Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Juun 2002

Published on: 2002-06-01 00:28:35


Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa guud ahaanba dhaqaalaha Maraykanku sii xumaanayay. Markii dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco waxaa yaraada shaqooyinka waxaana sare u kaca qiimaha badeecadda. Markii shaqooyinku yaraadaanna dadka dhibaatadu isla markiiba saamayso waa Qaxootiga iyo dadka kale oo aan xirfado heer sare ah lahayn ama aan lahayn waxbarasho heer jaamicadeed ah. Soomaalidii Maraykanka intoodii shaqaynaysay ayaa isla markiiba laga cayriyey ama ay ka dhammaadeen shaqooyinkoodii. Intii shaqo raadinta ku jirtayna waxaa baabaay rajadoodii shaqo helidda. Dhallinyarada Soomaalida intooda badan hadda waxay ku nool yihiin dhaqaale ka soo gala dowladda oo la yiraahdo unemployment benefit. Unemployment Benefit waxaa la yiraahdo barnaamij lagu caawiyo qofka markii shaqadiisu ka dhammaato ilaa muddo lix bilood ah inta uu qofku shaqo kale ka helayo. 

Dhibaato kale oo aad u wayn waxaa soo food saartay qoysaska Soomaaliyeed oo Maraykanka ku nool. Sannadkii 1993-dii ayaa madaxwayne Clinton soo bandhigay qorshe uu leeyahay waxaa wax lagaga beddalayaa barnaamijka Welfare Cayrta. Wuxuu madaxwaynuhu soo bandhigay fikrad ah in laga caawiyo dadka cayrta qaata sidii ay shaqo u heli lahaayeen oo ay cayrta uga maarmi lahaayeen. Haddaba qorshihii Madaxwayne Clinton waxaa la dhaqan galiyey sannadkii 1997-dii oo la soo rogay sharci dhigaya in qoysaska qaxootiga ku ah Maraykanka ay xaq u leeyihiin cayrta muddo shan sano ah oo kaliya, ka dibna laga rabo in qofka masuulka ka ah qoyska uu shaqo bilaabo oo reerkiisa masruufto. 

Qoysas badan oo Soomaali ah oo ka kooban hooyo iyo dhowr carruur ah ayaa arrintaani ku noqotay dhib soo korodhay. Sida uu sharcigan welfare reform dhigayo, waa in hooyo kasta oo Soomaali ah oo dadeedu ka yar tahay 60 jir ay shaqo raadsataa. Dowladda Maraykanku waxay lacag badan ku bixisay in la sameeyo hayado caawiya dadka noocaan ah sidii ay shaqo u heli lahaayeen. Marka hore qofka waxaa laga caawinayaa sidii uu luuqadda u baran lahaa iyo xirafado yar-yar oo u sahlaya sidii uu shaqo u heli lahaa. Qofkii diida inuu shaqo raadsado ama qaato tababarka noocaan ah muddada shanta sano ah oo cayrtu u socoto waa la ganaaxayaa. Ganaaxu inta badan waa in laga jaro qayb ka mid ah ama kulligeedba xoogaagii lacagta ahaa oo uu qoysku qaadan jiray. Si ay taas uga badbaadaan hooyooyin badan oo Soomaali ah oo aabbihii carruurtooda uga soo qaxay xeryo qaxooti ama ay ku kala tageen dalka Maraykanka oo furriinku aad u badan yahay ayaa waxaa dantu ku kalliftaa in ay waagu markuu baryo carruurta inta iskuulka aadda mooyee inta kale u kexeeyaan xannaanada carruurta childcare, oo ay markaas ama aadaan iskool ay ingiriiska ka bartaan ama ay shaqo raadin bilaabaan. Waqtiga hadda lagu jiro in ay hooyo Soomaali ah oo konton jir ah shaqo hesho waa wax aad u adag. Xitaa dhallinyaradii Soomaaliya jaamacadaha uga soo baxay ama kuwa hadda ka qalin jabiyey jaamacadaha Maraykanka ayaa dhibaato ka haysataa inay shaqo helaan. 

