Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Juun 2002

Published on: 2002-06-01 00:23:44


Qaybtii 5aad

WARAAQIHII DAHSOONAA


Dowladda Itoobiya waxaa ay la socotey diyaargarowga ciidameed iyo duullaanka ay soomaalidu damacsan yihiin. Meelo badan ayey wararka ka heli jireen, Waxaana ka mid ahaa shabakadaha jawaasiista ah oo soomaaliya gudaheeda uga shaqeynayey. Waxaa kale oo ka mid ahaa diblomaasiyiin reer galbeed ah oo Soomaaliya fadhiyey ayaa wararka u gudbin jirey. Danjire Cabdiraxmaan Axmad Cali (Tuur), wuxuu sheegey in marka ay xafladaha isugu yimaadaa saraakiisha dowladda Itoobiya ay u sheegi jireen dagaalka ay dowladda soomaaliyeed damacsan tahay in ay ku soo qaaddo dalkooda, waxa keliya oo eeyan ogeyna uu yahay xilliga ay Soomaalidu dagaalkaas bilaabayaan.

Waxaa kale oo dhici jirtay in Itoobiyaanku ay akhbaar ka helaan dhanka Mareykanka, waxaana ay u qaadan jireen marin habaabin iyo shirqool uu Mareykanku la doonayo maamulkooda. Mararka qaar waxaa dhici jirtay in xafiisyada dowladda Itoobiya qaar ka mid ah ay ku soo dhacaan waraaqo ay ku magacaabeen warqadihii dahsoonaa (Mysterious letters), kuwaas oo ka imanayey meelo Afrika ka mid ah oo aanan laogeyn qof soo diray iyo wax ka dambeeya toonna. Waraaqahaasi waxaa ay ka warramayeen dagaalka ay soomaalidu damacsan tahay in ay Itoobiya ku sooqaaddo.

Xafiisyada ay waraaqahaas ku soo dhici jireen waxaa ka mid ahaa xafiiska arrimaha dibadda, xafiiska xogheynta madaxweynaha iyo xafiiska madaxweyne Mingistu qudhiisa. Waraaqahaasi, waxaa loo geyn jirey safiirka Ruushka ee xilligaas Addis-ababa fadhiyey Anatoli Ratanov. Dabadeedna waxaa ka doodi jiray safaaradaha dowladaha Hantiwadaagga ah, kuwaas oo run ahaantii ku wareeray, Waayo Ruushku wuxuu fadhiyey Soomaaliya oo xog-ogaal ayuu u ahaa xaaladda ay ku sugan yihiin ciidammada soomaaliyeed iyo halka ay ku wajahan tahay siyaasaddoodu. Xaqiiqaduse waxaa ay aheyd in xaaladda Soomaaliya looga xog-ogaal sanaa. Waraaq ka mid ahaa kuwii ugu horeeyey waraaqahaas oo ku soo dhacday xafiiska arrimaha dibadda waxaa ku qorraa sidatan :

Illaa iyo 25-4-1977-kii waxaa socdey diyaargarow lagu abuurayo ciidammo maleeshiya ah, si loogu duulo dalka Itoobiya laguna rido xasillooni darri. Annagaoo tix-raaceyna warar ina soo gaarey, diyaargarow idilkiis oo uu ka mid yahay taakuleyn qalab lagu dagaallamo iyo tababarradiiba waxaa la soo af jarayaa 16-kii bisha sebtember 1977-ka. Waxaana lagu wadaa in howlgalku uu bilaaban doono 1-da bisha oktoober 1977-ka. Magaca sirta ah oo uu howlgalkan leeyahay waa TORCH. Arrinta guud oo looga dan leeyahayna waa in la rido dowladda
Itoobiya, dalkana lagu rido xaalad argagixiso ah. Arrintaasina waxaa ay dhaceysaa markii ciidan col u ah Itoobiya ay duulaan kaga qaadaan gobollada ku yaal koonfur galbeed iyo bariga dalka.

