Tartankii ciyaaraha dugsiyada ee K/ koleyga oo la soo gabagabeeyay.
![]() |
Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota oo koobkii kaalinta 1aad guddoonsiinaya kabtanka kooxda Edison |
Saddex kooxood oo ka tirsanaa ardayda Soomaaliyeed ee dhigata dugsiyada sare ee gobolka Minnesota ,gaar ahaan magaalada Minneapolis oo iyagu 3dexdii toddobaad aynu ka soo gudubnay tartan uga socday garoonka kubbadda koleyga ee YWCA ayaa maalinnimadii ay taariikhdu ahayd June 22 keedii la soo gabagabeeyay ciyaarahoodii. Tartankaasi isaga ah waxaa ka qayb-galay dugsiyadii kala ahaa: Edison, Rosevelt, iyo washburn, waxaase qorshaha ku jiray oo aan soo xaadirin dugsiyada sare ee Brunsville iyo Edenpraire. Kooxahasi tartamayay ayaa waxay guud ahaanba soo bandhigeen ciyaaro aad u farsamo heer sarreysay, waxaana halkaasi ka muuqanayay awoodda iyo aqoonta ay dhallinyarada Soomaaliyeed u leeyihiin kubbadda koleyga. Guud ahaanba kooxahu waxaa ay ciyaarayeen ciyaaro is wada arag ah oo koox kastaba ay kooxda kale la kulmaysay. Sidoo kalena sharciga ciyaarta wuxuu dhigayay in labada kooxood ee ugu dhibcaha badan ay ciyaaraan ciyaarta kama dambaysta ah.
Guud ahaanba wareeggii hore ee ciyaarta ayaa natiijadoodii noqotay sidan:
![]() |
Dugsiga Edison - Kaalinta koowaad |
Rosevelt 50 dhibcood Edisson 46 dhibcood
Washburn 27 dhibcood Rosevelt 36 dhibcood
Ciyaartii ugu xiisaha badnayd wareeggii hore waxaa ay dhex martay dugsiga Edisson iyo Washburn. Ciyaartan oo ahayd mid aad u adkayd waxay labada kooxoodba soo bandhigeen farsamo ciyaareed heerkeedu sarreeyay, waxaana daqiiqadihii loogu talo-galay ay ku dhammaatay barbarro 56 iyo 56 dhibcood. Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray waxaa 72 dhibcood ay guusha ku raacday kooxda Edison, halka kooxda Washburn ay ka keensadeen 70 dhibcood.
Dugsiga Edisson ciyaaryahannadii ugu firfircaanaa waxa ka mid ahaa: Maxamuud, Asad iyo Macow. Dugsiga Washburn iyaguna ciyaaryahannadii ugu firfircoonaa waxay kala ahaayeen: Cabdi-nur, Fu\'ad, Abaadir iyo Cabdullahi. Labada dugsi ee kala ah Rosevelt iyo Edison ayaa iyagu soo urursaday dhibco badan , waxaana tartanka ka haray dugsiga Washburn oo isagu labadii jeerba laga adkaaday.
![]() |
Dugsiga Rosevelt - Kaalinta Labaad |
Ciyaartii kama dambaysta ahayd (Final) waxaa foodda is daray kooxaha Rosevelt iyo Edisson .
Ciyaartaasi iyada ah oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa qaybtii hore waxay u muuqatay mid ay aad ugu gacan sarreeyaan wiilashii ka socday dugsiga Rosevelt oo iyagu si aad ah jaanta isula helayay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana ay awoodi waayeen kooxda Edison in ay joojiyaan ciyaaryahan Jamaal oo aad u firfircoonaa galabtaasi.
Qaybtii hore ee ciyaartana waxay ku soo gaba-gabowday 38 dhibcood oo ay hoggaanka ku haysay kooxda Rosevelt, halka kooxda Edisson ay ka lahaayeen 26 dhibcood.
Qaybtii 2aad ee ciyaarta ayaa jawigu aad isu baddalay , waxaana dhallinyaradii ku ciyaaraysay magaca dugsiga Edison ay bilaabeen weerar aan kala g\'o lahayn oo uu hormuud ka ahaa ciyaaryahan Asad oo isagu wax wayn ka baddalay qaabkii ay ciyaarta ku socotay,
![]() |
Jamaal |
waxaana dugsiga Edison u suuro-gashay in daqiiqaddii 18aad ee ciyaarta qaybteedii dambe ay hoggaanka la wareegaan. Waxaana ciyaartii ay ku soo gaba-gabowday 53 iyo 53 dhibcood (Barbarro).
Sida sharcigu qabo waxaa lagu daray 5 daqiiqo oo dheeraad ah waxaana guushii ay raacday ardaydii ku ciyaaraysay dugsiga sare ee Edison oo keensaday 67 dhibcood, halka kooxda Rosevelt ay ka keensadeen 64 dhibcood.
