Kooxda Kubbadda Cagta ee Twin Cities Stars oo ku guulaysatay koobka Balanbaalis
Tartan kubbadda cagta ah oo aad u qiimo badnaa ayaa maalmihii na soo dhaafay wuxuu si xamaasad leh uga socday magaalada Minneapolis, Iyada oo ay koobkaasi ay ku guulaysteen kooxda Twin Cities stars ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
![]() |
Kooxda Twin Cities Stars Minnesota - Kaalinta koowaad |
Tartankaasi isaga ah oo loogu tartamayay koob loogu magac daray BALANBAALIS waxaa ku hardamayay afar kooxood oo 2 ka mid ah ay ka socotay OHIO, labada kalena gobolkan Minnesota. Marka aan sii kala qaadno magacyada kooxaha tartanka ka qayb-galay waxay kala ahaayeen: Rochester, Ohio Stars, Twin cities Stars, iyo OhioExtreme. Waxaana kooxahani ay ciyaarayeen ciyaaro hal is arag ah oo kooxdii laga adkaado ay ka harayso tartanka (Knock out). Ciyaarahan waxaa martigaliyay oo kharashka ku baxay uu ka yimid ganacsatada Soomaaliyeed oo kala ahaa : Via Roma, Xamar weyne Caf, Safari Dry Cleaning, Balanbaalis Media Production, Somali Songs Fame, Xamar weyne total music, West Bank grocery, Fame Barber iyo shakhsiyaad gaar ahaaneed oo iyaguna gacan aad u ballaaran ka gaystay.
Ciyaartooydii martida ahayd waxaa lagu dajiyay Hotel super 8 , waxaana ay ka cuntaynayeen Makhaayadaha safari iyo Xamar weyne Restaurant.
![]() |
Qaar ka mid ah guddigii qabanqaabada iyo guddiga Farsamada |
Qabanqaabiyayaasha Koobkan oo kala ahaa:
1) Abaadir Jaamac ( Urufey) Guddoomiye
2) C/casiis Cali Biixi
3) Abdixakiim Maxamed Cismaan
4) Maxamed Xuseen Hilaal ( M/yare)
5) C/wali Xaynoosh ( Sujuu)
6) Liibaan Yare iyo
7) Qaasimoow
Ayaa ii sheegay in tartankani uu yahay markii ugu horreysay oo ay qabtaan isaga oo leh qaab habaysan , waxaana ay caddeeyeen in sannad kastaaba la qaban doono tartanka noocan oo kale ah lana badin doono kooxaha ka qayb-galaya tartanka. Barnaamijkan Isboortiga ah ayaa ahaa mid ka madax bannaan dhammaanba communitiyada Soomaaliyeed ee ka jira gobolkan Minnesota, iyadoo ay isku soo duba-rideen oo waqtigooda qaaliga ahaa u hureen dhallinyarada Soomaaliyeed oo jecel inay horumariyaan Isboortiga, waxaana ay ku dadaalaan inay isu soo dhawaadaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo is dhexgalaan , aqoonta iyo xirfadda ciyaarahana ay isu gudbiyaan. Marka laga soo tago guddiga qabanqaabada koobka, waxaa isaguna jiray guddi farsamo oo hawshiisu ahayd socodsiinta ciyaaraha iyo ilaalinta qawaaniinta Isboortiga kuwaasi oo ka koobnaa afar xubnood oo waayo arag ku ah maamulka kubbadda cagta, qaarkoodna ay ka mid ahaayeen ciyaaryahannadii qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta iyo naadiyada heerka 1aad, kuwaasi oo kalaahaa:
![]() |
Kooxda kubbadda Cagta Rochester, Minnesota(kaalinta 2aad) |
1) C/risaaq Saciid (Marshaale)
2) C/raxmaan guuleed cawaale ( Aamaan)
3) C/qaadir S. Warsame (Nuune) iyo
4) Cawaale Geedi Raage.
Intii ay ciyaaruhu socdeen waxaa iyaguna indhahayga aad u soo jiitay Dhallinyaro Isu xilsaartay inay sugaan nabadgalyada garoonka oo u shaqaynayay si mutadawacnimo ah iyo dadweyne aad u faro badan oo soo camiray garoonka kuwaasi oo kala taageerayay kooxaha halkaasi ku tartamayay.
