Talooyinkii Bishii Juun:
Waxaan u mahad celinaynaa dadkii fikradohooda noo soo diray. Waa kuwaan qayb ka mid ah talooyinkii ay dadku noo soo direen iyaga oo la talinaya gabadhii ina soo waydiisay in ay sawirkeeda u dirto wiil ay internetka ka baratay iyo in kale.
Sawirkaaga oo asturan u dir
Asalaamu caleykum walaal aniga waxaan kugula talin lahaa haddii aad tihiin labo ruux oo aad isu fahmay muddada aad wada socoteen uma malaynayo inuu dhibaato keenayo sawir aad dirtay awgiis. sababtoo ah wax kasta waxaa ka muhiimsan is aaminidda labada qof hadii ay aaminid jirin xiriir ma jiro. badanaa dhallinyarta qaarkood waxay diraan sawir aan kooda ahayn waxaana keenaya iney ku kalsooneyn ruuxa ay u dirayaan sawir. waxaan kugula talin lahaa haddii aad direyso sawir dir mid aad asturan tahay hana ahaado sawirkaada
By/ Looyaan
Isku Kalsoonow
Asalaamu Calaykum walaal markaan arkay qoraalkaaga ma xuma in lagaala taliyo falka aad doonto in aad ku dhaqaaqdo ama rayi lagaa siiyo . Aniga fikraddayda wax dhib ah uma arko waxaasi. maadama aad wada sheekeysanayseen 5 bilood hadaad sawirka dhiibto ma aha wax dhib wayn kuu keeni kara iyadoo mar walba aad is arki doontaan haddii Ilaah yiraa waxaana sii kordhi doona kalsoonidiina. waxaana u malaynayaa in aan kaa waaya aragsanahay waxaan ahay gabar Soomaliyeed oo ku nool yurub, waxaan ahay hooyo 4 caruur leh *isku kalsoonow ilaa xad*
By/ Hodan
Raadi qof aad ku kalsoon tahay oo jooga meesha uu ku nool yahay
Hello Sister. midda kale oo aad samayn kartid waa inaad ka codsatid inuu la kulmo qof aad ku kalsoon tahay oo jooga meesha uu joogo- hadduu jiro- intaanad sawirka u dirin, ka dibna aad u dirtid sawir.... hadii ay muuqato in la aamini karo. good luck
by/Yariiseey
Haddii aad saaxiibo ku leedahay meeshaas is bar una sheeg in ay taxadar kaa tahay.
Aniga oo ah gabadh soomaliyeed waxaan jeclahay in aan u soo diro figradayda walaalshay.Ugu horeyn waxaan leeyahay walaal hambalyo ugu horeyn waxaad tahay gabadh aad u xishood badan marlabaad sidii horey laguu yidhi is aaminku waa muhiim laakiin hubsiimo hal dhan baa lasiistay. waxaa ila haboon marka hore waydiiso inuu kuu soo diro adereys oo is dhaafsada waraaqo haddii aad leedahay saaxiibo ku nol dalkiisana bar si ay xaqiiqo kuugu naqoto sheekadaadu mar walbana u sheeg inay waxaagu yahiin taxader ee aad daacad u tahay xidhiidhkiina. Waxaan kuu rajeeyeey natiijo fiican.By walaashaa soomaaliyeed
By/ Canavaro
Talooyinkii Bishaan
Ila Tali: Waxaan ahay gabar Soomaliyeed waxaan ku noolahay dalka Maraykanka. waxaan wada soconay inan muddo 6 bilood ah waan jeclaa isna sida uu ii sheegay wuu I jeclaa, waxaan ka dareemay wiilka inuu is badalay markaan waydiiyay wuxuu ii sheegay inuu caadi ii yahay. 2 toddobaad kadib wuxuu si cad ii yiri walaal isma fahmayno ee aan kala harno waxay arrintaas igu dhalisay murugo hor leh, waan ku noqday oo waxaan waydiiyay haddii uu wax iga tirsanayo inaan dhaqamadayda wax ka badalo. Wax jawaab ah ima siin kamana maarmo wali oo waan jeclahay ee dad waynoow maxaad igula talin lahaydeen.?
Talo: marka koowaad waxaad maskaxda galisaa sababta aad wiilkaan u jeclaatay in ay tahay adiga oo ku doortay wax uu ku fiican yahay, haddii uusan isagu diyaar ahayn waxa ay la macne tahay in aad mar kale xisaabtantid oo aadan waqti danbe isaga lumin qof aan kuu sheegi Karin sababta aydnaan u wada socon Karin. Waxaad kale oo xusuusataa in xiriir walba ku dhisan yahay laba tiir oo kala ah labada qof (Wiilka & Gabadha) haddii labadooda mid ka soo bixi waayo xilkii ka saarnaa xiriirka waxaa ay la macne tahay inaan xiriirkaasi sii socon doonin. Haddii aan dhibaatada ku haysata u soo noqono waxaan kugula talin lahayn inaadan waqti danbe isaga lumin nin aan ku jeclayn, diyaarna u ahayn inuu ku qanciyo. Waxaa waraaqdaada ka muuqata in aad tahay qof daacad ah oo diyaar u ah in haddii ay is jeclaadaan ay wax ka tanaasusho. Waad helaysaa wiil kale oo aad is fahantaan. In kasta oo ay haboonayd in uu kuu sheego sababta aydnaan u wada socon Karin haddana haddii uu kuu sheegay goaankiisa waa arrin kuu fududaynaysa in aad ka tala baxdid. Haddii uu wax dhibsaday oo uu ku jecel yahay waa uu kuu sheegi lahaa, haddase waxaa meesha ka muuqata in uusan ku jeclayn.
