Gabaygaan soo socda waxaa tiriyey abwaankii caanka ahaa ee Cali Jamac Haabiil (allaha u naxariisto). Gabaygaani waxa uu ka mid yahay gabayo badan oo Cali Jamac uu u tiriyey Sayid Maxamed Cabdille Xassan.
Indhaweydba waataanan tirin taawadii gabaye
Ta\'da niman aqoonnini intuu tubaya baanaayo
Way iga tadheeyeen halkii malabku tuurnaaye
An tumaati rido waataa murtida igu tuhmayseene
Tawraad iyo Injiil iyo Furqaan kala tol weeyaane
Toolmoonihii Maxamed baw tegey Ilaahaye
Tawxiidkuu na faray looxyaday noogu taal weliye
Waa tiir aan naga liicihayn taannu leenahaye
Waxa lagu tilmaansado sharciga malaha tuurtuure
Rasuulkii wuxuu naga tiruu taabka ku hayaaye
Tacabkii ba\' waa sida Fircoon tab iyo diinaade
Isagaba Badbaa lagaga tegey naarna lagu tuurye
Kanna taakadaas baw hadhoo waa tukubayaaye
Ha targaafo sida Towja geel Tuurin baw qorane
Afartaa ma taranteerrinine maysku wada tiirshey
Togaggaan ka soo qaadan jirey Taar ma kaga keenay
Tuduc kalena way hadal yaroo tamashle waayeel ah
Toogtii horeetuu isaaq taw ka soo yidhiye
Tamaradii Ilaahay ka qaad Timihi Daaroode
Arasame ma tooxsado fardaha takhantakhoodiiye
Tafantoofe nimankii Nugaal taysa ku lahaaye
Maxamuud Garaad turunturruu weli la tiicaaye
Barkadkii tumaadida caddaa tuhunki waa beene
Teed laguma oga Bahararsamii turuqa weynaaye
Garaadka ay tumaaluhu dileen taawishaa ba\'ane
Tolkood nimanka iibsadey Ilaah tacabki waa siinne
Tawstuna Cali Geri bay ku hadhi taniyo xaataaye
Talaatiinka Ramadaan ninkii idin takliifaayey
Toobadda iyo Ash-haadada ninkii idin taraarsiiyey
Hadduu Teerigii idinla helay nalagu taamaayey
Tunka ka leefa dhiigiyo ilmada idinka tiixaysa
Hadaba toogga baxa waa janada talalaxdeediye
Tureecada day waataad kufriga nagu tilmaanteene
Toddobuu qabaa naaga xora tuu falaa darane
Kun towxiidsanaayuu sidii Teys u gawracaye
Taag niman lahayn iyo agoon buu ka taajiraye
Safar waa la taakulin jiree lama tayiiseyne
Isna turuqyada uunbuu jaraa timirta cuurtaaye
Taladii Ilaahay ka qaad tuuggi reer Xamare
Ma Talyaanigaasaa mahdiya tanina waa yaabe
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!