Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Julaay 2002

Published on: 2002-06-30 11:50:50


Horudhac

Qaybihii hore waxaan soo bandhignay danbiyada waaweyn: Shirkiga, in uu qofku qof dilo, sixirka iyo salaadda oo laga tago, Zakada oo aan la bixin, Bisha ramadaan oo sabab laaan la afuro iyo qofka oo aan xajiyin isaga oo awooda.

Danbiga 8aad: Waalidka oo lagu Caasiyo

In waalidka lagu caasiyo waa danbi aad u weyn, Ilaahay wuxuu Quraanka ku yiri 
Ilaahay wuxuu amray in aan cid aan isaga ahayn la caabudin iyo in Waalidka asxaan loo sameeyo. Suuradda Al-israa. Aayadda: 23.
Nabiga Naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaa laga soo wariyay in nin u yimid oo uu waydiiyay qofka xaqa ugu badan ku leh, Nabiga CSW wuxuu ku yiri hooyadaa mar labaad ayuu waydiiyay qofka ku xiga? Nabaiga CSW ayaa mar labaad ku yiri Hooyadaa, mar kale ayuu waydiiyay qofka ku xiga? Nabiga ayaa mar saddexaad ku yiri Hooyadaa mar afraadkii markii uu waydiiyay qofka ku xiga ayaa nabiga CSW ku yiri Aabahaa. Bukhaari & Muslim
Xadiiskaan macne weyn ayuu xanbaarsan yahay waayo waa la wada soconaa hooyadu dhibaatada ay ka marto ilmaha oo ay 9 bilood caloosha ku siddo, kaddibna ay koriso. Waxaa kale oo Nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri ma idiin sheegaa danbiyada kuwa waaweyn: Shirkiga iyo Waalidka oo lagu caasiyo. Waxaa kale oo Nabiga CSW laga soo wariyay in nin u yimid isaga oo doonaya in uu Jihaadka aado, nabiga CSW ayaa ku yiri Waalidkaa ma nool yihiin? haah ayuu ugu jawaabay. Iyaga ku jihad. Jihaadka oo aan la socono sida uu muhiim u yahay ayaa waxaa Nabiga CSW uu ka hor mariyay Waalidka oo qof Waalidkiis u baahan yihiin Jihaad ma aadi karo waana sida xadiiska laga fahmayo. Waxaa kale oo Nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri Caasi jannada ma galo Sidoo kale waxaa Nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri Afar qof jannada ma galaan: Qofka Khamrada caba, qofka ribada cuna, qofka xoolaha agoonta si dulmi ah u cuna iyo qofka waalidkiis ku caasiya waxaa nabigu CSW intaas sii raaciayay ilaa ay ka toobad keenaan 
Waalidkana waa in wax kasta oo Ilaahay raalli ka yahay lagu adeeco, haddiise ay dhacdo in ay codsadaan in la sameeyo wax aan Ilaaahay raalli ka ahayn laga yeeli maayo.

Back to Category