Markii Mingistu loo geeyey waraaqdii wuxuu u fasirtay in ay
tahay mid la xiriirta xiritaankii saldhiggii wararka oo ay heyadda Mareykanka ah ee la yiraahdo (United States Information Service) ay ku lahaayeen magaalada Asmara.


MOWQIFKII DOWLADAHA WAAWEYNAA INTUUSAN DAGAALKU BILAABAN

Dowladaha waaweyn ee Ruushka iyo Mareykanka, labaduba si ayey u daneynayeen dagaalka ay dowladda Soomaaliyeed qorsheysatey. Dowladda Mareykanka waxaa ay dooneysey in ay Ruushka ka saarto geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, iyaga oo filaya in haddii ay Soomaaliya dagaal gasho uu Ruushku ka safanayo lana colloobayo. Waxaa kale oo ay dooneysey in Itoobiya la cadaadiyo maadaama ay ku caasiyeen. Sidoo kale ayaa Mareykanka iyo dowlado la xulufo ah ee carbeed ay u xiiseynayeen in tabarta ciidameed ee Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalkuba ay is dhimaan kaddib markii ay Itoobiya la dagaalamaan. Dhanka Ruushka, bilowgii wuxuu daneynayey labo arrimood oo ay midi tahay in maamulka boqortooyada Itoobiya la burburiyo oo halkaas lagu beddelo maamul Hantiwadaag ah. Arrinta kale waxaa ay tahay iyada oo ay Ruushka ceebi ka soo gaartey dagaalkii ay Israaiil kaga guuleysatey dowladihii carabta sannadkii 1967-kii. Carabtu waxaa ay ku dagaalamayeen hub uu Ruush leeyahay,Israaiilna hub Mareykan. Halkaas waxaa muuqatey in hubkii Mareykanka uu ka waxtar weynaadey kii Ruushka. Sidaa darteed Ruushku wuxuu doonayey soomaalida oo la ogyahay in ay yihiin dad dagaallama, ayuu rabey in uu ku soo ceshado kalsoonidii ay hubkiisu ku lahaayeen suuqyada caalamiga ah. Hubkaasi oo xilligaas ay heysatey qiimo dhac weyn. Dhanka kalena, Ruushku wuxuu doonayey inuu cadaadiyo madaxweynaha Itoobiya Col. Mengistu oo markii hore ay aragtidiisu aheyd aragtidiisa Hantiwadaagga ah ee u janjeertay dhinaca Shiinaha iyo Kuuriyada waqooyi.
Waxaa dhacdey in aragtidii uu Ruushanku ka qabey in Itoobiya lagu duulo ay is beddeshey markii uu Col. Mengistu ku guuleystey in uu gacanta ku dhigo taladii dalka. Markii boqor Xeyle Selaese lagu kacay, Ruushku wuxuu u sheegay madaxweyne Siyaad in uu Mengistu imanayo talada dalka Itoobiya, iyo weliba inay rajo wanaagsan ka leeyihiin. Waxaa la yiraahdaa arrintaasi waxaa ay ka mid ahayd waxyaabaha Maxamad Siyaad cabsida geliyey, oo shaki ayuu qaadey in Ruushku uu ciidammada Soomaaliya ka diyaarsado ninkii talada kala wareegi lahaa. Taasaana loo cilladeeyaa in ay ka mid aheyd sababihii uu Maxamad Siyaad dalka u geliyay dagaal isaga oo aanan cidna kala tashan. Si kastaba sababtu ha ahaatee, madaxdii soomaaliyeed waxaa u muuqatey jawi caalami ah oo ku saacidaya dagaal ay la galaan Itoobiya, misana bilowgii siyaasad sax ah ayey qaateen oo waxaa ay ka fogaadeen tallaabo dagaal ah, iyaga oo halgankoodii ku wajahay Jabuuti in ay ku hor maraan.


La soco cadadyada dambe iyo xaaladdii Jabuuti

Back to Category