Sida dad badani oo aad u xiiseeyaa ciyaaraha ay la socdaan,waxaa saddexdii sannadood aynu ka soo gudubnay lagu qabtay magaalada Minneapolis iyo nawaaxigeedaba tartammo ciyaareed oo aad u xiiso badnaa kuwaas oo lagu xusayay munaasabadahii xusuusta iyo qadarinta mudnaa ee qarannimada Soomaaliyeed 26 june iyo 1da july.
Saddexdaasi sannadoodba waxaa martigalinta ciyaarahaasi iska lahaa Jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota gaar ahaan Somali Community of Minnesota iyo guddiga Isboortiga ee gobolka Minnesota oo iyagu xil aad u ballaaran iska saaray isu keenidda ciyaaryahanno Soomaaliyeed oo aad u faro badnaa kuwaas oo ka kala imanayay dunida dacalladeeda Sida Afrika, Carabta, Europe, Australia iyo intooda badan gobollada Maraykanka iyo Canada.waxaana loo diyaarinayay cunto iyo hooy muddada ay socdaan tartamadaasi. Waxaana halkaasi ka muuqanaysa in qabashada tartammadaasi ay ku baxaan dhaqaale aad u faro badan.
Ciyaaryahannadaasi Soomaaliyeed waxaa ay ku tartamaan noocyada ciyaareed ee kubbadda Cagta, Kubbadda Koleyga, iyo Ciyaaraha fudud(Athletics)iyada oo ay ciyaaryahannadu ku soo bandhigaan ciyaaro aad loo jeclaysto oo xirfaddodu ay aad u heer sarreyso, sidoo kalena muddada ay ciyaarahaasi socdaan waxaa ay isku dhaafsan jireen aqoon isweydaarsiyo la xiriira horumarinta iyo wacyi-galinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Haddaba si aan wax uga ogaado u diyaargarowga jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota ay ugu jirto qabashada tartammada ciyaareed ee 2002 ayaan waraysi ugu tagay guddoomiyaha guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallim iyo Guddoomiyaha fulinta ee jaaliyadda Somali Community of Minnesota Maxamed Ciise dhiif. Waraysiyadaasi oo aad u dheeraa ayaan ku soo koobay sidan:
Shirar isdaba-joog ah oo ay sameeyeen guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota waxaa la isku tusaaleeyay baahida loo qabo in la ballaariyo ciyaaraha noocan oo kale ah lana gaarsiiyo meel kasta oo Soomaalidu ku badan tahay sida : Canada iyo Europe oo ciyaaruhu sannad kastaa aysan ku koobnaan gobolka Minnesota oo kaliya una muuqan wax ay cid gaar ah u leedahay "Manopoly".
![]() |
Guddoomiyaha Sportiga: Abdi Ali Moallim |
Maadaama aynu 3 sannadood oo hore soo qabanay tartammadii ciyaareed ee lagu xusayay maalmihii qadarinta mudnaa ee qarannimada Soomaaliyeed haatan waxaan u bandhigaynaa horayna ugu bandhignay sannadkii hore cid kastaa oo diyaar u ah inay martigaliso ciyaarahaasi. Kooxaheenna kubbadda cagta iyo koleyga ee gobolka Minnesota waxaa ay isu diyaarinayaan inay ka qayb-galaan tartammadaasi ciyaareed meel kasta oo lagu qabanayo. Hadalladaasi waxaa ay ka soo yeereen guddoomiyaha guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin.
Sidoo kale waxaan isna la kulmay guddoomiyaha jaaliyadda Somali Community of Minnesota Maxamed Ciise Dhiif waxaana uu yiri: Innaga oo ka shidaal qaadanayna talo soo jeedintii guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota ayaannu tix-galinay codsigooda ah in sannadkan ciyaaraha lagu qabto meel ka baxsan gobolka Minnesota lana baahiyo ciyaaraha maadaama dadka Soomaaliyeed ay haatan noqdeen dad u bisil ciyaaraha aadna u danaynaya inay markooda marti-galiyaan ciyaaraha sannad kasta lagu xuso maalmahaasi qiimaha wayn ku leh qarannimada Soomaaliyeed ee 26 ka june iyo 1 da July.
Aad baan u soo dhaweynaynaa cid kastaa oo qabanaysa ciyaaraha, waxaana ballan qaadaynaa in kooxaheena Gobolka Minnesota ay ka qayb-galayaan ciyaarahaasi meel kasta oo ay ka dhacayaan haddii eebe idmo.
Todobaadka Soomaalida iyo Kooxda Tibmerwolves (MBA)
Diyaariye Shiikha
![]() |
![]() |
Qayb ka mid ah dadkii iyo cayaartooydii ka soo qayb gashay |
.
Qayb ka mid ah Cayaartooydii ka soo qayb gashay
Guud ahaanba dhallinyaradaasi waxaa ay halkaasi ku soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u heer sarreeyay aadna ay u jeclaysteen dadkii u soo daawashada tagay. Tartammadaasi ciyaareed waxaa barbar socday barnaamij kale oo ahaa aqoon kororsi "Clinic" ku saabsaanaa waxa aasaaska u ah kubbadda koleyga ee laga doonayo inuu ciyaartooygu barto . barnaamijkaasi isaga ah waxaa casharro ka bixiyay qaar ka tirsanaa ururka dhallinyarada ee Minnesota Timberwolves. Kevin Wilson oo isagu ka mid ahaa macallimiintii aqoon isweydaarsiga wax ka bixinayay ayaa si aad ah ugu fogaaday inuu sharaxaad badan ka bixiyo aasaaska kubbadda koleyga iyo waxa bud-dhigga u ah ciyaaryahanka doonaya inuu horumar wanaagsan ka sameeyo kubbadda koleyga ,isaga oo waliba aad ugala dardaarmay dhallinyaradaasi sida ay lagama maarmaanka u tahay ciyaaryahanku inuu yahay mid ka dhisan xagga aasaaska oo la\'aantiisa aysan ciyaartooygu suuro-gal u ahayn inuu ciyaaraha rasmiga ah ka qayb-galo,
![]() |
Saadiq & Saabir: Dhallintii dada yarayd oo ka soo qayb gashay |
waana arrin looga baahan yahay inuu ciyaaryahanku isaga laftigiisa iska dhiso. Sidoo kale wuxuu aad carabka ugu dhuftay ismaqalka iyo xiriirka ka dhaxeeya macallinka iyo ciyaartooygiisa oo wanaagsanaada inay keeni karto guulo badan oo ay kooxdu ku tallaabsato. Ugu dambayntiina wuxuu aad u ammaanay qaab ciyaareedka dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay leeyihiin yididiilo iyo mustaqbal wanaagsan.
KEVIN WILSON
1971 kii Kevin Wilson waxaa uu ahaa tababare xigeenka jaamacadda Minnesota " Assistant Coach Of University Of Minnesota" waxaana uu soo caan bixiyay ciyaaryahanno badan oo caan noqday sida Kevin Mchale oo u ciyaari jiray Celtics "Boston", Haatanna ka mid ah tababarayaasha kooxda Timberwolves. Kevin Wilson haatan waxaa uu xubin ka yahay ururka dhallinyarada kubbadda Koleyga ee Minnesota Timberwolves. Sidoo kale barnaamijkaasi waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Somali Community Of Minnesota, Guddiga Isboortiga ee gobolka Minnesota , tababarayaasha Soomaaliyeed ee gacanta ku haya dhallinyaradasi ciyaartooyda ah ee Soomaaliyeed iyo dadweyne Soomaaliyeed oo aad u farobadnaa.