Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Juun 2002

Published on: 2002-06-01 12:58:27

Koobka Adduunka iyo Rajada Kooxaha Afrika

Sida aynu la wada soconno waxaa 31ka May ka billowday Dalalka Japan iyo Kuuriya tartankii ciyaaraha koobka adduunka ( World Soccer Championship). Tartankan isaga ah oo afartii sanoba mar la qabto waxaa sannadkan ku tartamaya 32 kooxood oo ka kala yimid qaaradaha dunida.
Qaaradda Afrika ayaa sannadkan waxaa uga qayb-galaya 5 kooxood oo kala ah: South africa, Cameroon, Nigeria, Senegaal iyo Tunisia. Shaxdan hoose ka fiiri kooxaha Afrika Guruubka ay ku jiraan iyo kooxaha ay la ciyaarayaan.

Guruub A Guruub B Guruub C
France Paraguay Brazil
Denmark Slovenia China
Senegal South Africa Costa Rica
Uruguay Spain Turkey


Guruub D Guruub E Guruub F
Poland Cameroon Argentina
Portugal Germany England
South Korea Ireland Nigeria
United States Saudi Arabia Sweden

Guruub G Guruub H
Croatia Belgium
Ecuador Japan
Italy Russia
Mexico Tunisia

Haddaba su\'aasha la is weydiinayaa ayaa waxay tahay Rajo intee la eg ayaa laga qabaa kooxaha Afrika?. Dadka sida aadka ah ugu xeel dheer ciyaaraha kubbadda cagta waxaa ay saadaalinayaan inaanan kooxaha Afrika la dhayalsan karin awoodda ciyaareed ay leeyihiin, iyada oo ay waliba sannadahan dambe aad ugu soo bateen ciyaaryahannada laga soo iibsado kooxaha Afrika ee ka ciyaara dalalka dibadda ( Profissional), hase yeeshee waxaa aad looga fogeeyay inay kaalimaha hore soo gaaraan. Markii aan dib u jalleecay ciyaarihii saaxiibtinimada ahaa oo kooxuhu ay isku tijaabinayeen ayaad mooddaa in qaab ciyaareedkii kooxaha Afrika aad loo ammaanay . haddii aan soo yara koobo koox kastaa kulkammadii tijaabada oo ay la ciyaartay kooxaha kale iyada oo ugu diyaargaroobaysa koobka adduunka ayaa natiijadoodu noqotay sidan:

Cameroon
27 March: Cameroon Vs Argentina 2 gool iyo2 gool ayay isla dhaafi waayeen
17 April: Cameroon Vs Austria 0 iyo 0 ayay isla dhaafi waayeen
17 May: Cameroon iyo Denmark 1- 2 Denmark ayaa ku adkaatay

Nigeria
26 March - Nayjeeriya Vs Paraguay 1 gool iyo 1 gool Barbaro
4 May - Nayjeeriya Vs Kenya 3 gool iyo 0
16 May - Nayjeeriya Vs Ireland 2 gool iyo 1
18 May - Nayjeeriya Vs Jamaica 1 gool iyo 0

Senegal
27 March - Senegal Vs Bolivia 2 gool iyo 1
14 May - Senegal vs Saudi arabia 2 gool iyo 3 Saudi Arabia ayaa ku adkaatay

South Africa
20 March - South Africa Vs Saudi Arabia 0 iyo 1 gool Sacuudiga ayaa ku adkaaday
27 March - South Afrika vs Georgia 1 iyo 4 Georgia ayaa ku adkaatay
30 March - south afrika Vs Botswana 0 iyo 0 ayay isla dhaafi waayeen
17 April - South afrika Vs Ecuador 0 iyo 0 " " "
12 May - South Afrika Vs Madagascar 1 iyo 0 21 May - South afrika vs Scotland 2 iyo 0

Tunisia
13 March - Tunisia vs South Korea 0 iyo 0 Barbaro
27 March - Tunisia vs Norway 0 iyo 0 Barbaro
17 April - Tunisia Vs Slovenia 0 iyo 1 Slovenia ayaa ku adkaatay

Inkastoo awoodda kooxaha Afrika aanan lagu qiyaasi karin ciyaarahaasi tijaabada oo ay sameeyeen, ayaan misana eegi doonaa natiijda ay kala kulmaan tartanka koobka adduunka.