Haddii aan soo koobo guud ahaanba kulammadii dhacay sidan ayay kooxahu u kala adkaadeen.
Ciyaartii ugu horraysay oo dhacday May 24/2002 waxaa foodda is daray kooxaha Ohio Stars iyo Rochester (MN). Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u heer sarreysay waxaa markii la bilaabay oo 9 daqiiqo ay socotay gool ku hubsaday kooxda Rochester oo uu u saxiixay ciyaaryahan Faiz oo lambarka 32aad u sitay kooxda Rochester. Isla qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqaddii 31aad ayay fursad kale heleen kooxda Rochester waxaana goolkii labaad u saxiixay ciyaaryahan faiz oo galabtaasi ahaa xiddigga garoonka. Qaybtii hore ee ciyaartana waxay ku soo gabagabowday 2 gool ay leeyihiin kooxda Rochester iyo Ohio Stars oo aan waxbadhalin.
Qaybtii labaad ee ciyaarta oo xamaasad ku bilaabatay ayay si aad ah jaanta isula heleen kooxda Ohio Stars, waxaana u suuro gashay in daqiiqaddii 55aad ay helaan goolkoodii ugu horreeyay kaddib markii xerada ganaaxa gudaheeda lagu jillaafay ciyaaryahan Qaasimow oo ka tirsanaa weerarka kooxda Ohio. Rigoorahaasi waxaa dhaliyay yuusuf oo lambarka 7aad u sitay kooxda Ohio. Isla daqiiqaddii 79aad ayaa Qasimow uu helay fursad wanaagsan oo uu ku ansaxiyay goolkii 2aad. Ciyaartiina waxay noqotay Barbaro 2 Gool iyo 2Gool.
![]() |
Kooxda Kubbadda cagta Ohio Stars (kaalinta 3aad) |
Markaasi wixii ka dambaysay jawiga ciyaarta aad buu isu badalay , waxaana labada kooxoodba ay isku qaadeen weeraro culculus, taasoo kooxda Rochester u suuro galisay inay daqiiqaddii 82aad ee ciyaarta qaybteedii dambe ay helaan goolkoodii 3aad oo uu u saxiixay ciyaaryahan Geedi.
Kooxda Ohio Stars oo aan niyad jabin ayaa iyaguna weerarkoodii faraha badnaa waxaa uu u suurogaliyay daqiiqaddii 88aad in isla ciyaaryahan Yuusuf kubbad uu meel fog ka soo toogtay ay shabaqa cuskato. Waxaana waqtigii loogu talo galay ciyaarta natiijadeedii ay ku soo gabagabowday 3 gool iyo 3 Gool.
Sida sharcigu qorayay labada kooxood waxaa loo dhigay tuurashooyinka xorta ah ( rigoorayaal- free kick), waxaana halkaasi ay guushii ku raacday 5 gool kooxda Rochester , halka kooxda Ohio Stars ay ka keensadeen 4 gool. Galabtaasi dhanka Ohio waxaa wacdaro muujiyay: Ali Ordaaye, Cali Seedow, Qaasimow, iyo goolhaye Boqol. Dhinaca Rochester waxaa iyaguna ugu firfircoonaa: Faiz, Omar, Bakar, Ali Ahmed, Dhagaweyne iyo goolhaye Patrick. Ciyaartaasi waxaa garsoore ka ahaa: Aamaan, halka calanwadayaal ay ka ahaayeen: Marshaale iyo Nuune.
Ciyaartii labaad ayaa iyaduna waxay dhacday May 25/2002, waxaana isku haleelay kooxaha Twin Cities Stars iyo OhioExtreme.
