Waxaan kale oo kugu raacsanahay inaan Axdigii la qoray la raacin wixii ku qornaa. Ugu danbayntii waxaan kugu raacsanahay inaan dhibaato ka horrayn markii dawladdii ku meel gaarka ahayd ay waqtigii ku darsatay, inkasta oo la oran karo habkii looga diidayna wuxuu ahaa mid khilaafka siibadinaya.
Haddii aan u soo noqdo qaybta aanan kugu raacsnayn waxaa ugu horreeya in 75% dilka gardarada ah oo gobolka ka dhacay 3-dii sano oo la soo dhaafay ay dawladda ku meel gaarka ahi gaysatay, ma garanayo sida aad ku ogaatay tirada dilka iyo waliba inay dawladdu 75% kiiba iyadu gaysatay. Waxaa kale oo aanan kugu raacsanayn in xalka Puntland ku jiro Isimada, sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye, iyada oo Isimada shaqadoodu ku salaysan tahay dhaqanka meeshaas looga dhaqmo. Haddiise arrintu ay siyaasad dibad iyo mid gudo ay noqoto isimadu wax badan kama fahmi karaan, waxaa kale oo iyaduna xusid mudan isimada laftigooda waa saamaysay dhibaatada qabiilku, sida qofka siyaasiga ahi uu dan gaar ah u wato ayaa Isimkuna dan gaar ah u wadan karaa, waana sababta keentay inay Isimada Puntland hal meel ah isugu imaan waayeen oo hal goaan ah soo saari waayeen. Waxaa kale oo jirta in hadda qabiil kasta samaystay Isim, haddii qabiilkaasi 5 lafood u qaybsamana, laf walba waxay samaysatay Isim gaar u ah, waxaa intaas dheer inaan 5-ta Isim ee lafaha iyo Isimkii hore oo qabiilka masali jiray ay isku miisaan yihiin, waxaaba marmarka qaarkood dhacda in Isimka yar-ka raalli ahow wax kale oo aan ku magacaabo ayaan garan waayey- uu ka fir-fircoonaado kii hore waayo wuxuu rabaa inuu aqoonsi buuxahelo.
Puntland hadda waxay ku socotaa in gobol kastaa gooni u goo, waa haddii ay nasiib leeyihiin oo ayan dagaal isku qaadin, haddii ay dagaal isku qaadaan iyaga oo intii meelo badan oo Soomaliya ka mid ah uu dagaal ka socday ma noqonayso wax aad loola yaabo, waxaa lagu fasiri karaa inuu dagaalkii ka soo daahay oo ay ahayd inay mar hore is dagaalaan si hal mar ah Soomaalida oo dhammi udaalaan.
Dhibaatada Puntland ka jirta waa qayb yar oo ka mid ah dhibaatada Soomaliya, si xal Puntland loogu helo waa in Soomaaliya xal loo raadiyo, inta ka horraysa, qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ahi waxay ku jiraysaa wareerka ay hadda ku jirto iyo mid ka sii daran. Haddii ay reer Punland doonayaan inay ka badbaadaan qaar ka mid ah wareerka soomaalida haysta, waa in dhammaan bulshadu isla shaqayso, kan siyaasiga ah siyaasadda wax laga waydiiyo isaguna uu tix galiyo qofka askariga ah oo marxaladihii dagaalka ka soo qayb qaatay difaaca deegaanka, kan askariga ahna askarinimada wax laga waydiiyo, isugu uu ogaado in waqtigu is badalay oo aan la joogin waqti markii qofka la yiraahdo horay u jeenso uu horay u jeensan jiray isaga oo aan is waydiin sababta horay loogu jeensanayo, kan Isimka ahna isimnimadiisa lagu tixgaliyo waxna laga waydiiyo wixii isaga khuseeya. Waxay kale oo ay u baahan yihiin inay qofkii khaldan u sheegaan, laakiin haddii qofka khalad gacan lagu siiyo iyada oo la fiirinayo qabiilka uu ka dhashay ama loola dagaalamo iyada oo loo eegayo qabiilka uu ka dhashay, natiijadu waxay noqonaysaa waxa hadda ina hor yaal oo qof kasta oo wax garanayaa uu dareemi karo.