Waxaan ka cudurdaarnaynaa dadka aanaan suaalahooda soo qorin. Waxaa jira suaalo aan u dirnay dad aqoon u leh iyo suaalo na soo gaaray intii magazine-ka la diyaariyay kaddib. Waxaan HRI ku talo jirnaa in aan bisha soo socota soo bandhigno. Waxaa kale oo aan idin xusuusinaynaa in haddii aan suaal ka soo jawaabno isla markaasna ay jirto qof haya jawaab uu is leeyahay waa tii saxda ahayd waa ku farxi lahayn haddii uu qofkaasi nala qaybsado si aan mar labaad u soo bandhigno.
Waad mahadsan tihiin. Wixii suaal aad qabtid u soo dir magazine@somalinet.com
Suaashii 1aad
Asslaamu calaykum. Fadlan waxaan idinka codsanayaa in aad suaashan iga soo jaahil saartaan haddii Alle yidhaahdo, waana tan su aashii:guditaanka la gudo gabdhaha ma layska daynkaraa tootaliba oo loo dayaa sida ay ku dhasheen mise waa in la suneeyo? sidaa iyo asslamu calaykum
Jawaab By Sh. Abdirizaq Abshir
Suaalahan oo walaalaha qaarkood soo codsadeen waxaan uga jawaabaynaa si kooban insha allah.
Marka hore jawaabta oo kooban lagama tagi karo gudniinka gabdhaha
Marka labaad jawaabta oo faah-faahsan:
Ugu horeynta waxaan sheegayaa adillada shareecada -waxa ay diintu ka tiri ee gudniinka gabdhaha ka hadlaysa
1) Xadiiska Abuu Hureyre oo ku yaal kutubta Bukhaari iyo Muslim, Nabia Calehi Salatu Wasalam (CSW) wuxuu yiri shan arrimood waxay ka mid tahay fidrada ama sunada qadiimka ah; in caanada (shuunka) la iska xiiro, in ciddiyaha la jaro, in shaaribka la gaabiyo, in kilkilaha timaha laga jaro iyo in la is gudo marka shantan nabigu wuxuu ku soo darey in la is gudo.
Xadiiskani si guud ayuu gudniinka u xusay. Mana jiraan wax kala saaraya gabdhaha iyo wiilasha
2) Xadiith uu Abuu Hureyre wariyay oo Bukhaari iyo Muslim ku yaal isagana wuxuu nabigu CSW sheegey in nabi Ibraahim is gudey isaga oo sideetan jir ah markii allah amrey, xadiithkanna nabi Ibraahim waxa loo amray gudniinka waa in umadda loo jideeyo sidoo kale ma jiraan xadiithkan wax kala saaraya rag iyo dumar.
3) Xadiithka Caaisha ay soo warisay oo Muslim iyo ibnu Maajah ku yaal nabigu markuu ka hadlayey waxa qubayska waajibiya, wuxuu yiri marka labada gudniin istaabtaan qubaysku waa waajibey xadiithkanna wuxuuina tusinayaa in labada qofba ay gudan yihiin oo marka gabdhaha la gudi jirey waqtigii nabiga csw uuna ogaa.
4) Xadiithka Umu Caddiya iyo saxaabo kale oo badan wuxuu nabigu gabadhaas iyo gabar kale oo gabdhaha gudi jirey ku yiri gabdhaha guda oo markaad gudaysaan ha ku talaxtagina aad ha u goynina sidaasaa wajigooda u qurxin og xadiithkan iyo riwaayaadkiisu waxay tusinayaan in waqtigii nabiga (cs) ay jireen labo gabdhood oo gabdhaha guda oo nabigu ku ogyahay oo uu waliba u sheegey sida fiican oo ay gabdhaha u gudayaan.
Waxaa kaloo jira nusuus kale.
Hadaba marka la fiiriyo gudniinka raga ma jiraan wax khilaaf ah oo ku jira inuu waajib yahay laakiin gabdhaha waxaa jira qowlal rayi- culumo oo oranaysa inuu sunno yahay sidaa darteed madaahibta fiqiga ee islaamka waxay kala oranayaan sidan
Abuu xanafa iyo Maalik: waxay oranayaan inuu sunno yahay
Shaafici iyo Axmed: waxay oranayaan inuu waajib yahay
Marka la fiiriyo culumada islaamka ee waawayn badankoodu sida ay u arkaan waa inuu waajib yahay waxaa ka mida culumadaas Ibnu taymiya iyo ibnu qaym.
