Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Julaay 2002

Published on: 2002-06-30 12:45:03

In hayadda Socdaalka ee dalka Maraykanku (INS) ay tahay hayadaha Dowladda Maraykanka midda ugu wayn. Shaqaalaha hayadda waxaa lagu qiyaasaa tiro dhan 35,000 oo qof. Shaqooyinka ay u xilsaaran tahay hayaddaan oo aad u fara badan waxaa ka mid ah inay ilaaliso xudduudaha waddanka, in ay sharci deggenaansho iyo mid dhalasho siiso dadka soo codsada, inay ilaaliso badaha, hawada iyo meel kasta oo waddanka laga soo geli karo. 

Sannadkiiba waxa ay hayaddu baaritaan ku samaysaa tiro ku dhow hal billion oo qof. Sannadkii 2000 tirada dadka codsaday in la siiyo dhalashada Maraykanka (Citizenship) waxaa lagu qiyaasay 1,300,000. Hayaddu waxa ay qaqabatay oo dalalkoodii dib ugu celisay ama wali u xiran dad sharci laaan dalka ku joogay oo tiradooda lagu qiyaasay 1,814,000.

Maalin kasta waxay hayaddu xabsiyada u kaxaysaa dad gaaraya 19,000 oo aan sharci lahayn ama dambiyo lagu soo eedeeyey.

Dhaqaalaha loogu talo galay in hayadda socdaalku (INS) ku shaqayso sannadkii waxa uu gaarayaa $6.19 Billion.

Wixii ka dambeeyey September 11, shaqaalaha iyo dhaqaalaha hayadda labadaba waa la kordhiyey, madaxweynuhuna waxa uu caddeeyey in Immigration-ka la siin doono muhiimadda ugu wayn, iyadoo lagu eedeeyey dadka qoxootiga ah in ay carqalad ku yihiin nabad galyada dalka. Waxaa markii ugu horraysay duullaan lagu qaaday meelaha ku caan baxay inay shaqaaleeyaan dadka qoxootiga ah ama aan sharciga lahayn. Sidoo kale waxaa la xir-xiray kooxo badan oo ka ganacsan jiray soo galinta dadka ajnabiga ah (human Smuggling).

Sidoo kale waxaa la soo rogay in qaxootiga Maraykanka la keenayo la mariyo baaritaan aad u dheer lagana soo qaado faro (fingerprints)

Argentina waxaa laga saaray waddamada la haysta xorriyada ah in qofku Maraykan imaan karo isagoo aan Visa u baahnayn (Visa Waiver Program) iyadoo lagu eedeeyey in ayan ahayn meel nabad galyadeedu fiican tahay kadib markii dhaqaalihii waddanku hoos u dhacay. Sidoo kale waxaa dib loo eegayaa 29-ka waddan ee haysta (Visa Waiver Program) si loo hubiyo in aan dhibaato ka imaan doonin iyo in kale.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay dadka haysta Visada booqashada (Visitor Visa) in ayan aadi Karin iskuul ilaa ay helaan visaha ardayda (Student Visa).

Iyadoo la isticmaalayo teknolojiyada casriga ah, waxaa la soo saaray (database) lagu ururinayo dadka qaxootiga ah oo waddanka ku nool oo dhan, sawirradooda, meesha ay ka soo galeen iyo warbixin yar oo kooban, waxaana isticmaali doona shaqaalaha hayadda si loo helo warbixin sugan.

Waxaa la soo rogay in jaamcadaha iyo kulleejooyinka Maraykanka (intooda aqbala ardayda ajnabiga ah) lagu sameeyo baaritaan (re-certification) si loo hubiyo in ay sharciga waafaqsanyihiin.

Back to Category