Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Julaay 2002

Published on: 2002-07-01 13:46:27

Marka koowaad waxaan mahad balaaran u soo jeedinaynaa dadkii suaalaha noo soo diray. Marka labaad waxaan ka cudur daaranaynaa suaalaha aanaan ka soo jawaabin sababtuna waa iyada oo lagu maqan yaha jawaabaha iyo iyada oo ay qayb ka mid ahi u baahan yihiin cilmi baaris. Waxaan ku talo jirnaa in aan bisha soo socota ka soo jawaabno haddii Ilaahay yiraahdo.

Suaal: walaal waxaan ahay wiil somaliyeed oo ku nool Kenya, dana ay kaga xiran tahay wadanka 
waxaana wada ognahay in uu Alle uu leeyahay wixii caabudaad ah. waxaa dan iiga xiran tahay maxkamadda dalka aan joogo waxaana sharci u ah in qaab caabudaad ka mida oo madaxa hoos loo fooririnaayo la sameeyo marka la galaayo iyo marka laga baxaayo hadii kale xukun ayaa kugu dhacaayo oo xarig ah sidee yeelaa ma danbi baa iigu sugan maxaaN suubiyaa?

Jawaab: Wax aan ahayn Allah wajiyada looma raaricin karo sikasta oo ay arrimi kuugu adkaato, maxaa yeeley waa kufri cad, Haddiise aad u cabsato Naftaada waxa kuu banaan Laba arimood: -
1) In aad iska diido wixii khilaafsan diintaada. iyo 
2) in ad warkooda Yeesho adiga oo qalbiga ka diidan. 
Waxana jira Aayado Quraan ah iyo Axaadiis Saxiix Ah Ee Sidaas ula soco wasalaamu Caleykum.


Suaal: Shiikh maay sheegi kartaa waxa uu dofaarku ku xarantimoobay? 

Jawaab: Sababta Doofaarka loo xaaraantimeeyay waa wasakh, waa cudur, waa xaaraam, waa Lacnad, waa xunyahay Ka Eeg Suratul Ancaam, aayadda 144aad ,teeda kale Looma Baahna
In la ogyahay Sababta Haddii Amar Eebe ku Soo gaaro,haddii aad
Tahay Ruux Allah iyo Rasuul Rumeeye, qiyaastiisuna tahay Quraan
Iyo Xdiis, eeg macnaha uu leeyahay Ereyga Carabiga ah:(Rijsi)
Doofaarka waa maxay sababta loo Xarrimey? Su`aashani waa khalad/???
maxaa yeeley Hadii aad tahay adoon Alle kuna yidhi waxan ka hadh
ma waxaad leedahay sabab ii sheeg, Doofaarka waxa lgu xarimey kitaabka ALLAH iyo snnada nebiga,:-
a)Suuratul-baqarh: Aayadda (173)
b)-Suuratul-maidah: Aayadda (3)aad>
C)-Suuratul-ancaam: Aayadda (145)//
D)-Suuratn-naxal:Aayadda (115)///
Dhamaan Aayadahaanu waxey isku Raaceen in doofaarku yahay Xaaraam Adag
Dhadhami macnaha ay sheegeyso aayadda Suuratul - ancaam,waxay gaar ahaan u tilmaantey in uu yahay doofaarku Jirro,Cuduriyo belo oo dhan.
wuxuuna ka mid yahay afar shey oo ah Xaaraan qadcan ah: Bakhtiga, dhiigga, Hilibka doofaarka,iyo wixii lagu bireeyo magac aan aheyn kan Alle
dhibaatadiisa waxa cadeeyey Cilmiga Casriga ah iyo inta cuntaba, waa Cudur Socda Sababana dhibaatayin farabadan oo ALLAH inooga digey.



Suaal: Waxaan culimo ka maqlay in gabadhu haday doonayso in ay xajido annay u baahnayn muxarim Shiikh markaa maxaa arinkaa maxaa ka jira?

