Dadka maraykanka ahi waxay ka sheekeeyaan arrin ay aad ula yaabeen oo ahayd.
In labadii madax weyne ee maraykanka ee la kala oran jirey Abraham Lincoln iyo John F. Kennedy ay wax badan isaga midahaayeen, bal ila akhri arintaas.
Lincoln waxaa Congress ka Maraykanka loo doortay (1846), halka
Kennedy loo doortay 100 sano kadib (1946).
Lincoln wuxuu madaxweynihii 16naad noqday (November, 6, 1860)
Halka kennedy noqday madaxweynihii 35naad 100 sano kadib (November, 8, 1960)
Labadooduba markay dhinteen waxaa jagadoodii la wareegay
Andrew Johonson iyo Lyndon Johonson oo labaduba ka yimid dhinaca Koonfureed ee Maraykanka. magacooduna wuxuu ka koobmaa 14 xaraf
Johonsonka kala wareegay Lincoln jagada wuxuu dhashay 1808.
Halka Johonsonka kala wareegay Kennedy jagada uu dhashay
100 sano kadib (1908).
Labada magac ee Lincoln iyo Kennedy waxay ka kooban yihiin
7 xaraf.
Xoghayntii Lincoln waxaa la oran jirey Kennedy
Halka xoghayntii Kennedy la oran jirey Lincoln.
John Wilkes Booth oo ahaa ninkii toogtay Lincoln wuxuu dhashay 1838
Halka uu Lee Harvey Oswald oo ahaa ninkii diley Kennedy uu dhashay 1939.
Labada nin ee wax dishay labadooduba waxay ka yimaadeen
Koonfurta Maraykanka.
labadoodana waxaa iyana la dilay iyagoon weli maxkamad la soo taagin.
Booth oo ahaa ninkii Lincoln dilay wuxuu ku dhex toogtay Tiyaatar (theater) wuxuuna
Ku cararay Warshad duq ahayd oo iska burbursanayd (Warehouse) halkaas ayaana lagu qabtay.
Halka Oswald oo ahaa kii dilay Kennedy uu ka soo dhex toogtay
Warshad Duq ahayd oo burbursanayd (Warehouse) Kadibna uu ku cararay Tiyaatar(theater) halkaasna lagu qabtay.
Labada nin oo wax dishay labadaba waxaa loogu yeeri jirey Magacoodoo saddexan . Magacyadoodana waxay ka kooban yihiin 15 xaraf.
Labada Madaxweyne labaduba way sii sheegeen oo way ku Riyoodeen in la dilayo.
Labadoodaba waxaa la dilay JIMCE waxayna xabbadu uga Dhacday Madaxa.
Labadoodaba xaasaskooda ayaa la socdey.
Labada madaxweyne waxay ahaayeen niman u dooda Xuquuqaha bini\' aadamka
Weliba kuwa dadka Madow ee la addoonsan jirey.
Lincoln waxaa lagu dhex dilay Tiyaatar uu leeyahay ninka Caanka ah ee Maraykan ka ah ee la yiraahdo FORD
Halka Kennedy lagu dhex dilay baabuurkiisa oo ahaa Companiga
FORD baabuurkaasoo magaciisu ahaa Lincoln
Labadoodaba xoghayntoodu way uga digeen aadida ay aadeen Halkii lagu dilay.