. Haddii gurigaagu iska bur buri lahaa oo aad ninkii aad jeclaan jirtay u soo noqon lahayd waxa ay ahaan lahayd arrintu caadi laakiin in la qorsheeyo in reer isqaba la kala diro xoogaa waa arrin adag. Waxaan talo ahaan kugula talinaynaa inaad goaankaagii ahaa inaad duruufo awgood u guursatid nin aadan jeclayn ku adkaysatid oo haddii uusan ninku wax ceeb ah lahayn aad ku dadaashid sidii aad isaga isu fahmi lahaydeen. Arrintaada dadka ayaan u bandhigaynaa.
Please qofkii talo u hayaa gabadhaan ha u soo diro magazine@somalinet.com
Ila Tali
Suaashaydu waxaa weeye waxaan guursaday gabar yar markaa way ii dhali wayday doctarkii wuxuu yiri waligeed ma dhalayso maxaan sameeyaa fikir ayaa I dilay. jawaab dag dag ah?
Talo
Waxaa haboon in aad gabadha u gaysid takhaatiir badan oo kala duwan. Haddii takhaatiirta oo dhan isku raacaan in ayan dhalayn waxa ay noqonaysaa in aad u sheegtid waxa takhaatiirtu ku sheegeen kadibna aad ku dhaqaaqdaan wixii aad isku raacdaan, waxaa dhici karta in ay oggolaato in aad xaas labaad guurstid ama haddii aad isku raacdaan aad isla noolaataan ama aad kala tagtaan. Gabadha marna niyada ha ka dilin waayo waa arrin iyada awoodeeda ka baxsan.