Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Juun 2002

Published on: 2002-06-01 01:23:02


Saacad kasta, maalin walba waxaa la is waydiiyaa dhibaatada waddankeenii ku habsatay Waxa sababay, cidda masuulka ka ah in ay dhibaatadii wali iska socoto oo la soo afjari waayo. Jawaabo kala duwan ayaa mar kasta looga jawaabaa arrintaa, marar badan waxaa carrabka lagu dhuftaa in dagaal oogayaashu sabab u yihiin dhibaatada maanta ina ku habsatay. Haddaba dadku yay dagaal ooge u yaqaanaan? Waxay dagaal ooge u yaqaanaan niman yar oo loo yaqaan (qab-qable) kuwaas oo hor kaca qabiilada Soomaaliyed isla markaasna qabiilkiisa ka dhaadhiciyay in laaantii la baabiin lahaa isla markaasna uu isagu difaaco sharafta iyo karaamada qoyska, mararka qaarna uu ku hanjabo waan idinka tagayaa haddaan waxaan rabo la yeelin waadna arki doontaan waxaa idinku dhaca oo ay reer hebal ay sameyn doonaan! Markaad eegtid waxaa meeshaa ku idil shiikhyadii, cuqaaashii iyo aqoonyahanadii uu qoysakaasi lahaa qof dhihi kara war cirku ha soo dumee iska tag majiro. waxaad arkaysaa in waxa uu sheegto la siinayo meeshuu yiraahda halugu duulona hadal lagama soo celinayo taas waxaa dheer in haddii aad soo hadal qaado lagu oranayo annagaad noo jeeddaa. marka waxaa ila haboonaatay in aan is waydiino horta yaa dagaal ooge ah? 

Intii aan isku dayayey inaan jawaab u helo suaashaan, waxaa ii soo baxay dhawrarrimood:

  1. Dagaal ooguhu in uu yahay qof qabiilka uu ka dhashay ay u haystaan ama u haysan jireen in uu yahay halyay. Halyaynimada waxa uu ku mutaystay in uu dagaaladii sokeeye ka qayb qaatay, dagaaladaas oo qabiil walba aaminsanaa in uu xaq u dirir yahay. qofkii ku dhintaa inuu yahay qof jihaad ku dhintay qofkii diidana uu yahay qof aan damiir lahayn.
  2. Soomaalidu sida ay u badan tahay in ay dagaal Ooge tahay waxaa kuu caddeeynaya, dagaalada qabiilka looma kala harin. Qof waddanka ka soo maqnaa oo lacag qaaraan ah inta baxshay lacagtii hub lagu gaday kaddibna lagu dagaal galay soo dagaal ooge lama oran karo. Wadaadka qabiilkiisa dhiiro galiyay ama ka aamusay iyaga oo wax kharabiya soo dagaal ooge lama oran karo.abwaanka ama heesaaga reerkiisa dhiirigaliyay soo dagaal ooge lama oran karo, qofka qoraalada beenta ah iyo isku dirka soo qora soo dagaal ooge lama oran karo? Dagaal oogaha muuqda waa kan wali xabadda ridaya ilaa uu hubsado in uu isagu madax noqdo ama saas ay waligeed ahaato.dagaal oogaha aan muuqana waa dadka dibadda lagacta ka dira ama dalka gudihiisa ka bixiya ama raalli uga ah waxay sameeynayaan meelkastana la taagan soomaalinimo halaga shaqeeyo xal fiicana kuu sheegaya isaguna aan ku dhaqmeeyn. Si xal loogu helo waxaa quman in lagu fakaro sidii Soomalinimo loo raadin lahaa, waayo haddii dawlad la helo dhibaatadaan dabada dheeraatay mar uun ayay dhammaan lahayd. Haddii dawladnino la waayo ama inta la sugayo waxaa aniga ila haboon in olole weyn la qaado oo lagula dagaalamayo dagaal oogayaasha. Dagaalkaas lagu qaadayo marka koowaad waa mid aan la kala reebayn dhammaan dadka dadka laayay oo dhiigga daadshay gaar ahaan inta la hayo wax cad oo ku tusaya in ay ka qayb qaateen dhibaataynta dad Soomaaliyeed iyaga oo magac qabiil wax ku yeelaya . Waxaa lagu qaadayaa olole adduunka iyada oo la kaashanayo maxkamada adduunka, waxaana la gaarsiinayaa in heer ayan waa dambe hawaysan in ay dibadda waddanka uga soo baxaan, mana ahan arrin dhib badan, mana ahan arrintaani mid cusub ee waa arrrin horay la isugu dayay oo haddaba waxaa jira dad Soomali ah oo ku mashquulsan arrintaana horkacaya. 

Dagaal Oogayaasha qarsoon markii ay arkaan dadkii ay buun-buunin jireen oo dhuumanaya iyagaa wax ay oogaan waayi doona. Haddii aan Soomaalidu soo gaarin heer ay la xisaabtamaan qof kasta oo dhiigya cab ah waligeen waxaan ku jiraynaa walaahow.

Back to Category