Dhaqaalaha ay dowladdu siiso qoysaska cayrta ku nool aad buu u yar yahay. Malaayiin qoys oo Maraykan ah oo inta badan ka kooban hooyo iyo dhowr carruur ah ayaa bishii waxaa soo gala lacag aan ka badnayn $600.00. kirada labada qol, meeshay doonaan ha ku yaallaan waa ka badan yihiin lacagta soo gasha qoysaskaan. Waana sababta ay qoysaska carruurta leh oo Maraykanku ay ugu badan yihiin kuwo aan hoy lahayn homeless. Waxaa jira guryo ay dowladdu leedahay ama ay dhaqaale ku bixiso in dadka danyarta ah ay kiro riqiis ah ku dagaan affordable housing. Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa deggan guryaha noocaan ah. Dhibaatada lagu qabo guryahaan waa iyagoo ku yaal meelo aad u nabad galyo xun ayna ku badan yihiin daroogada, fusuqa, iyo dilku, sidoo kale waxaa xaafadahaan aad uga fog shaqooyinka iyo iskoollada wanaagsan. Qoysas badan oo Soomaali ah oo deggan xaafadaha noocaan ah ayaa carruurtoodu halis ku sugan yihiin xagga akhlaaqda, caafimaadka iyo waxbarashadaba.

Bisha hadda lagu jiro ee June 2002, ayaa waxaa bilaabanaya qoysaskii ugu horreeyey oo dhammaystay shantii sano ee ay xaqa u lahaayeen lacagta cayrta ee dowladdu bixiso. Waxaa wax laga naxo ah in qoysaskaani ayan wali wax shaqo ah helin lagana goosan doono xoogaagii dhaqaalaha ahaa ee ka soo gali jiray dowladda. Gobollada Minnesota Ohio iyo California oo ay deggan yihiin qoysaska ugu badan ee Soomaalida ayaa ka walwalsan sida laga yeelayo qoysaskaan oo haddii laga goosto lacagta cayrta laga baqayo in laga saaro guryaha oo markaas ay Homeless noqdaan. Gobolka Minnesota ayaa waxaa maamulka u socda dood ah sidii loogu sii wadi lahaa extention qoysaskaan caawimaadda ay dowladda ka helaan. Maamulku wuxuu ka fiirsanayaa qoysaska ay tahay in loo kordhiyo muddada iyo kuwa laga goynayo gabi ahaanba caawimaadda.

Waxaa jira dhowr arrimood oo ka hortaagan in hooyada 50 jirka ah ee Soomaalida ah ay shaqo ka hesho dalka Maraykanka. Waxaa ugu horreeya luuqadda, shaqooyinka uu heli karo qofka aan luuqadda aqoon waa kuwo aad u liita una lacag yar. sidoo kale shaqooyinka oo aad u fog una baahan in qofku baabuur leeyahay. Dumarka Soomaaliyeed oo inta badan haysta carruur badan ayaa waxaa dhib ku noqda inay helaan cid ay carruurta uga tagtaan inta ay shaqo raadiska ku jiraan. Xannaanooyinka carruurta ee Maraykanka Soomaalidu kuma kalsoona oo dhaqanka ayaa kala duwan, dadkana intooda badani ma wada heli karaan ehel iyo qaraabo carruurta ay uga tagtaan. Goobaha shaqada inta badan waxaa dadka lagu amraa inay u soo labbistaan qaab aan Islaami ahayn taasna dumarka Soomaalidu ma oggola inay dhaqankooda iyo diintooda dhaafsadaan shilimaad yar.

Iyadoo uu dhaqaalaha Soomaalida Maraykanka aad u yar yahay, haddana dad badan oo Soomaali ah oo dalkii ku nool iyo kuwo kale oo xeryo qaxooti oo adduunka ah ku xeraysanba waxay ku tiirsan yihiin caawimaadda dadkooda Maraykanka jooga oo xil wayn iska saara sidii ay masruuf ugu heli lahaayeen dadkaas dhibaataysan. Lacagta ugu badan oo loo xawilo Soomaaliya waxaa dira Soomaalida Maraykanka.

Back to Category