Sidoo kale ma jirto cid ahlu cilmi ah oo tiri waa laga tagi karaa gudniinka gabdhaha
Waxaa jira labadaas qowl oo kala ah inuu waajib yahay ama inuu sunno yahay kaliya marka ma ahan wax la isaga tagi karo sida nusuustu ku tusinaysana labadan qowl waxaa xoog badan inuu waajib yahay hadduusan waajib noqona kolay marwalba waa sunno xoog badan marka ma ahan in la moodo wax la isaga tagi karo.
Laakiin qaabka loo gudo gabdhaha qalad badan ayaa laga galaa marka waa in sida shareecadu qabto lagu ilaaliyo. magazine@somalinet.co
Suaashii 2aad
Haddii uu qof diinta islaamka uu shaki kagalo ama uu diinta af lagaado u gaysto maxaa waajib ku ah inuu sameeyo? Ma inuu ashahaato baa mise illaah dambidhaaf weydiisto weeye?
ii sheega aayada quraanka aad jawaabtiina aad kusoo qaadanaysaan ama xadiiskaba,mahadsanidiin.
Jawaab By Sh. Abdirizaq Abshir
Ugu horreynta hadduu qofka diintii shaki ka galo waa arrin khatar ah waxa shakigaas keenayaa waa aqoon yari uu diinta kaga sugan yahay marka waxaan kula talinaynaa inuu si dagdag ah ula kulmo culumada oo laga jaahil bixiyo waxa uu ka shaki san yahay hadduusan sidaa yeelin oo shakigiisa isaga jiro waa ku gaaloobayaa.
Waxaa kaloo laga rabaa qofka shakisan inuu ku celceliyo eraygan aamantu billaahi warasuuulihi Iyo aayada sadexaad ee suuratu xadiid ayadana ku celceliyo.
Hadduu qofku diinta Islaamka ama allah ama nabiga ama dhaqamada diintan uu aflagaado u gaysto taasi waa gaalnimo cad oo xataa wax dood ah aysan gali Karin.
Marka waxaa jira arragti oranaysa inuusan qofka allah ama nabiga caayey uusan toobad lahayn sababtoo ah ma jirto wax sabab ah oo aan gaalnimo jeclaysi ahayn oo ku kalifi karta inuu allah ama nabiga afkiisa la gaaro. Hassa ahaatee waxaan shaki lahayn in dambi kasta toobad leeyahay xataa gaalnimada tan ugu wayn qofku waa ka toobad keeni karaa.
Marka qofkaan waxaa laga rabaa inuu islaamnimada dib usoo galo waxaa lagu soo gallaa inuu ku dhawaaqo ashaadataynka isla markaaana uu allah u toobad keeno dambigaas wayn oo uu ku dhacay mar dambena uusan ugu dhicin dambigan oo kale.
Waqtigii nabiga niman ayaa nabiga iyo saxaabada caayey quraankii ku soo dagayna wuxuu allah yiri ha u cudurdaaranina waad gaalowdeene fiiri aayadaha 63-66 ee suuratu tawbah sidoo kale gaalo yuhuud ah oo allah caydey allah wuxuu caddeeyey inay gaaloobeen fiiri aayadaha 180-182 ee suurada aalacimraan sidoo kale haduu qofku ku kalsoonaaan waayo xukun Ilaahay iyo Nabiga waa ku gaaloobayaa fiiri aayadaha 59-65 ee suuratu nisaa iyo 46-50 ee suuuratu nuur sidoo kale xadiiith ku yaal Abuu daauud haweeney nabiga caayi jirtey oo ninkeedii arrintan ku dilay nabigu wuxuu sheegey inay gaalnimo ahayd
Marka qofka gaalooba wuxuu diinta ku soo gallaa ashahaadada markuu diinta ku soo laabto hadduu fiicnaado waxaa lagga yaabaa in allah uu u dambi dhaafo isla markaana kharykiisii hore la siiyo waxaa caddaynaya in khayrkiisii hore la siiyo xadiith ku jira saxiixu muslim.