Ciyaaryahannadii guusha u soo hoysay dugsiga Edison galabtaasi waxaa ka mid ahaa: Burhaan Cali, Saciid barre, Macow C/raxmaan, Saciid Axmed ( Asad), Axmed Hiirad, Cabdullahi Axmed iyo Maxamuud Warsame. Dhanka Rosevelt waxaa iyaguna ugu firfircoonaa: Jamaal Faarax, Jaamac Cabdalle, Mustafa, Sahal Warsame, Bilaal Cabdulqaadir, iyo Liibaan Caraale.
Gabagabadii xafladda waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ahaa mas\'uuliyiinta dhallinyarada sida : Maxamed xasan Qaac iyo macallin Axmed oo ka socday dugsiga Edison, waxaana ay aad ugu mahad-celiyeen dhammaanba ardaydii ka soo qayb-gashay iyo dadkii soo qabanqaabiyay barnaamijkaasi xiisaha badnaa . ugu dambayntiina waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isagu aad ugu hambalyeeyay labadii kooxood ee iyagu isugu soo haray ciyaarta kama dambaysta ah oo iyagu soo bandhigay ciyaar nadiif ah oo aad loo jeclaystay.
![]() |
Asad |
Guddoomiyahu waxaa uu carrabka ku dhiftay in la qaban doono ciyaaraha noocan oo kale ah , lana ballaarin doono mustaqbalka kooxaha ka soo qayb-galaya. Waxaan doonaynaa mustaqbalka dhaw in la helo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka qayb qaadata ciyaaraha NBA da, iyo kuwa caalamka intaba, arrintaasina dhallinyarada laga doonayo waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee si aad ah uga faa\'idaysta waddankan aad joogtaan oo isagu aad looga qadariyo ciyaarta kubbadda koleyga, sidoo kalena waa inaad aad uga faa\'idaysataan tababarayaasha Soomaaliyeed oo iyagu gacanta ku haya laylinta kooxaha kala duwan oo iyagu halkan isugu yimaada. xaqiiqdiina rajo aad u wayn ayaan ka leenahay in mustaqbalka dhaw la helo dhallinyaradaasi. Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu aad ugu adkeeyay dhallinyaradaasi Soomaaliyeed isboortiga ka sokow in ay ku dadaalaan waxbarashadooda oo ah aasaaska nolosha, horumarna lagu gaari karo, waxaana uu aad ugu adkeeyay inay mar kastaa ku dhagganaadaan diintooda qaaliga ah ayna ka tagin dhaqankooda ma guuraanka ah. Dabadeedna waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyay koobabkii loogu talo galay kooxihii ku guulaystay kaalimaha 1aad iyo 2aad.
Kooxda Lakers oo mar 3aad difaacatay koobka N.B.A iyo kan Western
Kooxda kubbadda koleyga ee Los Angeles Lakers ayaa mar kale difaacatay darajadeedii horyaalnimada ee koobka N.B.A da iyo kan horyaalnimada West , kaddib markii ciyaaraheedii kama dambaysta ahaa ( Final) ay 4 iyo 0 uga adkaatay kooxda kubbadda koleyga ee New Jersey - Nets. Kooxda lakers ayaa iyadu u muuqatay inay aad uga awood sarreysay kooxda Nets marka dhinacyo badan laga eego. Dad badan oo iyagu aad ugu dhuun daloola ciyaaraha kubbadda koleyga ayaa iyagu horay u saadaaliyay inay kooxda L.A, lakers aysan joojin karin kooxda Nets marba haddey soo dhaafeen kooxda Sacramento oo iyadu sannadkan wacdaro ka muujisay ciyaaraha N.B.Ada si aad ahna looga cabsi qabay hanashada koobka. Sida xaqiiqda ahna kooxda L.A lakers waxaan oran karnaa ciyaarteedii kama dambaysta ee Finalka horay ayay u soo ciyaareen markay la kulmeen Sacramento. Natiijadii afartoodii ciyaarod ee ugu dambaysay ayaa sidan ahayd;
L.A Lakers 99 dhibcood New jersey -Nets 94 dhibcood ciyaartii 1aad
L.A Lakers 106 dhibcood New jersey- Nets 83 dhibcood ciyaartii 2aad
L.ALakers 106 dhibcood New jersey- Nets 103 dhibcood ciyaartii 3aad
L.A. Lakers113 dhibcood New Jersey-Nets 107 dhibcood ciyaartii 4aad
Shaq o,Neil oo weeraraya goolka kooxda Nets K/ Braynt oo kubbadda la xaragoonaya
In kasta oo farqiga dhibcaha lagu kala badiyay ay aad isugu dhawaayeen marka laga reebo ciyaartii 2aad oo ay labada kooxood yeesheen, haddana waxaa kooxda Nets ay awood u waayeen inay joojiyaan ciyaaryahannadii kala ahaa Shaq O,Neil oo isagu ah ciyaaryahan awooddiisa ay aad u heer sarreysa, kaalin fiicanna ka soo soo qaatay hanashada koobkan, iyo ciyaaryahanka da\'da yar ee Kobe bryant. Ciyaaryahannada kale ee kooxda u safta ayaan la dhayalsan karin waxqabadkooda sida: Robert hory, Rick Fox, Fisher, Fox, iyo Samaki . Sidoo kalena waxaa aad loo ammaanay Tababaraha Kooxda Phil Jackson oo isagu ah tababare si aad ah ula socda ciyaarta, aadna u yaqaanna sida loo adeegsado ciyaartooydiisa. 3dexdii sano ee ugu dambaysay oo uu isagu kooxda laylinayay waxaa kooxda ka muuqday horumar aad u wayn taasi oo u suuro-galisay inay difaacdaan mar saddexaad darajada koobka N.B.da oo labadii sano ee hore aynu ka soo gudubnay ay iyagu haysteen..
