Julaay 2002
Published on: 2002-06-30 12:10:45
Inkasta oo uu golaha reer guuraagu uu ahaa madal u furan bulshada reer miyiga ah, misana nin kasta geedka kama uusan hadli jirin. Rag baa jiray hadalka iska lahaa, kuwaas oo ahaa rag bulshada ka tilmaaman oo aqoon, hadal aqood iyo caddaalad lagu qaddariyo. Bulshada xoolo-dhaqatada ah, ceeb uma eeyan arag in qofku uu qof kale iska hor-mariyo. Hor-marintu waxaa ay ahayd calaamad ragannimo, tawaaduc iyo tilmaan wax garadnimo.Waxaa tusaale wanaagsan loo soo qaadan karaa tix uu tiriyay Raage Ugaas isaga oo tilmaamaya hor-marinta uu siiyey Aw-Muuse Ismaaciil. Inkasta oo Raage iyo Aw-Muuse ay isku xilli ahaayeen, ma eeyan ahayn dad degaan wadaaga ama uu ka dhexeeyo xiriir xigto iyo xidid. Misana Raage markii uu maqlay erayadii ka yimid Aw-Muuse, wuxuu u qiray in uu ka mid yahay ragga mudan in la hor-mariyo. Raage wuxuu yiri :
Aw-Muuse mooyee Af-gabay haatan agab beelye.
Sidoo kale ayuu Aw-Muuse gabaygiisa wuxuu tilmaamay nin uu hor-marin lahaa. Aw-Muuse wuxuu tilmaamay in gabayga lagaga habboon yahay, balse ay dani ku qabsatey, wuxuuna yiri :
Darbane Maxamadow gabay aduu kuu daliil yahaye
Aduu kula degoo kula dersoo daacad kuu yahaye.
Sida ku xusan xeerarka beelaha reer guuraaga ah, marka la adeejinayo ninka geed joogaha ah, wuxuu huwan jiray 100 % kalsoonidii beeshiisa, taas oo maanta maqan. Sababta kalsoonida intaa leeg uu geed jooguhu u helay waxaa ay aheyd iyada oo uusan lahaan jirin maslaxad ka duwan tan beesha ay ka leedahay geedka. Dadkeennii xoolo-dhaqatada ahaa ma eeyan lahaan jirin dhaqankan uu reer magaalku isugu manni sheegto ama ay isugu gooddiyaan. Taas oo ah garaaddo, lacag iyo dallacaad la isa siiyo, ama shaqo wiilasha loogu gufeeyo. Aasaaska noloshoodu waxaa u saldhig ahaa baad dhulka ka soo baxa iyo raxmad rabbi samada ka soo dejiyo. Sidaasna waxaa ay uga kaaftoomeen arrimaha uu reer magaalku isku daba joogo, taas ayayna ahayd arrinta gunta u ah gobannimada qofka reer miyiga ah.
Waa dhaqan Soomaalida ku cusub fadhiyadan xalqadda ah oo inta beeluhu qaataan la leeyahay, nin kasta ha hadlo oo ha sheego sida ay taladu ula muuqato. Arrinta ah nin kasta ha hadlo, waxaa ay fursad siisay tuuggii iyo daneystihii, waxaa ay fursad siisay kuwii caqliga yaraa, waxaa ay fursad siisay mid kasta oo aanan bulshada miisaan ku lahaan jirin in uu doodo-beeledkii quruxda badnaa ka qeyb qaato, iyadoo mararka qaar uu guddoonka yeesho shakhsi aanan sinnaba ehel u aheyn. Waxaa xusid mudan, Soomaalidii reer magaalowday markii ay lumiyeen saldhigyadii dhaqanka goluhu lahaa ayey garan waayeen hareer ay u dhaqaajiyaan xaajadoodii ummadeed iyo meel ay cuskiyaan toona.
Mar ay Daraawiishtu rag maqaawiir ah ka leysey beel reer bari ah ayuu Maxamad Cabdulle Xasan ka tiriyey gabay digasho ah oo uu ku tilmaamayo in geed-jooguhu uu ka mid yahay ragga maqaawiirta ah oo ay xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ciseeyaan. Tixdii uu Darwiishku dhacdadaas ka tiriyay waxaa ka mid ahaa:
Geed joogahoodii haddaan guduriga u loogey
Gaaleyska waataan la dhacay gucurradoodiiye.
Dadka geedka isugu yimaada waxaa ay u qeybsanaayeen dad yar oo xil-kasnimo loo xushey oo madasha ka hadla iyo inta kale oo dhegeysata. Waxaa kale oo jiray in hadalka la kala lahaa ee uusan geedka hoostiisa ka dhalan sidii loo qeybsan lahaa. Iyada oo laga duulayo ujeeddada fadhiga ayaa beeluhu waxaa ay lahaayeen rag khusuusi ah, kuwaas oo loo xusho in ay ka hadlaan noocyada godobta kala duwan ee geedka la geeyo. Raggaasi waxaa lagu tilmaami karaa wasiirradii beesha. Matalan, haddii goluhu yahay mid looga hadlayo godob raagtay oo wakhti badan ka soo wareegay, waxaa jiray nin odey ah oo dusha ka xasuusta wixii godob ah oo beesha u yaal, sidaa darteed isaga ayaa hadalka ku hor-mari jiray. Haddii golaha looga hadlayo dagaal, waxaa jiray nin abaanduule ah oo hadalka hor-qaata. Haddii godobtu tahay dhaqan, waxaa jiray nin howlaha dhaqanka ah looga dambeeyay oo hadalka la siiyo. Raggaas dhamaantood waa rag hadal-yaqaan ah, sida muuqatana, waxaa nin kasta u weheliya takhasus uu la gaar yahay. Raggaasi, sida dhaqanku ahaan jiray, waxaa ay hadalka ka hor qaadan jireen ninka magaca beesha ku hadla.
Cismaan Yuusuf Kenadiid ayaa wuxuu tilmaamay, hadal aqoonta in eeyan aheyn wax ay Soomaalidu iska dhaxlaan ama garaaddo leysa siiyo, balse ay tahay caqli iyo garaad korran oo leys dheer yahay, taas ayaana keeni jirtay hor-marinta xubinta beesha uga hadasha golayaasha ay reer miyigu isugu iman jireen. Cismaan Yuusuf wuxuu yiri :
Gabaygu waa ciraab ragannimiyo cimilad waayeele
Caqlaa lagu dhisaa iyo fahmado loo cawaansadaye
Inaad caarif ku ahaatid iyo inaadan caadaysan
Horta labada cayn waxan ahayn kagama ciil beeshid.
Back to Category