Waxaad ogaataa in aad waqti munaasab ah oagatay oo waxaa ka darraan lahayd adiga oo waqti badan ku lumiya kaddibna uu ku yiraahdo xiriirkeenii waa dhammaaday!!!. .
Waxaan kuu rajaynaynaa xiriir kan ka fiican oo miro dhala.
SomaliNet Magazine
Haddii aad haysid talo tan ka duwan ama aad adigu doonaysid in lagula taliyo nagala soo xiriir
magazine@somalinet.com
Ila Tali: Walalayaal salaan kadib waan ku faraxsanahay qeybtan cusub ood ku soo darteen magazinka, waxaan jeclahay inaad igala talisaan arrintaan, waxaan ahay nin dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool Yurub intaanan imanin halkaan ka hor ayaan gabadh is baraney oo ballan wada galney kaddibna waxaan imaadey Yurub, iyadii hadda waxey jogtaa Africa waxeyna jeceshahay inaan u tago oon soo nikaaxsado. haddaba daruufteyda oon taa hadda ii saamaxeyn aanana u baahanahay guur maxaa ku jababan gabadh halkaan ila jogto haddii aan guursado iyadana fasaxo haddana waan wada xiriirnaa oo xitaa waan biilaa laakiin ma aha xaaskeygii.
thanks
Toosane
Talo: waxaan talo ahaan kuugu soo jeedinaynaa inaad ilaalisid ballanta aad gashay. Mana ahan arrin la fududaysan karo in qof ka baxo ballan uu galay. Diinta islaamku waxa ay qabtaa in qofka aan ballanta lahayn uu yahay qof aan diin lahayn. Haddii markii duruuf kugu timaado aad bilowdid nolol cusub waxaad noqonaysaa qof aan lagu kalsoonaan Karin. Waxaad kale oo ogaataa in gabadhaasi ay hadda kuu baahan tahay oo haddii jacayl idinka dhexeeyo oo aad Afrika uga soo tagtay aad tiraahdid Guur ayaan u baahnahay soo la macne maahan inaad adiga kaliyihi iska fakaraysid. Marka aan talaadaan ku siinayno ma ahan in aanaan qiyaasi Karin duruufta ku haysata waana la soconaa in ay suurto gal tahay in aadan haysan dukumiinti (sharci) aad ku safartid ama dhaqaale laaan ku hayso, haddana waxaa aad muhiim u ah in ballanta la ilaaliyo iyo jacaylka. Midda kale haddii aad hadda u guursatid iska guurso ee aadan guurkaaga ku salayn jacayl iyo is fahan ogsoonow wax weyn ayaa ka khaldan guurkaas aad ku dhaqaaqday. Waa arrin wanaagsan in aad dhaqaalaha ka caawisid gabadha.
SomaliNet Magazine
Haddii aad haysid talo tan ka duwan ama aad adigu doonaysid in lagula taliyo nagala soo xiriir
magazine@somalinet.com
Ila Tali: waxaan ahay gabar ku nool Maraykanka ,walaalo yaal ila taliya waxay dadaydu tahay 20 sano. Waa lay qabaa, aniga oo yar ayaa aabahay igu daray adeerkay oo ah aabahay ina abtigii waanu I jacel yahay balse arrintu murugo ayay igu hay saa. Saddex sano ayaanu is qabnaa ubadna ma lihin ila taliya walalayaal maxaan ka yeelaa waan dhibanahay oo waan ka war waraa aabahay ayaa igu daray hadal kiisii baan ku raacay ila soo taliya wixii arka warkanoow walaala yaal.
Talo: Waxaan warqadaada u fahanay in dhibaatada ku haysaa ay tahay adeerkaa oo ku qaba, haddii ay arrintu tahay sida aan u fahanay, waxaad ogaataa in guurka lagu saleeyo Diinta iyo dhaqanka, waliba inta badan waxaa lagu saleeyaa Diinta. Diinta Islaamku waxba kama qabto in aad is guursataan nin aabahaa ay ilma abti yihiin waayo waa ku geeyaa. Haddiise aad leedahay aniga oo yar ayaa la igu daray mana jecli waa arrin kale. Waxaan talo ahaan kugula talinaynaa in sidii aad awalba aabahaa taladiisa u yeeshay aad haddana wali u tixgalisid waxaa inataas sii dheer in aadan wax ceeb ah ku sheegin ninka ku qaba. Guurka noocaan oo kale ahi haddii lagu fashilmo sahal kuma dhammaado waayo haddii aad furriin codsatid waa in uu aabahaa la tashado waayo marna waa dad ehel ah marna waa nin xil lagu ogaa, markii uu aabe arrinta kala tashadana adiga ayaa aabe ku waydiinayaa sababta mana haysid wax ceeb ah oo aad sheegtid. Waxaan kale oo kugula talin lahayn inaad Isbitaal aadaan si aad u ogaataan sababta carruur laaanta, waana suurto gal in aad is fahantaaan markaad carruur isu dhashaan.
SomaliNet Magazine
Haddii aad haysid talo tan ka duwan ama aad adigu doonaysid in lagula taliyo nagala soo xiriir
magazine@somalinet.com