Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Meey 2002

Published on: 2002-05-01 08:48:46

Gabaygaan waxaa tiriyey Isxaaq Cali Diiriye 16 april 2002. Isagoo kaga hadlaya dhibta muslimiinta haysata meelkasta oo ay joogaan iyo inay iyagu sababeen markay Islaamka ku dhaqankiisii ka tageen, isaga oo Ilaahay kabaryaya inuu gaalada Muslinka isu bahaysatay rogo, islaamkana quweeyo. 

1.Amuurahakan dhacay iyo ragoow, waxa adduun jooga 
2.Ashqaraar u dhimay ruux hadduu, aad u fiirsado e 
3.Aakhirusamaan inay tahaan, muran ka oognayne 
4.Muslinkoo uluuf iyo uluuf, alif malaayiin ah 
5.Edeg bay ku kala xiran yihiin, oodo dhacameede 
6.Midkii arax ka jaba qaarka kale, waa ku oriyaane 
7.Kay indhuhu dhacaan oon arkayn, waxa ku soo aaddan 
8.Usha uma qabtee kooda kale, waa ag marayaaye 
9.Haddii uusan uub qodan ku ridin, waw asxaan falaye 
10.Midka loo itaalsheegto oo, cadaw abraaraayo 
11.Arligiisa kii laga qaxshoo, laga eryoonayo 
12.Inta ay awood biiriyaan, uma nusreeyaane 
13.Haddii ay islaam dhaba yihiin, laguma aadeene 
14.Falastiin aboodiga ku lalay, kuma abaadeene 
15.Israa\'iil ma boobeen dhulkii udugga weynaaye 
16.Aqsa(1) iyo ariixa(2) iyo janiin(3), aradka raamaalle(4) 
17.Yuhuud kuma askaaxeen dhashuu, dilay adoogoode 
18.Indhahooda oo shana harkii, eydu ma cunteene 
19.Dumar wada asay qaatayoo, odayadii waayey 
20.Oohintooda yuuskaa dhegaha, lagama awteene 
21.Ooslo iyo madriid lama janteen, lamana aadeene 
22.Afarta beynu jaho gaaladii, sooma ururteene 
23.Afgaan laguma duuleen habeen, uumiyuhu seexday 
24.Shabax(5) muu ataageen shabaab, Aake qura haysta 
25.Ashahaado kii qirahayoo, ehelu tawxiida 
26.Istiqaamo kii laga heloo, faralka oogaaya 
27.Irhaab laguma sheegeen midkaan, gaalka aayidine 
28.Amriikaanka uma caabudeen, sida ilaahoode 
29.Laguma andacoodeen hub iyo, aalad naga roone 
30.Ilaahii adduunyada dhisana, lama illaaweene 
31.Afartaa qalbiga oogsadiyo, oh iyo wayday dheh 
32.Eedaadka nabaraan qabiyo, alaladkaygii dheh 
33.Afar kalana waa duco alliyo, eebbe midaan tuugay 
34.Allahayoow iblays iyo kuraa, noo itaafaqaye 
35.Allahayoow axsaab buu mar kale, soo abaabulaye 
36.Allahayoow inaanaan abyoon, waad na aragtaaye 
37.Allahayoow waxay nagu galeen, waa islaanimo e 
38.Allahayoow addoon bay rabaan, inaan ahaanaaye 
39.Allahayoow nimaad uuntay iyo, aadmi leeyahaye 
40.Allahayoow adaa qaadiroon, lagu ijbaarayne 
41.Allahayoow adaan ka ashtakoon, eed nin kaagalaye 
42.Allahayoow awoodaada weyn, adigu noo muuji 
43.Allahayoow halkii caad mariyo, aala Luud raaci 
44.Allahayoow kuwii nuux inkiray, eede dabadeede 
45.Allahayoow sidoodii uqaraq, waa ilma adeere 
46.Allahayoow annana naga najee, waxaad ku aafayso 
47.Allahayoow islaamkana quwee, waa itaal gabaye 
48.Allahayoow ducada iga ajiib, kuu allawsadaye 

(1) Aqsa : Masjid al-aqsa oo ku yaal magaalada Qudus ee Falastiin.
(2)Ariixa, (3)Janiin, (4)Raamallah: Magaalooyin ka mida dhuka Falastiin .
(5)Shabax : Diyaaradaha dagaalka ee maraykanka tooda ugu casrisan.
Isxaaq Cali Diiriye E-mail: isxaaqd@hotmail.com


Back to Category