Waxaan dareensanahay in ay jirto baahi weyn oo dad badan oo Soomaaliyeed u qabaan sidii ay u heli lahaayeen jawaabta saxda ah ee suaalaha ay qabaan oo la xiriira diinta. Sababta ugu weyn in qofku waayo cid suaashiisa uga jawaabta waa iyada oo dadkii ku kala firiqsan yihiin meelo kala duwan oo ayan hal meel ah ku noolayn, taas waxaa dheer iyada oo dadka diinta aqoonta u leh ay yihiin fara ku tiris oo waliba badanaa laga helo masaajidada, waxaana dhici karta in qofka suaasha qaba uu ku nool yahay meel aan qof diinta aqoon u lihi ku noolayn amaba aan Masaajid ka dhawayn. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qofka suaasha qabaa uu ka xishoodo in uu si toos ah wadaadka u waydiiyo suaasha.
Somalinet magazine waxaa u suurto gashay in uu la xiriiro dad culumo - Soomaali iyo Ajnabi - ah oo adduunka dacaladiisa ku kala nool isla markaasna aqoon u leh diinta Islaamka, culumadaas waxa ay naga ballan qaadeen in ay suaalaha dadku qabaan ka soo jawaabaan.
Qofkii qaba suaal gaar ah si gaar ah ayaa jawaabta loogu dirayaa insha Allahu, haddiise ay suaashu tahay suaal guud oo dadka oo dhan ka faaiidaysan karaan halkaan ayaan ku soo bandhigaynaa haddii Eebe idmo (HEI).
Bil kasta waxaa la soo bandhigi doonaa HEI suaalhii bishaas iyo jawaabihii bishii hore. Haddii aad suaal qabtid u soo dir magazine@somalinet.com
Suaalo kale:
Sidaas oo kale waxaan la xiriirnay dad aqoon u leh waxyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin taariikhda iyo cilmiga bulshada. Haddii aad qabtid suaal ku saabsan taariikhda ama cilmiga bulshada u soo dir magazine@somalinet.com
Waad mahadsan tihiin
SomaliNet Magazine