Waxaan mahad ballaaran u soo jeedinaynaa dadka nala soo xiraara oo talooyinka na soo siiya.
Magazine-ka waxaa bishaan ku cusub laba qaybood oo kale ah
1) Rumayso ama ha Rumaysan: Waxaan ku soo gudbin doonaa haddii Ilaahay raalli ka noqdo arrimo la yaab leh oo aad xiiso u leh. Haddii aad arrimaha noocaan oo kale noo soo gudbisaan waa na farax galin lahayd. Waxaad nagala soo xiriiri kartaamagazine@somalinet.com
2) Ma Ogtahay: Qaybtaan waa qayb aqoon kororsi ah oo lagu soo gudbin doono wax yaalo in la ogaado ay muhiim tahay. Qofkii arrimaha noocaan oo kale ah noo soo gudbin kara isaga oo ku mahadsan ayuu nagala soo xiriiri karaa: magazine@somalinet.com
Akhristayaasha aan horay ula socon, waxaan xusuusinaynaa in ay jiraan qaybo kale oo aan dhawaan ku soo darnay magazine-ka sida qaybta Ila Tali oo aad u soo gudbin kartid haddii ay jirto arrin aad u baahan tahay in talo lagaa siiyo. Waxaad u soo diri kartaa: magazine@somalinet.cm
Sidoo kale waxaa jirta qaybta Suaalaha oo aad u soo diri kartid magazine@somalinet.com
Suaalaha waxaan u dirnaa dad aqoon u leh, kaddibna jawaabtooda ayaan u soo gudbinaa akhristayaasha.
Waa mahadsan tihiin.
SomaliNet Magazine
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!