Tyson oo codsaday fursad 2aad
Feeryahanka caanka ah ee dunida Mike Tyson ayaa isagu mar labaad codsaday in la siiyo fursad labaad ee uu kula feertamo ninka haysta horyaalnimada feerka miisaanka culus ee dunida Lenox lewis. Labadan feeryahan ayaa 8dii bishii June waxaa ay ku feertameen magaalada Memphis ee gobolka Tennessee halkaasoo wareeggii 8 aad ee ciyaarta ay guusha raacday Lenox Lewis oo isagu habeenkaasi si aad ah uga gacan sarreyay Tyson, si aad ahna uga firfircoonaa.
Tyson ayaad moodaysay inuu habeenkaasi u ahaa habeen baas waayo ma uusan soo bandhigin ciyaartii looga bartay, waxaadna moodaysay inuu garoonkaba marti ku ahaa . Dadka sida aadka ah uga faalooda ciyaarta Feerka ayaa intooda badan isku raacsanaa inuusan Tyson waqtigan xaadirka ah diyaar u ahayn inuu la feertamo ciyaaryahan Leonex oo isagu si aad ah u diyaarsanaa , waxaana la caddeeyay inuu Tyson ku soo dagdagay garoonka isaga oo aan sidii la doonayay u diyaarsanayn. Tyson waxaa uu muujiyay habeenkaasi kalsooni, dulqaad iyo adaab aad u sarreysa, guul darradaasi ku dhacday dabadeedna waxaa uu codsaday in la siiyo fursad labaad oo uu kula feertamo Lenox Lewis. Hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in horyaalka dunida ee feerka miisaanka culus lenox lewis uu gabi ahanba ka fariisanayo ciyaarta feerka, hase yeeshee uu marka hore qorshaysanayo intuusan ka fadhiisan ciyaaraha inuu taageerayaashiisa hortooda mar kale kula feertamo Evander Holyfield ama Mike Tyson midkood.
Kooxaha Soomaalida ee Minnesota iyo ciyaaraha ka dhacaya Canada
Sidii caadadu ahayd waxaa sannad kastaaba lagu qabtaa magaalooyinka waaweyn ee Minneapolis (Minnesota) iyo magaalada Toronto ee dalka Canada tartammo ciyaareed oo aad u xiiso badan, kuwaasi oo lagu xuso maalmihii xusuusta iyo qadarinta mudnaa ee qarannimada Soomaaliyeed 26 june iyo 1da july.
![]() |
Kooxda KUbada Kolayga ee Minneapolis |
![]() |
Kooxda KUbada Kolayga ee Minneapolis |
Somali Community of Minnesota oo kaashanaysa guddiga Isboortiga ee gobolka Minnesota ayaa iyagu horay u caddeeyay inaysan sannadkan marti-galinayn ciyaarihii looga bartay inay ka dhacaan magaalada Minneapolis, iyada oo fursaddaasi loo bandhigay cid allaale ciddii doonaysa inay martigaliso ciyaarahaasi.
Haddaba kooxda kubbadda koleyga ee gobolka Minnesota ayaa iyagu baryahanba waxaa uu tababar uga socday garoonka YWCA ee ku yaal Lake street.
Kooxdan iyada ah oo iyagu ka kooban dhallinyaro da\'doodu u dhaxayso 15 jir ilaa 21 jir, waxaa ay ka qayb-galayaan tartan kubbadda koleyga oo ay ka qayb-galaayaan ilaa inta la og yahay afar kooxood oo iyagu isku arkaya magaalada Toronto inta u dhaxaysa 12 july ilaa 18 july 2002da.
Tababarayaasha gacanta ku haya kooxdan oo kala ah: Axmed Daahir, Shiikha, iyo Burhaan ayaa iyagu caddeeyay inay rajo aad u wanaagsan ka leeyihiin kooxdu inay guulo ka soo hoyso tartammadaasi ay ka qayb-galayaan.
Sidoo kale kooxo faro badan oo kubbadda cagta oo iyaguna ka socda magaaladan Minneapolis ayaa la filayaa inay ka qayb-galaan tartamadaasi ka dhici doona magaalada Toronto.