Degaamada duddadu waa meesha laga fahmi karo nidaamkii dhaqanka qabiilka ahaa oo ay awoowayaal lahaayeen. Duddada, sida badan, waxaa isugu yimaada beelo abtirsi ku kala duwan. Colaadaha iyo nabadaynta beelaha duddadu waxaa weeye kuwo ku dhaca fadhiyo talo-wadaag ah iyo guddoon-beeleedyo laysla og yahay. Beelaha reer miyiga ah waxaa ka dhex dhaca heshiisyo u qaab eg kuwa dowliga ah ee dagaalka iyo nabadda lagu guddoonsado. Fadhiyadaasi waxaa lagu qabtaa meel duddada u dhexaysa. Qabashada fadhiyada noocaas ah waxaa lagu beegaa xilliyada barwaaqada ah oo dadka maan-dhaafku dhex-yiil ay is xaal marin karaan. Dhaqanka Soomaalida waxaa ku badan maahmaahyaha iyo oraahda tilmaamaya heshiisyada colaadda iyo nabadaynta beelaha. Waxaa ka mid ah:
Goortay ceelalyo heshiiso ayaa xoolo cabaan. Col iyo nabad mid baa caynka lagu giijaa.
Qabiilku ma ahayn muasasad loo adeegsado riwaayadaha kan aan dhamaadka lahayn ee halka nin buunka yeerinayo dabadeedna beelo idil ay ku adduun iyo aakhiro seegeen. Waxaa iyana dhaqanka qabiilka ugub ku ah oo ay reer magaalku ku soo saaidiyeen dagaaladan dhuumaalaysiga ah oo ay beeluhu isku soo boodayaan iyo xaaladdan aanan colaad iyo nabad midna lagu tilmaami karaynin oo ay dagaal-curiyayaashu badeen dadkayagii. Arrimahaasi meelna kagama xusna dhaqanka reer miyigeena. Talada beelaha reer miyiga ah, kuwooda uusan gaarin fasahaadka canaasirtii ka haray kacaanka, waa ay ka culus tahay wax uu nin kolay ku qaato. Haddii aanu milicsano dhaqanka qabiilka baadiyaha, waxaa inoo muuqanaya in qabiilku uusan ka baxsanayn arrimahan hoos ku xusan:
1. Xigto isu dhega nugul
2. Xidid la xushmeeyo (la xooleeya)
3. Xasaradda deriska (ood-wadaagta) oo layska ilaasho
Haddii aanu wax ka niraahno isu dhega-nuglaanta xigtada, waxaanu helaynaa in beelaha xigtada ahi, xataa haddii ay colaadi dhex-taal ay isu dhega-nuglaayeen. Dareenka noocaas ah waxaa inoo tilmaamaya colaad muddo socotay ee dhex martay beelo xigto ah ee dega gobolka Mudug. Beel ka mid ah beelihii colaaddu ka dhaxaysay ayaa degaankoodii waxaa ku habsaday abaar adag, beelihii kalena roob bay heleen. Oday ka mid ah maqaawiirta beeshii abaartu heshay oo la oran jiray Takar ayaa yiri anaa u tegaya reeraha nala dagaalamay oo xoolo inooga keenaya. Arrintaas waxaa ay ahayd mid caqliga ka wayn, waayo colaadda jirtay baa waxaa laga dhadhansanayay haddii nin maqaawiir ah uu qolada kale u gacan-galo sida ay natiijadu noqonayso. Takar wuxuu ahaa nin geesi ah xikmadna badan, wuxuuna ahaa caaqilkii beesha. Markii uu dhex-tagay beelihii ay colaaddu ka dhexaysay ayuu wuxuu abbaaray aqalkii odaygii beelaha ugu waynaa. Odaygaas oo la oran jiray Dhoore Xasan ayaa xilligaas aqalka ka maqnaa. Dhoore wuxuu waqtigaa ku sugnaa madal ay ku xaajoonayeen odeyadii beelaha. Takar wuxuu ahaa nin bar-yar oo gaaban, cagahiisuna aad bay u yaraayeen. Takar, xaaskii Dhoore Xasan ayuu wuxuu u soo dhiibay labadiisii kabood, isaga oo ka codsaday in ay kabahiisa dhinac dhigto kabaha Dhoore Xasan. Dhoore wuxuu ahaa nin aad u dheer oo xooggan oo caga waawayn. Xaaskii Dhoore inta soo kacday ayay kabahii Takar garab dhigtay kabihii ninkeeda. Dhoore markii uu arkay kabaha is garab yaal, wuxuu gartay in Takar uu aqalka u fadhiyo. Xaajadii geedka loo fadhiyay markii ay dhamaatay ayuu Dhoore, raggii madasha fadhiyay, wuxuu waydiiyay waxa ay sameyn lahaayeen haddii ay Takar arkaan. Nin waliba meel ayuu hadalkii la maray, iyaga oo tilmaamay colaadda dhexdooda tiil iyo sida ay u fog tahay. Dhoore ayaa markaas u jawaabay oo ku yiri : " Takar waa inala joogaa oo kabahiisii waa kuwan. Waxa keenayse wax yar ma ahan. Dad maata ah ayuu ka yimid oo hiil u baahan ee waa in aanu u hiilinaa ". Halkaas bay ku joogsatay colaaddii sanooyinka badan socotay.
Muuqaal ka mid ah abtirsigii awoowayaal:
1. Abiikarow 2. Cumar Fiqi 3. Maxamad 4. Ibraahim 5. Cumar 6. Cabdllaahi 7. Aadan 8. Cali 9. War-cadde 10.Limaan 11.Ceel-quwad 12.Jarmaxume 13.Xarafle 14.Warantooble 15.Subug 16.Duub 17.Dhiig 18.Cmar-Diin 19.Gelledi 20.Aleemow 21.Maad 22.Sifir 23.Kalamagood 24.Talomadar 25.Maad 26.Digil | 1. Cismaan 2. Yuusf 3. Cali 4. Yuusuf 5. Maxamad 6. Yuusuf 7. Cali 8. Maxamad 9. Maxamud 10.Yusf 11.Maxamed 12.Cali 13.Cumar 14.Maxamad 15.Yuusuf 16.Cismaan 17.Maxamuud 18.Saleebaan 19.Maxamad 20.Ibraahiim 21.Jibraahiil 22.Ummadnebi 23. Toljecle 24. Xasan 25. Talareer 26. Xinjiile 27. Walaal-yabare 28. Maxamad 29. Noolays 30. Cumar 31. Aawe 32. Majeerteen 33. Moorahante 34. Harti 35. Hantiile 36. Koombe 37. Kablalax 38. Daarood | 1. Daaud 2. Cali 3. Idiris 4. Abiibakar 5. Xasan 6. Macallin Siciid 7. Madaxwayne 8. Maxamad 9. Cosoble 10.Cali 11.Yuusuf 12. Galmaax 13. Yuunis 14. Daanwayne 15. Wacbuudhan 16.Abgaal 17.Cismaan 18.Darandoodle 19.Mudulood 20.Hiraab 21.Madable 22.Abgaal 23.Darable 24.Sac-maal 25.Sariir 26.Daame 27.Gorgaate 28.Hawiye |