Tartankii koobka Marxuum Cumar Canjeeste
Diyaariye: Aargoos ( Nairobi)

Waxaa lagu qabtay magaalada Nairobi tartan kubbadda cagta oo aad u xiiso badnaa kaasi oo lagu xusayay Marxuum Tababare Cumar Canjeeste oo ka mid ahaa tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Sidoo kalena waxaa uu soo layliyay kooxo faro badan oo ka tirsanaa kooxaha heerka 1aad ee dalka Soomaaliya sida: Naadiga Badda, Naadiga Munishiibiyo, Naadigii Madbacadda qaranka iyo kuwo kale. Sidoo kalena marxuumku waxaa uu kaalin wanaagsan ka soo qaatay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubbadda cagta. Tartankaasi isaga ah waxaa soo qabanqaabiyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan: Cumar Fuundi, Badal Shuuriye, Cabdiqani iyo macallin Geela.

Haddaba tartankaasi marxuumka lagu xusayay waxaa lagu qabtay Dalka Kenya Garoonka South C ,waxaana ka soo qeyb-galay afar kooxood oo kala ahaa:

1- Maracana
2- Three555
3- South C Team
4- Ganacsatada Banaadir
waxaana ay ciyaarayeen ciyaaro is arag ah (Knock out)oo kooxdii mar laga adkaado ay ka haraysay tartanka.
Haddaba kulammadii la ciyaaray ayaa natiijadoodu ay noqotay sidan;

marka hore waxaa kulmay kooxaha South C iyo Three 555 waxa ayna ciyaartu ku soo gabagaboowday 6 gool iyo 2 gool oo ay ku badisay kooxda Sout c.
Waxaa iyaguna foodda is daray kooxaha Maracana iyo Ganacsato Banaadir waxaa ayna ciyaartu ku dhamaatay 3gool iyo 0 oo ay ku badisay kooxda Maracana .
3 da gool waxaa u dhaliyay kooxda Maracana Ciyaaryahannadii kala ahaa: Xamsa oo laba gool u dhaliyay iyo Bile oo hal gool dhaliyay
Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee ( Final ) waxaa isku soo baxay kooxaha Maracana iyo South C, waxaana labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu sarreysay oo waqtigii loogu talogalay ay isla dhaafi waayeen 2 gool iyo 2 gool.
kooxda Maracana waxaa goolasha u dhaliyay ciyaaryahannadii kala ahaa: Xamza oo hal gool dhaliyay iyo Rasta oo isna hal gool dhaliyay . Dhanka South C waxaa iyaguna goolasha u kala ansaxiyay ciyaaryahannadii kala ahaa : Soola iyo Xaaji. Ugu dambaynii labada kooxood waxaa lagu kala saaray rigoorayaal oo ay guushii ku raacday kooxda Maracana 4 gool, halka kooxda South c ay ka keensadeen 3 gool. Dhanka gool dhalinta waxaa 3 gool ku qaaday ciyaaryahan xamsa oo u safnaa kooxda Maracana.
kooxda Maracana waxaa tababarayaal u ahaa C/qaadir C/raxmaan (Iligeey)
iyo Ahmed (Qaluu).

Kooxda kubbadda cagta ee Maracana

kooxda maracana oo iyadu koobka ku guulaysatay ciyaartooydii u safnayd waxay kala ahaayeen :

1- Mike
2-Hamsa
3-Mocoow
4-Cali Yare
5-Xerow
6-Aargoos
7-C/rashiid
8-Iligeey Coach player
9-Xabeeb
10- Maxamed anfild
11-Dan
12 -bile
13 -C/qaadir rasta
14 -Sadiiq yoodka
15 -iyo Ahmed qaluu

Gudoomiyaha kooxda waa Ahmed Salaad



Back to Category