Wiil Ruush ah oo aanu ardayda wada ahayn oo markaas ila fadhiyey ayaa iigu il jebiyey inaan aniguna istaago maadaama dadkii makhaayadda oo dhami istaageen waan ka dhaga adaygay, markii la wada fariistay ayaan wiilkii su\'aalay maxay dadku u wada istaageen?.
Wuxuu ii sheegay inuu makhaayada soo galay oday ka mid ahaa saraakiishii jebisay ciidankii Hitler markay soo gaareen meel Leningaraad wax yar u jirta.
wuxuu ii sheegay in raggii xilligaas dagaalamay iskana dhiciyey gumaysigii Hitler ay dadku u aqoonsan yihiin geesiyaashii xornimada, wuxuuna intaas ii raaciyey inay marmar qaataan billado lagu aqoonsado kadibna ay dadku u istaagaan meel kasta oo ay yimaadaan, laguna ciseeyo inay iyagu fariistaan ama ay qadeeyaan inta aan dadka caadiga ah wax loo keenin ama la fariisin.
waxaan markiiba jaleecay dhanka ninkii odayga ahaa la fariisiyey waxaa markiiba ku soo uruuray shaqaalihii iyo ninkii xukumay si looga qaado dalabaadkiisa iyagoo kulligood u dhoola cadaynayaan.
waxaan soo xasuustay bal sida sharaf darrada ah ee ay Soomaalidu ula dhaqantay geesiyaashii xornimada gaarsiiyey Soomaaliya.
waxaa i hor yimid muuqaalkii uu lahaa Cali Xassan Ali (Cali Barduuro) galabtii galab baasta ahayd ee Muqdisho uu dagaalku ka qarxay (DEC.1990)
Cali Barduuro oo ka mid ahaa 13kii SYL galabtaas isagu wuxuu saarnaa Xaaji Khamsiin ciriiri ah si uu ugu fakado magaalada Qoryoolay oo uu deganaa isagoo weliba madaxa maro ku duubtay si aan qabiil ahaan loogu dhibaatayn.
Waxaan weydiiyey bal sida uu u arko xaaladda Soomaalida maalintaas baas, wuxuu igu yiri Adeer maalintaanu xornimada helnay waxaan isugu sheekeyneyney raggeenii SYL in 30 sano kadib ay Soomaaliya noqon doonto mid ka mid ah dowladaha ugu awoodda badan uguna horumarsan dowladaha Africa, maxaa yeelay xawligii, dadaalkii iyo kala danbayntii aanu ku soconay ma jirin dowlad kale oo AfriKaan ah oo heerkaas ku socotay xataa dowlada Masar oo ugu firfircoonayd Afrika waan iskala weyneyn, waanan qabnay inaanu ka hormari karno, waxaase maanta ii muuqata inaanu 100 sano dib u noqonay.
Illaahay naxariistii ha wada siiyee 13kii Wiil ee xornimada noo dhaliyey wuxuu fikirkoodu ku salaysnaa in Soomaalidu guud ahaan iska rogto gumaysiga kala qaybsaday, iyo in dadka soomaaliyeed la uruuriyo lana mideeyo, si loo helo xornimo waarta, laysagana dhiciyo gumaysiga.
Waxay fikirkoodaas ka hirgeliyeen guri yar oo laba qol ka kooban weliba cariish ah oo ku yaala xaafaddii la oran jirey Iskuraran, taariikhdu markay ahayd 15kii Maajo 1943dii.
Sadexdii sano oo ugu horeysey jiritaankiisa wuxuu urukaasi ku hawlgalayey inuusan siyaasad wax shaqo ah ku lahayn oo barnaamijyadiisu ay ku salaysan yihiin horumarinta dhaqanka iyo aqoonta bulshada.
1947dii markuu xisbigu ogaaday inuu sumcad weyn ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayuu isu rogay oo cadaystay inuu yahay xisbi siyaasi oo u dagaalamaya xuquuqda iyo xornimada Soomaali weyn.
Haddaba dhibaato kasta oo uu ururkaasi kala kulmo cadawgii waddanka laga xoreynayey iyo dadka Soomalida qaarkood oo mar walba ula taagnaa dibindaabyayn iyagoo ka manfac raadsanaya gumaysigii Soomaali haystay, ayey haddana ururkaasi marna ka leexan waddadii saxda ahayd ee guusha lagu gaari lahaa.
Inkasta oo uu ururkaasi gutay hawshiisii, nana gaarsiiyey guushii aynu waqtiga badan sugayney, haddana nasiib daro wiilashii xornimadeena keenay marna looma gudin abaalkay ummada gashadeen, maamuladii soo jirey midna kama aysan helin mudnaantii ay lahaayeen.
![]() |
Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke.
Cabdulqaadir Sheekh Saqaawadiin
Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud
Maxamed Faarax Hilowle Farinaaji
Dheere Xaaji Dheere
Cismaan Geedi Raage
Maxamed Cismaan Baarbe
Daahir Xaaji Cismaan Sharmaake (Dhagaweyne)
Cali Xassan Cali (Cali Barduure).
Siyidiin Xirsi Nuur
Maxamed Cabdulle Xayeesi
Huudow Macalin
Maxamed Cali Nuur.
