Ninka inan maggayda ah
Gol-qaniin ku maalee
Gurrac kaga danaystoow
Gafka aad samayn iyo
Xumahaad galaysiyo
Waxaad geysaneysaa
Ruuxa ay ka go\'an tahay
Gabadhaada weeyaan
Waxaa kale oo jira xagal ka mid ah meelaha dhowrka ah oo sida xooggan u muujinaya dhaqanka quruxda badan oo ay lahaayeen Soomaalida reer guuraaga ah. Taasina waa dhaqanka golayaasha ay reer miyigu ku kala gar naqsadaan.
Waxaa ayaan darro ah siyaasaddan ay hoggaaminayaan dagaal curiyayaashu iyo gar-naqsigan loo sito qoryaha AK-ga ah in ay ku habsadeen dhaqan qiima weyn ugu fadhiyey dadka soomaaliyeed. Kaas oo aanan aheyn mid lagu nabdoonaa oo keliya, balse ahaa meel ay ka soo fusho quruxda wejiga bulshadeenu laheyd.
Nidaamka talo-wadaagga ah "democracy", wuxuu ahaa mid ku faafsan dadka reer guuraaga ah dhexdooda, mana uusan aheyn mid hadal iyo dood geli-karey. Xeerarkooda kuma xusneyn nidaam keligii-talis ah. Waxaa ay lahaayeen baarlamaan ay ku magacaabaan Gole, kaas oo fadhiyadiisa ay u furnaayeen dhammaan xubnaha beesha fadhiga leh. Waxaa ay halkaas kaga doodi jireen howlaha la xiriira noloshooda, haddey ahaan laheyd mid dhaqaale, mid siyaasad, mid bulshadeed, mid ciidameed i.w.m. Fadhiyada waxaa lagu qaban jirey geed weyn hoostiis. Halkaas oo ay xubnaha beeshu isugu iman jireen. Waxaa xusid mudan Soomaalida reer guuraaga ah, ma eeyan laheyn guri dhagax ah, umana eeyan baahan maadaama ay reer guuraa yihiin. Dhulka Soomaaliya wuxuu ahaa (welina waa yahay) dhul ay dhirtu ku badan tahay. Dhirtaas kuwooda waaweyn oo har wanaagsan leh ayaa la hoos fariisan jiray.
Waxaa jiray fadhiyo aanan aheyn fadhi-goleedka, kuwaas oo iyaga qudhoodu loo hoos fariisan jiray geedaha. Haddii aanu si guud u eegno fadhiyada geedaha oo ay reer miyigu lahaayeen waxaa loo qeybin karaa afar qeybood. Iyada oo laga eegayo ujeeddada fadhiga, geeduhu waxay ahaayeen sidatan :
- Geedka xeerka iyo xukunka : Waa geedka ay fariistaan duqeyda xeerbeegtida ah, kuwaas oo ka dhexdhexaad ah doodaha geedka la keeno. Geedkaas waa halka lagu guddoonsho talada guud oo ay beeshu leedahay, waana geedka lagu gar-naqsado. Geedkaasi wuxuu matalaa baarlamaan ay fariistaan duqeyda ay kagodo talada beesha.
- Geedka xuquuqda : Waa geedka ay fariistaan culimaau diinka. Waxaa halkaas fariista caruurta la barayo quraanka iyo hikaadda. Waxaa geedkaas la geeyaa dhammaan masaladaha diiniga ah oo reerka la soo gudboonaada sida dhaxalka, diyada, guurka, furriinka iyo waxayaabaha kale oo leysku qabto.
- Geedka hindisaha iyo haloonsiga : Waa geedka ay fariisan jireen dhallinyarada (wiilasha). Waxaa ay halkaas ku baran jireen taariikhda qabiilkoodu leeyahay, geesiyadii u kacay beesha iyo xeerarka ay beeshu la leedahay beelaha ay deriska yihiin. Waxaa kale oo dhallinyaradu ay geedkaas hoostiisa ku bartaan suugaanta uu af-soomaaligu leeyahay iyo abwaanadii caanka noqdey, waana ay ku kala war-qaataan. Waxaa dhici jirtay in wiilka dhallinyarada uu geedkaas hoostiisa ka helo khabarka ugu horreeya ee ku saabsan gabdhaha uu guursanayo.
- Geedka qaansada iyo quraarta : Waa geedka ay fariisan jireen farsamo-yaqaannada beesha (tumaallada). Waxaa halkaas lagu sameeyaa wax kasta oo sancad ah oo ay reer miyigu u baahan yihiin sida qalabka dagaalka (middiyaha, warmaha, gaashaanka iwm).
Kalfadhiyada golayaasha Soomaalida waxaa la yiraahdaa "SHIR". Reer miyigu waxa ay lahaayeen labo shir, mid rasmi ah iyo mid aan rasmi aheyn. Shirka rasmiga ah wuxuu ahaa mid ay sababto duruuf adag, waxaana jirtay waqti ay beeshu ama beeluhu ku heshiiyaan oo geedka hoostiisa leysugu yimaado. Shirkaasi wuxuu ahaa mid u furan xubnaha beesha ama beelaha fadhiya oo idil. Waxaa jirey saddex shardi oo laga rabo ka qeyb-galaha shirka, waxaana ay kala ahaayeen :
- In uu ku abtirsado beesha fadhiga leh.
- In uu yahay lab (Haween looma oggoleyn).
- In uu yahay qaangaar.
Fadhiga aanan rasmiga aheyn, isaga iyo kan rasmiga ah waa isku shuruud, farqiga u dhexeeya wuxuu yahay, shirka aanan rasmiga aheyn kama soo baxaan wax guddoon ah, sidaa darteed waxaa lagu magacaabaa "SHEEKO". Kalfadhiga shirarka aanan rasmiga aheyn, ma eeyan ahaan jirin kuwo lahaa xilliyo u gaar ah oo ay dhacaan, balse waxaa ay ahaayeen kuwo duruuftu khasabto. In ay xubnaha beesha dhammaantood ka soo qeyb galaan iyo in kale waxay ku xirneyd xiisaha shirku leeyahay iyo arrinta taagan ee laga wada-hadlayo.
Halka leysugu tagayo oo uu shirka ka dhacayo waa geed hoostiis (geed harkiis), waana meel furan. Wiilka reer miyiga ah, isaga oo dadiisu ay yar tahay ayuu wuxuu fursad u heli jiray in uu golayaasha fariisto oo uu dhegeysto sida loo kala gar-naqsanayo. Waxaa kale oo uu fursad u heystay in uu taladiisa dhiibto oo la dhegeysto, weliba haddii uu asiibo talada wanaagsan, tiisa ayaa la qaadan jiray (halka 50 jirka reer magaalka ah ee maanta jira weli dibadda laga fariisiyo talada beeshiisa). Waxaa ku xusan sheekooyinka soomaalida reer miyiga ah, iyada oo ay beelo reer miyi ahi u fadhiyaan talo ku adkaatay, ayaa odey goobta fadhiyey wuxuu yiri :
" War waayeel inoo sooca ".
Xirsi Faarax oo wiil yar ahaa, ayaa geed uu saarnaa dushiisa talo ka soo dhiibtay oo yiri :
" War waayeel ha soocanina ee wax-garad soocda ".
Halkii baa odeyaashii waxaa ay isku raaceen in Xirsi uu wax-garadka beesha ka mid yahay, odeyaashii la sooceyna lagudaray.