Ciyaartan ayaad moodaysay billowgediiba inay labada kooxoodba is tijaabinayeen, waxaana ay ahayd mid isu dheelli tiran oo qoloba mar la weerarayay goolkeedii. Hase yeeshee daqiiqaddii 22aad ee ciyaarta qaybteedii hore waxaa u suuro gashay kooxda OhioExtreme inay helaan goolkoodii ugu horreeyay waxaana u saxiixay ciyaaryahan Liibaan oo Lambarka 12aad u sitay .Qaybtii hore ee ciyaartana waxaa ay ku soo gabagabowday 1 iyo 0 oo ay hoggaanka ku hayasay kooxdii OhioExtreme. Qaybtii 2aad ee ciyaarta ayaa jawiga ciyaartu ay wax wayn iska baddaleen kaddib markii tababaraha kooxda uu isbadal faro badan ku sameeyay ciyaartooydiisa, waxaana kooxda Twin Cities ay isla heleen jaanta, iyaga oo ku qaaday weerar is dabajoog ah goolka kooxda OhioExtreme. Daqiiqaddii 75aad kubbad gool loo fishay waxaa hawada marsiiyay ciyaaryahan Carab oo lambarka 16aad u sitay Twin Cities. Dadaal faro badan dabadeed waxaa u suuro gashay kooxda Twin Cities in daqiiqaddii 80aad ay helaan goolkoodii ugu horreeyay kaasoo uu u ansaxiyay ciyaaryahan Suleymaan Duwe oo lambarka 17aad u sitay kooxda Twin Cities. Ciyaartiina waxay ku soo gaba-gabowday 1 gool iyo 1 Gool. Sida sharcigu dhigayay waxaa loo dhigay rigoorayaal taasoo dhalisay in kooxda Twin cities ay ku guulaystaan 4 gool , halka kooxda OhioExtreme ay ka keensadeen 3 gool.
Ciyaaryahannadii ugu firfircoonaa kooxda Ohio Extreme waxaa ka mid ahaa: Liibaan, Saacid, Faysal, Caafi iyo goolhaye C/risaaq . Dhanka Twin cities waxaa iyaguna ugu firfircoonaa Maxamed faarax, Awoowe, Maxamed Yaasiin, Carab, Duwe iyo goolhaye C/salaam. Ciyaartaasi waxaa garsoore 1aad ka ahaa; Aamaan , halka calanwadayaal ay ka ahayeen: Nuune iyo Barkhad.
Ciyaartii loogu tartamayay Kaalinta 3aad waxa foodda is daray kooxaha Ohio Stars iyo OhioExtreme.
![]() |
Kooxda kubbadda cagta Ohio Extreme (kaalinta 4aad) |
daqiiqaddii 7aad ayay kooxda Ohio Extreme heleen goolkoodii ugu horreeyay oo uu u saxiixay ciyaaryahan Maxamed Cali. Weerar is daba joog ah oo ay qaadeen kooxda Ohio Stars waxaa u suuro gashay in xerada ganaaxa gudaheeda lagu jillaafo ciyaaryahan ka tirsanaa kooxda Ohio stars halkaasina garsoorihii uu u ansaxiyay Rigoore. Ciyaaryahankii u sitay lambarka 7aad ayaana rigoorahaasi u saxiixay. Ciyaartiina qaybtii hore waxay ku soo gabagabowday 1 gool iyo 1 gool. Qaybtii labaad ee ciyaarta labada kooxoodba waxba kalama dhalin, in kastoo kooxda Ohio Stars ay qaadeen weeraro faro badan haddana goolhayihii kooxda OhioExtreme ayaa kubbado badan oo gool loo fishay ka badbaadiyay kooxdiisa. Ciyaartiina waxay ku soo gabagabowday waqtigii loogu talogalay 1 gool iyo 1 gool. Sida sharcigu dhigayay waxaa loo dhigay rigoorayaal, waxaana 4 iyo 3 ku guulaystay kooxda Ohio Stars.
Ciyaartani waxaa garsoore ka ahaa : Cawaale geedi, halka calanwadayaal ay ka ahaayeen Marshaale iyo Aamaan.
Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee ( Final) oo dhacday May 26/2002 waxaa isku haleelay kooxaha Rochester iyo Twin Cities Stars.Ciyaartan oo ahayd ciyaartii ugu quruxda iyo farsamada badnayd intuu socday tartanka waxay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad loo jeclaysto. Daqiiqaddii 2aad ayuu ciyaaryahan Mustaf oo lambarka 21aad u sitay kooxda Rochester u ansaxiyay goolkii ugu horreeyay. Isla daqiiqaddii 6aad ayaa ciyaaryahan Maxamed Faarax oo lambarka 7aad u sitay kooxda Twin Cities uu isna gool u ansaxiyay kooxdiisa taasoo ciyaartii ka dhigtay Babarro. Isla daqiiqaddii 13aad ayaa Suleymaan Duwe oo sitay lambarka 17aad uu gool u ansaxiyay kooxdiisa. Daqiiqaddii 18aad ayaa weerar uu qaaday ciyaaryahan Faiz oo ka tirsanaa kooxda rochester waxaa xerada ganaaxa dhexdeeda ku jillaafay Carab (No 13aad) oo ka mid ahaa difaaca ugu qatarsanaa kooxda Twin Cities, halkaasoo garsorihii uu xukumiyay rigoore, waxaa rigoorahaasi u dhaliyay Dhagaweyne oo lambarka 3aad u sitay Rochester. Ciyaartiina waxay qaybtii hore ku soo gabagabowday 2 gool iyo 2 gool. Qaybtii labaad ee ciyaarta oo xammaasad ku bilaabatay ayaa daqiiqaddii 65aad ay heleen kooxda Twin Cities goolkoodii 3aad taasoo uu u ansaxiyay ciyaaryahan Aflow oo lambarka 8aad watay. Isla daqiiqaddii 70aad ayay kooxda Rochester heleen fursad aad u fiican oo gool uu ugu ansaxiyay ciyaaryahan Bakar oo lambarka 9aad u sitay kooxda Rochester. Ciyaartiina waxay noqotay 3 gool iyo 3 gool. Daqiiqaddii 84aad ayay kooxda Twin Cities stars ay heleen goolkoodii guusha kaasi oo uu u ansaxiyay ciyaaryahan Axmed oo lambarka 18aad u sitay kooxda . In kasta oo uu muran badan dhaliyay goolkaasi haddana garsoorihii ciyaarta dhexdhaxaadinayay iyo calanhayahiiba waxay isu waafaqeen inuu goolkaasi sax ahaa. Ciyaartiina waxaa ay ku soo gabagabowday 4 gool oo ay guusha ku raacday kooxda Twin Cities Stars, Halka kooxda Rochester ay ka keensadeen 3gool.
![]() |
Kabtanka kooxda Twin cities oo kor u sida koobkii kaalinta 1aad |
Gabagabadii xafladda xiritaanka waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha qabanqaabada tartankaasi Abaadir Jaamac ( Urufey), isaga oo si aad ah ugu mahad celiyay dhammaanba ciyaartooydii ka soo qayb gashay tartanka,dadkii marti galiyay, daawadayaashii , dadkii nabadgalyada ka shaqaynayay iyo dhammaanba intii gacanta ka gaysatay inuu tartankani noqdo mid lagu najaxo. Dabadeedna waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyay Abaalmarinnadii loogu talo galay ciyaartooyda. Waxaa xusid mudan in koobkii kaalinta 1aad uu guddoonsiiyay kooxda Twin Cities Stars fannaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Salaad Maxamed Shardi ( Salaad Darbi) oo isagu ka mid ahaa dadkii lagu casuumay barnaamijkaasi xiritaankiisa. Sidan ayaana loogu kala guulaystay abaalmarinnada.
Kaalinta 1aad Kooxda Twin Cities Stars
Kaalinta 2aad Kooxda Rochester
Kaalinta 3aad Kooxda Ohio Stars
Kaalinta 4aad Kooxda Ohio Extreme
Waxaa iyaguna abaalmarinno la siiyay shakhsiyaadkii ugu wanaagsanaa intuu socday tartanka oo kalaahaa:
- Cali Qayre Kooxda Ohio , oo loo aqoonsaday ciyaartooygii ugu wanaagsanaa MVP.
- Patrick Goolhayihii kooxda Rochester, uguna wanaagsanaa goolhayayaasha.
- Yuusuf jihaad, Kooxda Ohio Stars oo noqday ciyaaryahankii ugu goolal dhalis badnaa.
- Cabdiwali, Tababarahii kooxda Ohio, oo loo aqoonsaday tababarahii ugu wanaagsanaa.
- Waxaa isaguna abaalmarin gaar ahaaneed la siiyay goolhayihii kooxda Ohio Extreme oo isagu muujiyay dadal iyo akhlaaq wanaagsan muddadii uu tartanka socday .