Jawaab: Ma Banaana Safar Haweeney Maxram la`aan, Xaj iyo Xaj la`aan, waa isku mid, Waxa weriyey XadiiSkeeda Muslim,Termedi(2/206) (Abuu daauud No:(1726) waxa ku Soo aroorey Axaadiis Farabadan oo ku Qoran:Bukhaari, Muslim, termedi, Abuu daauud, Nasaa`ii, iyo Ibni Majah.
Iska jir haku Sirmin Khaladaadka Faraha badan oo diiniga ah dadkuna
Intooda badai ku dhaqmaan, kaama bixineyso wadaad baa i yidhi,wuxuna
Yidhi Nebigu: Uma Banaana Haweney Allah iyo Nebi Rumeysey in ay u
Safarto Meel Habeen Lagu dhaxo Muxrim La`aan Culumadu waxa ay ku fasireen cadiiskaan in laga hadlayo nooc kasta oo Safar Lagu sheegi karo. 
ma banaana in Haweney Xajido Maxram la`aan, waxan ka yaalla NAHYI- Nebiga ayaa reebey, axaadiis saxiix ah ayaana ku soo aroorey, uu leeyahay nabigu uma banaana Haweney Rumeysey ALLAH iyo maalinta Aakharo in ay u Safarto meel Habeen iyo maalim loo Socdo Muxrim la`aan ,Riwaayad kale waxay leedahay meel Habeen lagu dhaxo, Riwaayad kale Maalin -socod, waxa weriyey
Bukhari iyo muslim iyo dhamaan ahlu sunanka,waana saxiix.

Suaal: Salaamun calaykum. Shiikh waxaan maqlay in ninku hadii uu niyeeysto Xajka in aanu gabadh u galmoon karin mudo 3dex bilooda.Marka maxaa ka jira? 

Jawaab: Arrimaha Xajka iyo Xaajiga wey farabadan yihiin waxana looga doonayaa nin waliba in uu Xajka u guto sida uu yahay: Sida uu ku Baaqayo Kitaabaka ALLAH
Aayadda #(167) ee Suuratul Baqarah, waxay leedahay: (Xajku waa bilo la yaqaan, Ruuxase Niyeeysta Xajka yaanuu ku Saqajaamin haween, Fisqi , muran, dood macna la`aaneyd intaan iyo in kaloo bdaniba wey ka Reebanyihiin Xaajiga, waaney ka buriyaan xajka.Niyeysiga waxa looga jeedaa Xirashada. Marka aad Gaadhid Miiqaadka XARAMKA MAKKAH, hase yeeshee waxa u banaan Xaajiga in uu ka soo xirto Dalkiisa intaanuu ka soo bixin haddii marba la gaarey bilihii Xajka waana Soonfur, Sidataal iyo 10 ka casho oo ugu hareysa Carafo= 70 habeen oo qudh ah, waxa kaloo u banaan in uu xirto markey ka harto 3 casho, sidaas baana fudud, sidaas darteed ma jiraan wax kugu kallifaya in aad is moogaataan adiga iyo Xaaskaagu 3 bilood .
waxa loo xajiyaa 3 Nooc:oo kala ah sida soo socota:-
a)TAMATUC:oo macnihiisu yahay in uu Cumreysto Bilaha xajka inta la bilaabin hawlihiisa dabadeed uu ka Xalaal noqdo, markaas wax waliba waa u xalaal Xaaskiisana ku daroo inta uu sugayo hawlaha xajka,kadibna uu uxirto sidii ruu reer MAKKA ah maalinta 7aadka am 8aadka ah.
b) Qiraan:waad isku dareysaa Xajka iyo Cumrada maalmaha xajka waxadna
bixineysaa Dhiig Neef adhi ah, marka aad gudato dawaaful-IFAADA XAASKAAGU WEY KUU XALAAL tahay inta xajka la joogaba,
C) IFRAAD: Xajka kaligiis ayaad gudaneysaa bilaha xajka Cumradan mar kalentaad u soo noqonm Sannadka oo dhan Arrimahaanu waa waajib in uu barto Ruux kasta oo muslim ah. 
Shiikh Nuux Ciise Imaan
Virginia, USA

Back to Category