Juun 2002
Published on: 2002-06-01 00:17:46
Takhaatirtu markasta waxa ay hooyooyinka ku dhiiro galiyaan in ay carruurta naasaha nuujiyaan. Diinteena Islaamkuna sidaas ayay ina faraysaa. Faaiidooyin aad u fara badan ayaa carruurtu ka helaan caanaha hooyada. Haddii aan la nuujinna waxa ay halis u yihiin in cudurro badani ku dhacaan. Abwaan Rooble M. Issa (Quruurux) ayaa allifay heestaan uu ugu magac daray Hooyo Nolosha caydiga Naasahaga weeyaan . Abwaanku waxa uu uga dan lahaa ku baraarujinta hooyooyinka muhiimadda ay naas nuujintu u leedahay ubadka.
Abwaanka oo ka mid ahaa howlwadeenada caafimaadka ee shirkadda Qatar Petrolium waxa uu shucuurtiisa waddaniyeed ugu gudbinayaa hooyooyinka dunida gaar ahaan kuwa ku hadla Afka Soomaaliga heestan oo ku fadhida xigmadda facweyn oo murti aad u culusi ka muuqato waxay si hufan u soo koobaysaa muhiimadda naas nuujintu u leedahayubadka.
Waa tan heestii
NAFTA WAXA KA GOOYIYO
CUDURADDA NUGLEEYE
NAAFEEYA U BADKA
NAASKA U DIIDOO
NAAXIYA CARUURTEE
HADDII AAD NAXAYSAAN
NOLOSHOODA JECESHIIN
NAASAHA KU DUWA OO
NUUJIYA CARUURTA.
NAXARIISTI EEBIYO
NIMCADII ILLAHIYO
NARUURA KA DIHINO
MA NAASHIFO ILMAHA DHAMA
NAFAQANA MA WAAYEE
HADDII AAD NAXAYSAAN
NOLOSHOODA JECESHIIN
NAASAHA KU DUWA OO
NUUJIYA CARUURTA.
NIYAD SAMI DHALAAN KORA
HOOYO NOLOSHA CAYDIGU
NASAHAAGA WEEYAN
AYU NOQONO NOOLAHA
BULSHO NOOC AH WAAFIYEE.
HADDII AAD NAXAYSAAN
NOLOSHOODA JECESHIIN
NAASAHA KU DUWA OO
NUUJIYA CARUURTA.
NUKLIYEERKA DANABKA
NUDAYAAL LA XOOGA
LAGU NABAY DUSHADOO
NEECAWADDA GOSHAADA
NAAXISA CARUURTEE
HADDII AAD NAXAYSAAN
NOLOSHOODA JECESHIIN
NAASAHA KU DUWA OO
NUUJIYA CARUURTA.
Waxaa Alifay: Rooble M. Issa (Quruurux)
Back to Category