Qof haya jawaab kale please nala soo socodii magazine@somalinet.co
Suaashii 3aad
MARKAHORE WAXAAN UMAHADCELINAYAA DHAMAAN REE SOMALINET MARKAXIGTA WAXAAN QABAASU,AAL WAANATAN WAXAANRABAA INAAN OGAADO MEESHA UUKA YIMID ERAYGA SOOMAALI AMA SOOMAALIYA ASALKIISA IYO CIDA LAGAKEENAY IYO MARKA LAKEENAY. MARKALE WAADMAHADSANTIHIIN DHAMAAN-JAWAABTAYDA IYO WIXIISU-AALAH OOD IIQABTAAN IIGUSOODIRA SOOMAALIA2002@YAHOO.COM WAXAAN AHY WIIL SOOMAALIYEED OODAGAN OHIO MAGICIISANA LAYIRAAH CABDI-FITAAX MAXAMMAD WADANAKUMAHADSAN TIHIIN WAXKASTOO UMADA SOOMAALIYEED UQABATAAN.
Jawaab By Somalinet Magazine
Waxaa jira muran wayn oo ka taagan micnaha iyo meesha uu ka yimid magaca Soomaali. Qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Xassan Jimcaale ayaa buuggiisii Dhacdooyinka maddeganayaasha Geeska Africa qayb ka mid ah kaga hadlay halka uu magaca Soomaali ka yimid. Qoraagu waxa uu sheegay in ay aad u yartahay baarista lagu sameeyey ama taariikhda laga hayo dadka Soomaalida ah iyo meesha ay ka yimaadeen. Qoraagu waxa kale oo uu sheegay in ayan jirin cid si kalsooni leh u caddayn karta meesha uu magaca Soomaali ka soo jeedo.
Qoraaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu soo bandhigay dhowr figradood oo kala duwan oo ku saabsan meesha magaca Soomaali ka yimid iyo micnihiisa. Tii ugu macquulsanayd oo qoraaguna laftigiisu u malaynayo inay xaqiiqada u dhowdahay waxay ahayd in magaca Soomaali uu micnihiisu yahay So oo ah hilibka, iyo maal oo micneheedu yahay caanaha soo maal. Cad iyo caano waxa ay ahaayeen waxa ay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee Soomaaliyeed ay aad u qiimayn jireen kuna faani jireen.
.
Figrad kale oo aan iyaduna wax qoraal iyo raad toonna aan lahayn ayaa oranaysa magaca Soomaali ama Soomaal waxa uu la micne yahay erayga ah soo maal xoolaha.
Sidoo kale qoraagu waxa uu sheegay in uu muran badani ka taagan yahay meesha ay dadka Soomaalida ahi asal ahaan ka soo jeedaan. Maaddaama uusan jirin wax raad raac taariikheed ah. Figrad ayaa jirta oranaysa dadka Soomaalida ah qaarna waxay ka soo jeedaan Carab qaarna Bantu. Qoraaga buugga iyo cid kale oo kala caddaysa qaybta Carab ka soo jeedda iyo qaybta Bantu ka soo jeedda ma aannaan helin
Waxaan u hubaal ah inay jiraan figrado kale oo fara badan oo ku saabsan micnaha iyo meesha uu ka yimid magaca Soomaali iyo waliba meesha dadka Soomaalida ah ka soo unkumeen. Ciddii haysa figrad tan ka duwan fadlan ha u soo gudbiso magazine@somalinet.com.
Suaashii 4aad
Haddii aan magacayga magac aan ahayn ku shaqeeyo, lacagta aan shaqadaas ka helo ma sadaqaysan karaa? Mase ka xajiyikaraa?
Jawaab By Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Cumar
haah waa sadaqaysan kartaa waadna ka xajiyi kartaa, laakiin waxaa danbigii beenta aad sheegtay ayaa laguu haystaa .
haddii aad garanaysid jawaab tan ka saxsan please nala soo socodsii magazine@somalinet.com