Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Meey 2002

Published on: 2002-05-01 08:53:33

"Waligeed aduunyada waqtigaa qof saacida qofna waayahaa xira, labadaan waxaan ahayn horaa looga waayoo waa nin iyo waagii.." . Eraydaan halaasiga ah waxay ka soo burqnanayeen Rikoor ag yiil Muna oo iyana heestaa qiimaha badan ee Amina Cabdullahi ku luqaynayso ay hadba beyd la meerinaysay. Aniga oo runtii ay heestu dareenkayga soo jiidatay ina galisay dareen ah inaan sii dhadhamiyo qoto dheerida erayada heesta ayaan kaftan ahaan Muna ku iri erayo dhiiga dhaqaajiya xaadana istaajiya ayaad dhagaysanaysaa, malaha waa lagugu dhan yahay, iyadoon ka tagin asluub dumar hoosna u muunsoonaysa ayay iigu jawaabtay qofka dhagaysta erayada noocan oo kale ama suugaantaba jecel ma girgire dab ah baa ku shidan, wallee cabdiyoow adaanba kaa shakiyay inaadan dareen jacayl ka fogayn oo sida aad u macaansanayso ama u dhuuxayso heesta baan arkaaye. 

Inkastoo erayada heesta iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin aad u balaaran tahay hadana marna isma aanan oran jiilka xilligan danbe kacay ayay sidan u cajabin doontaa oo inta ay soo jiidato dareenkooda xiise ku dhagaysan doona. Jiilka xilligan dambe kacay waxaan ula jeedaa barbaarta kacday ama la saanqaaday tareenka nolosha tan iyo bilowgii burburka dalkeenii hooyo labaatankii sano ee u danbeeyay. Xilligaas oo adeegsiga suugaanta ama heesaha soomaaliga uu yeeshay lana soo baxay dariiq ka duwan kii looga bartay ee lagu ixtiraami jiray.

Guud ahaan suugaanta afka soomaaliga waxaa loo kala saaraa tix iyo tiraab. Tiraabtu waa hadalka iyo wixii soo raaca, sida maahmaahda, sarbeebta, murtida iwm. Tixduna waa noocyada kala duwan ee suugaanta la tiriyo ama lagu luqeeyo ee luuqda wadata iyadoo laga yaabo in jaanta mar mar lagu daro. Tixda waxaa ka mid ah Gabayga, Jiiftada, Saarka, Guurowga, Buraanburka iwm. Tixda ay jaantu wehelisana waxaa lagu soo koobi karaa ciyaaro dhaqameedka dadka soomaaliyeed hidaha iyo asalka u leeyihiin sida dhaantada, sayliciga, bareeyda iyo kuwa la mid ahi ka mid yihiin. Ujeedada guud ee laga leeyahy waa farriin bulshadeed ee uu muallifku soo gudbinayo isaga oo ku beegaya xilliga iyo duruufta markaa la marayo sida Colaadda, Barwaaqada , Guurka iyo inta kale ee la halmaasha. 

Bulshada Soomaaliyeedna miyi iyo magaalaba dhaga nugayl ayay ku soo dhaweeyaan. Erayada abwaanka iyaga oo hadba suaalo ka keena ujeedada iyo hadafka ay suugaantu xambaarsan tahay.

Waxaa la yiri Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa ergo sideed nin ka kooban oo beelaha waqooyi galbeed soomaaliya ka socday u soo martiday. Ujeedada safarkooda siyaalo kala duwan ayaa loo sheegay, waxaase xusid mudan in ergadaas uu Sayidku ka shaki qabay inay Ingiriis u hoosaasinayaan oo ay Ingiriiska ergo ka yihiin ujeedadooduna tahay in darawiishtu ay dagaalka ay Ingiriis kula jiraan ay joojiyaan. Ergadii si hagaagsan baa loo sooryeeyay, sayidkuna waa la kulmay kana dhagaystay ujeedada socdaalkooda. Sayidku halkaas gabay todoba bayd ka kooban ayuu mariyay oo soo koobay aragtida Daraawiish iyo sida ay u aragto ergadaas, gabaygu waxa uu ina tusayaa qoto dheerida gabayga iyo sida loo soo koobi karo hadal badan oo saacado lagu oran lahaa ama u baahnaa in sharax badan laga bixiyo. Gabaygiina waa kan:

Sagaal nin oo walaalo ah sideenaas
Sideeduna isku bah tahay sidiinaas
Ninkuna bah gaar yahay sisaydaas
Sideeduna ninkii siri sidiinaas
Ninkuna sirtii garan sidaydaas
Hadaynu isa siri sideenaba
Mayska kala tagnaa sideedaba

Tixdaan gaaban ayay ujeedada ergadu u socotay iyo jawaabtii Sayidku ka bixiyayba ku idishahay. Isaga oo ku bilaabay in ay dhamaantood oday qura ku abtirsdaan -Soomaali- oo sagaalkoodu dhalasho wadaagaan, si asluubaysan ayuu u sheegay in ay mabda ku kala duwan yihiin isaga oo ku maldahaya in ay kala bah yihiin. Ujeedada ergada waxa uu ku so koobay Sayidku sir iyo khiyaamo kuna soo gunaanaday hadaanay daacadnimo jirin in shirkaba la gunaanado oo lagu kala tago.

Tiraabta oo inta badan loo tiiriyo hadalka, maahmaahda, oraahda iyo inta soo raacda iyana waa qayb kale oo lafdhabar u ah suugaanta Soomaaliyeed. Haddii aan qalin dareer iyo sheeko ama dhacdo si hagaagsan looga garan karo waxaa la yiri Xerow baa reerkiisii ka safray isaga oo cilmi doon ah una biyaystay ubada inuu aqoon diineed beelo ka fof-fof u raadsado . Isaga oo hawshaa ku dhex jira ayuu berigii danbe la kulmay safar u socda beeshii uu ka yimid iyo reerohoodii, si uu u sheego xaaladda nololeed ee uu ku sugan yahay ugana sarriigto inuu ku sheego erayo cad-cad oo la wada garan karo ayuu safrihii ku yiri aabahay waxaad ku tiraahdaan shanta salaadood weeso qura ayaan ku tukadaa. Safrihii sidii bay yeeleen, fariintiina gaarsiiye odaygii reerka, isna wuxuu ku jawaabay willkaygii gaajo ayuu sheegtay ee marka aad noqonaysaan isoo mara si aan idiinku sii dhiibo wixii tabar ah ee aan karo . Safrihii sidii bay yeeleen oo soo noqodkii ayay soo mareen wuxuuna u sii dhiibay Qumbe subag iyo hilib isugu jira kuna yiri wiilkaygii waxaad ku tiraahdaan Bishu waa soddon balliguna waa buuxaa.

Markii wiilku lahaa shanta salaadood weeso qura baan ku tukadaa wuxuu uga jeeday maalintii mar qura ayaan wax cunaa, odayga oo taa gartayna waxaa u sii dhiibay Qunbe subag ah oo soddon cad oo hilib ahi ku dhex jiraan. Waxaase ku fashilmay oo ceebi ka raacday safrihii oo hunguri ka galay amaanadii loo soo dhiibay isla markaasna hilibkii qaar ka cunay. Wiilka oo tirada la siiyay ee sodonka ah ka dibaaqaya ayaa markii uu arkay tirada oo kala dhiman dareemay in amaanadu sidii ay ahayd aan lagu soo gaarsiin. Iksu soo wada xeeriyo, sheekadu waxay ina tusaysaa sida afka Soomaaligu hodan uga yahay sarbeebta iyo hadalka maldahan oo lagu wada hadlo, farriimahana la isugu gudbiyo.

Inkasta oo ararta iyo faalo ka bixinta guud ee suugaanta aan ku fogaaday hadana maqaalkan wuxuu ku bilowday dareenkii iyo jawigii aan Muna kula kulmay iyo sida heesta ay dhagaysanaysay inoo wada taabatay oo dareenkayaga u wada gaartay. Maqaalka kan xiga ayaan si gaar ah uga hadlayaa jawigaas iyo guud ahaan mowduucyo kale oo la xiriira fanka iyofanaaniinta.

Back to Category