Juun 2002
Published on: 2002-06-01 00:46:42
Bishan June ee aynu ku jirno iyo tan xigto ee July waxaa ku jira labada maalmood oo taariikhda ummadda Soomaaliyeed baal dahab kaga jira laguna xusuuto jiritaanka iyo taariikhda xoriyadda Soomaaliyeed. 1-da July waxaa lagu xasuustaa maalinta xorriyadda Gobollada koonfureed ay ka qaateen gumaysigii Talyaaniga iyada oo sidaa si leeg 26-ka June lagu xassuuto xornimada gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaliya iyo midowgii laba gobol ee koonfur iyo waqooyi. Lana baxeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Laba iyo afartan sano ma yara marka lagugu dhereriyo taariikda aadanaha, sideedana taariikhda waxa loo qoro waa in lagu qaato waayo aragnimo laguna xisaabatamo wixii aynu qabsanay muddadaas? Wixii inaga dhiman ? iyo wixii inoo qabsoomi waayay sida ay wax u qaldameen ?.
Waxaan u malaynayaa in aan gar u yeeshay cinwaanka aan doortay inaan maqaalkan ugu magac daro oo ah Mataano la ilaaway ! Waxaan oran karaa 26 June iyo 1da luulyo waa mataano laga abaal dhacay oo wixii ay galeen in loo gudo ha joogtee iyagii dhibaato loo gaystay oo halgankoodii wax aan jirin laga soo qaaday. Waxaase taas ka horreysay oo iyadana horey looga abaal dhacay cidina aanay xusin maalintii loogu magac daray shan iyo tobankii dhalinyaro iyo xisbigii SYL ee aasaaska u ahaa in la gaaro xoriyadda loo dabaaldago 26 June iyo 1da luulyo .. waa 15 May oo lagu xasuusto halgankii dhalinyarada Soomaaliyeed.
Maalmahaas qiimaha leh ee innagu soo fool leh waxaa lagu xusuustaa halgankii loo soo maray gobannimada aynu maanta harsanayno iyo sidii ay ku timid iyada oo isku tirtirsiiyo in magaca iyo sharafta Soomaaliyeed kor loo dhigo halkaasna halganka la soo wado lagu xaqiijinayo midnimada, horumarinta iyo dhismaha magaca Soomaaliyeed.
Waxaa laga yaabaa in dad badani ku doodaan aynu is xasuusinee maxaynu ka faaiidnay xoriyaddi aynu qaadanay mar haddii afartan sano ka dib xoriyaddii aynu taaganahay halkii aan ka dhaqaaqnay ama laga yaabo inaanu afartan sano ka hor ka fiicnayn sida ay xaaladda Soomaalidu tahay maanta!
Waxaa habboon in aynu kala saarno xorriyadda iyo nidaamka dawliga ah. Xoriyaddii aynu qaaadanay wax wayn baynu ku gaarnay oo waxaan noqanay dawlad iyo dad jira oo caalamka oo dhan laga aqoonsan yahay waxa xumaadayse waa nidaamkii dawladnimada oo aynu kala saari waynay hab dhaqankeenii Soomaalinimo ee aynu ku barbaaarnay iyo nidaamka dawladnimada oo run ahaantii aan sinaba u wada socon karin.
Maalmahaas qiimaha badan waxaa mar kasta laguu xasuustaa halgankii taxanaha ahaa ee loo soo maray curinta gobannimada Soomaaliya. Marka laga soo bilaabo halgankii uu calanka u siday Axmed Ibraahim (Axmed Gurey) ka dibna uu kolba heer soo maray ilaa saddex iyo tobankii dhallinyaro ee Xisbigii SYL ay gaareen libintii xilliga dheer lagu haminayay ee ahayd in la helo dal iyo dawlad xor ah oo magac Soomaaliyeed ku abtirsada.
Halgamada taariikhda xustay ee gaarista guusha gobannimada loo soo maray waxaa ugu magac dheeraa uguna waqti dheer muddadii uu socday marka lala bardhigo halgannadii faraha badnaa ee xilliyada kala duwan lahaa waa kii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan oo lahaa laba tilmaamood oo uu kaga caan baxay halgamadii Afrika oo idil. Midda hore waxa ay Daraawiishtu ahaayeen gobanimadoonkii ugu horeeyay ee Diyaarado lagula dagaalamo Afrika oo idil. Midda xigtana waxa uu safka hore kaga jiraa halgamadii ugu cimriga dheeraa dagaaladii lala galay gumaystayaashii qaybsaday guud ahaan Afrika gaar ahaana Soomaaliya.
Marka laga hadlayo taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray gobanimada way adag tahay sida maqaal iyo labo loogu soo koobo, maqalkanina waxaa uu hordhac u yahay maqaalo iyo waraysiyo uu wargeysku ugu tala galay xusitaanka munaasabadahaas qiimaha leh iyada oo aanu soo dhawaynayno qoraalada iyo aragtiyada maalmahaas ku jeeda.
Back to Category