Walow ay wada xijaabteen haddana labada halyey ee xilligaan ka nooli Cali Xassan Cali (Cali Barduuro) iyo Daahir Xaaji Cismaan (Daahir Dhagaweyne) waa qaxooti aan sharaf iyo xushmad ku dhex lahayn dadkooda Soomaaliyeed, midi wuxuu ku sugan yahay Qoryoolay iyo Kismaayo oo uu qaxooti ku yahay, midna dalka Canada ayuu qaxooti ku yahay.
Sidaas ay tahay ayaa haddana mar labaad ummada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay inay mar kale xornimo qaadato, kana qaadato dadkeeda.
Heerka qabiilka ayaa gaaray meeshii ugu xumayd taariikhda Soomaalida, haddii afartan sano ka hor hadafka Soomaalidu ahaa sidii la isugu keeni lahaa Shantii Soomaaliyeed, maanta waxaa la marayaa sidii la isugu keeni lahaa qoysas walaalo ah sida Maxamuud Saleebaan, reer Diini, Mudulood, Sacad, Sideed iyo Sagaal. waxaana lagu sii socdaa meel ka sii foolxun.
Waa laysa sii sarifay oo waxaa la yimid in laba wiil oo isku aabe ahi laamiga dhinacyadiisa isu galaan oo midba isbaaro kan kale lagu dilayo la soo xoog tago.
Waxaa guulaystay gumaysigii ay SYL dhiigga badan ku daadiyeen, waxaa fikirkeena laga saaray oo lagaba masaxay inaan kaba hadalno ama soo qaadno saddexdii gobol ee maqnaa halka aynu makhaayadaha kaga sheekayno, Ciidanka Cabdulaahi ayaa qabsaday biyo kulule, Ciidanka Jaamac baa Alxamdu lilaahi galay, Ciidanka Cayrka ayaa jidka danwadaagaha ee Madiino qabsaday, Muuse Suudi ayaa Gubadlay haysta, Cabdiqaasim ayaa ciidan hoosaadka beeshiisa dakadda ku weeraray.
Waxaad arkaysaa in caqligii mar hore tagay, waa muuqataa in mar labaad loo baahan yahay in SYL la abaabulo si Soomaaliya looga xoreeyo dadkeeda.
hadday wiilashii SYL ay guri cariish ah ku bilaabeen xornimo raadin suurto gal ma tahay in xornimo raadin hor leh laga bilaabo wadammada dibadda oo laga heli karo wax aan laga heli karin dagmadii Iskuraran ee carshaanta ahayd.
Sannadkii hore Cabdiqaasim iyo Cali Khaliif Galayr waxay u dabaaldageen qaadashadii xornimada labadii gobol ee Koonfur iyo waqooyi, laakiin midkoodna ma sheegin in bal la raadiyo inta ka nool raggii xornimada ay sheegayaan keenay, ismana aysan weydiin in xubnihii SYL ay laftigoodu ku jiraan gumaysi dadkooda dhexdiisa uga yimid.
Dabaaldeggaas Muqdisho ka dhacay waxaa meel kasta lagu soo dhajiyey calankii quruxda badnaa ee Soomaali weyn ka tarjumayey, hase yeeshee ninkii hindisay calanka sharafta iyo quruxda badan Allaha u naxariistee (Maxamed Cawaale Liibaan) waxaa xiligaas la dabaaldegayo maydkiisu yaalay dalka Canada oo ah dhul aad u qabow iyo baraf badan, maxaa yeelay Maxamed ma uusan lahayn dhul lagu duugo oo dhulkiisii qaxooti buu ka ahaa, qabiil baana looga soo cayrsaday.
![]() |
Xuseen kulmiye bidixda askariga dharka cad, Cabdirashiid, iyo Cabdirisaaq labada isa salaamaya, ninka u dhexeeyana waa halyaygii Calanka Soomaaliyeed Maxamed Cawaale Liibaan oo dhawaantaan ku geeriyooday Canada, ninka Midgita u xiga waa Muuro. |
Xuseen kulmiye bidixda askariga dharka cad, Cabdirashiid, iyo Cabdirisaaq labada isa salaamaya, ninka u dhexeeyana waa halyaygii Calanka Soomaaliyeed Maxamed Cawaale Liibaan oo dhawaantaan ku geeriyooday Canada, ninka Midgita u xiga waa Muuro.
Sannadkaan Cabdiqaasim iyo ra\'iisul wasaarihiisu waxay soo wadaan dabaaldeg loogu dabaal degayo Maalmihii xornimada balse aynu u dayno inay gartaan furaha ka maqan guusha ay u dabaal dagayaan.
Talow mala raadin doonaa kuwa ka nool SYL (sow caqli lama rabo).
Cidii dani ka hayso soo noolaynta SYL bal figradooda ha nala qaybsadeen maxaa yeelay xilligaan Soomaalidu waxay soo garwaaqsanaysaa inay xoroobaan mar labaad, marka ka mid noqo kuwa figradaas bilaaba, xubno badan oo Joornaalkaan ku xiran ayaa soo gudbiyey E-mailadooda si ay uga qayb-qaataan Baadi goobka SYL mar labaad.waxaa qoraha mawduucaan kaheli kartaan Hooyo80@hotmail.com