Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Juun 2002

Published on: 2002-06-01 00:43:35


Horudhac

Qaybihii hore waxaan soo bandhignay danbiyada waaweyn: Shirkiga, in uu qofku qof dilo, sixirka iyo salaadda oo laga tago.

Danbiga 5aad: Zakada oo aan la bixin.

Sidaan la socono Zakadu waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka. Haddii qof Muslim ahi uu rumeeyo in aan Zakadu waajib ahayn waa gaaloobayaa qofkaasi, waayo wuxuu beeniyay arrin uu Ilaahay dadka ku waajibayay. Haddiise qofku Zakada u bixin waayo bakhiilnimo iyo wax la mid ah, qof kaasi waa qof Ilaahay ku caasiyay.
Ilaahay wuxuu yiri Halaag wuxuu u sugnaaday gaalada. Kuwa aan Zakada bixinayn aakhirana beeniyay suuradda: Sajdah, aayaddaha: 6 iyo 7 
Nabigeena caleehu salaatu wasalaam waxaa laga wariyay in uu yiri qofkii Zakada diida naarta ayuu galayaa maalinta qiyaamaha waxaa wariyay Dabarani.

Danbiga 6aad: In uu qofku afuro maalin Ramadaan ah sabab laaan

In qofka Muslimka ah oo qaangaarka ahi soomo bisha Ramadaan waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka. Qofku haddii uu jirran yahay ama safar yahay waa afuri karaa, laakiin waa in uu soomaa marka uu caafimaado ama safarku u dhammaado. Ilaahay waxa uu yiri Kuwa Ilaahay rumeeyayow waxaa la idinku waajibiyay soon, sida loogu waajibiyay ummadihii idinka horreeyay oo kale, waxaad mudan tihiin inaad Ilaahay ka baqdaan. Suuradda: Al-ancaam, aayadda: 104.

Danbiga 7aad : In uusan qofku xajiyin isaga oo awooda
Xajku waa tiirka shanaad ee diinta Islaamka, qofkasta oo Muslim ah awoodana waa ku waajib. Ilaahay wuxuu yiri Ilaahay xajka ayuu ku waajibiyay qofkii awooda suuradda: Aal Cimraan, aayadda: 97

Back to Category