Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Meey 2002

Published on: 2002-05-01 10:41:12

Qaybtii 1aad

Iyada oo aynaan qoraalladeena ku soo koobi karin xiddigihii faraha badnaa ee u kacay qaranka Soomaaliyeed ayaanu misana isku dayi doonaa inaan marba soo qaadano ciyaaryahannada ay inoo suuro-gasho inaanu helno taariikhahoodii isboorti muddadii ay ku dhex jireen bulshada isboortiga. Xubinteena maanta waxaa aynu ku soo qaadan doonaa ciyaaryahankii Nuuraddiin Cali Saciid oo ahaa Xiddig ka mid ah xiddigihii qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga iyo naadiga Badda. Nuuraddiin waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 1959 kii , waxbarashadiisa dugsi quraanka waxaa uu ku qaatay isla magaalada xamar, aqoontiisa aasaasiga ah waxaa ay gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed isaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda loo yaqaanAligarh Muslim University oo ku taal dalka India, waxaana uu bartay cilmigadhaqaalaha.

Nuuradiin Ali Said 

Nuuraddiin waxaa uu ka ahaa xubin firfircoon xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga iyo Kooxdii uu u ciyaari jiray ee wiilasha kubbadda ee naadiga Badda. Kooxdiisa badda iyo qarankaba waxaa uu la qaybsaday guulo faro badan oo uu isagu hormuud ka ahaa . waxaa uu ahaa qaybiye kubbadeed Guard, mararka qaarkoodna waxaa uu kooxdiisa uga ciyaari jiray Baalka hore Forward. Dad badan oo aad u xiisayn jiray ciyaaraha kana mid ahaa daawadayaasha ciyaarta kubbadda koleyga iyo ciyaaryahannadaba ayaa qiray in ciyaaryahan Nuuraddiin uu ka mid ahaa ciyaarayahannadii faro ku tiriska ahaa ee soo maray dalkeena Soomaaliya sannadihii 1979 kii ilaa 1983 kii ee ugu wanaagsanaa dhanka qaybinta kubbadda, waxaana uu ahaa ciyaaryahannada sida aadka ah loogu xisaabtamo ee naadiga Badda. 1983 kii ayuu waxbarasho u aaday dalka India, isaga oo halkaasi ka sii waday ciyaaridda kubbadda koleyga. Marka laga soo tago ciyaaridda kubbadda koleyga Nuuraddiin waxaa uu u noqday tababare isla kooxdiisa Badda waxaana uu soo shaac bixiyay ciyaaryahanno faro badan oo waxtar u yeeshay naadiga Badda. Nuuraddiin haatan waa xaas waxaana uu ku nool yahay Magaalada Saint-paul ee gobolka Minnesota. Haddaba waxaa ii suuro-gashay inaan la kulmo ciyaaryahan Nuuraddiin kana waraysto taariikh nololeedkiisii Isboorti. Sidan ayuuna u dhacay:

Shiikha: Goorma ayaad bilowday ciyaaraha guud ahaanba ?
Nuuraddiin: Ma garan karo xaqiiqdii goorta aan bilaabay ciyaaraha, hase yeeshee waxaa iska ah arrin caadi ah qofka caruurnimadiisaba inuu iska ciyaaro nooc ciyaareed waxay ahaataba, markaa waxaan oran karaa yaraantaydii ayaan ciyaaraha bilaabay oo aan aad u jeclaa ciyaarta kubbadda cagta.

Shiikha: Ciyaarta kubbadda koleyga iyadu goormaad billowday?
Nuuraddiin: Waxaan bilaabay aniga oo aad u da\'yar , waxaana ka qayb galay tartamadii ciyaaraha degmooyinka loo qaban jiray caruurta da\'doodu u dhaxaysay 7 jir ilaa 12 jir oo loo yiqiin "Mini Basket".

Shiikha: Tartammadaasi loo yiqiin " Mini Basket" meeqa kulan ayaad safatay? Wax guul ahse ma gaartay kooxihii aad ka tirsanayd?

Nuuraddiin: Labo tartan ayaan saftay oo kala ahaa : Tartankii ciyaaraha ee dhallinta yaryar "Mini basket" oo aan u saftay degmada Shibis ,waxaana ku guulaysanay kaalinta 2 aad, Sidoo kale isla ciyaarahaasi waxaan u saftay degmada Boondheere oo aan ku guulaysanay kaalinta 1 aad.

Shiikha: Yaa kugu dhiirri-galiyay Ciyaarta Kubbadda Koleyga?
Nuuraddiin: waxaa igu dhiirri galiyay yaraantaydii oo aan jeclahay inaan halkan ka xuso ciyaaryahan Saciid Geeseey oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii heerka 1aad ee naadiga waxool, markii dambena noqday tababare kaasi oo aan isla dagganayn degmadaBoondheere.

Kuwa Taagan Bidix: Tababare Maaxi(Allaha u naxariisto), Shiikha , Xuseen ( Allaha u naxariisto), Warsame Dheere, Cabdullahi gaballe, Nuuraddiin, Idiris Iyo tababare C/raxmaan.
Kuwa Fadhiya Bidix: Wali Baaba, Otto dheere, Xamsa, Mahad (Allaha u naxariisto), Cirro, iyo Maxamuud Shimad.

Shiikha: Sidee bay suuro-gal kuugu noqotay inaad ku biirto ciyaaryahannada heerka 1aad kubbadda koleyga ee naadigaBadda?
Nuuraddiin: 1977 kii ayay ahayd markii ugu horraysay ee naadiga badda uu ku soo biiro ka qayb-galka tartammada ciyaareed ee heerka 1aad, aniguna waxaan fursad u helay 1978 kii inaan ku biiro ciyaaryahannadii naadigabadda, Waxaana la iga qaatay degmada Boondheere aniga oo tababar ku samaynaya.

Shiikha: Naadigaagii aad ku caan baxday ee Badda wax guulo ah ma gareen muddadii aad katirsanayd?
Nuuraddiin: Guulo faro badan ayaan gaarnay, iyada oo kooxda badda ay ka mid ahayd kooxaha ugu awoodda badan ee ka jiray dalkaSoomaaliya. Waxaana aynu ku guulaysanay Dhawr jeer koobka horyaalka ah iyo koobkii Jeneraal Daa\'uud iyo koobab munaasabado oo farobadnaa.

Shiikha: Guulahaasi wax ma ka xusi kartaa?
Nuuraddiin: Guulahaasi oo aad u fara badnaa ayaa kuwoodii ugu qiimaha badnaa waxaa ka mid ahaa:
1979 kii Kaalinta 1aad Koobkii Jeneraal daa\'uud.
1980 kii Kaalinta 1aad ee horyaalka dalka.
1982 kii Kaalinta 1aad ee Jeneraal Daa\'uud.
1982 kii Kaalinta 1aad ee horyaalka dalka.
Waxaa iyaduna xusid mudan in kooxdu ay mar kastaaba kaalimaha hore kaga jirtay tartammadii ciyaaraha ee dhex mari jiray kooxaha heerka 1aad ee kubbadda koleyga.

Back to Category