Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Nofeember 2002

Published on: 2002-11-02 14:26:54

1) Suaal: walaal waan idin salaamay. waxaan rabaa in aan suaal idin waydiiyo ee jawaab fiicaan I siiya. waxaan somalinetka ka akhristay in ay qofka zinaysto dambi weyn tahay taasna waan ogahay laakiin ma laga towba keeni karaa? haddii dhowr mar la sameeyay oo mar walba lays yiri iska dhaaf haddana la sameeyay laakiin aan rabo hadda in laga towba keeno oo aan mar dambe lagu laaban oo illaahay la baryo in uu dambigii la galay kaa cafiyo, ILLAAHAY MA IGA AQBALAA TAAS.??

Jawaab: Assalaamu Caleykum: Toobaddu Mar waliba wey furan tahay Ilaa iyo inta Cadceedu Galbeed ka soo baxayso hase yeeshee waxa la doonayaa in ay run kaa tahay oo aad goosato in aadan u noqon doonin iyo in aad ka shaleydo iyo in aad faraha kala baxdo Falkan Xun marka horeba. Haddiise sheydaan ku duufsado mar labaad iyo mar saddexaadba dhaqso u soo laabo Toobadna la imow Si degdeg ah daacadna u ahow ALLAH keligiis.
Shiikh Nuux Ciise Iman

2) Suaal: walaal fowsiyo kheyr allaaha kaa siiyo sida aad noo waanisay waan u baahanahay waanada. waa walaashaa islaam oo ku leh jazaakumlaah qeyra wa axsanila jazaa walaal waxaan kaloo kaa codsan lahaa in aad ka hadshid xagga waxabarashada maadiga maxaa yeelay waxaan aniga oo gabara islaama ah oon xijaaban rabana in aan barto cilmi maadi ah maxaa yeelayaa waa tan uu xadiiska leeyahya ninkii u mara wado cilmi Alle wuxuu u fududeeyaa dariiqa jannada xadiiskana ma garanaayo in uu un ku qaasa yeelay un diinta islaamka. Hadda su\'aasheyda waa: maxay ka qabtaa diinta islaamka haddii ay gabadhu barato cilmi maadi ah ayada oo u baraneyso in ay dadka islaamka wax ku tarto uuna naqdo cilmigeed mid anfaca gurigeeda, iyo dadka Islaamka oo dhan??

Jawaab: Suaashaan waxaan u dirnay Shiikh Nuux iyo Fowzia Cubayd oo iyadu qortay maqaalka gabadhu suaasha naga soo waydiisay. Waakuwan jawaabahoodii:

A) Assalaamu Caleykum: Cilmiga Barashadiisa Lagu Baaqey in uu ku
Gaarsiinayo waddo Jannada ku geysa waa Cilmiga ku baraya Allah iyo Mideynta Ilaahnimadiisa,Rabinimadiisa,Asmaadiisa (magacyadiisa), Sifaadkiisa,Weynantiisa, Awoodiisa, Xaqiisa uu ku leeyahay Adoomankiisa,iyo guud ahaan waxa uu mudan yahay oo aqoonsi ah,gaar ahaan Barwaaqooyinka badan oo uu kuugu barwaaqeeyey adiga iyo uunka intiisa kaleba. Cilmigaasi waa Waajib Barashadiisu, Hase yeeshee Cilmiga maadiga ah kuma barayo Alle Kitaabkiisa, Nebigiisa,iyo Guud ahaan waajibaadka ku saaran ee diiniga ah oo aad uga badbaadi lahayd ciqaabta iyo carada Eebe,kuna Gaari lahayd Iimaan saxiix ah iyo Camal Suuban,oo ah waxa keliya oo lagu galo Jannada Eebe marka waxaad sii deysey wixii laguu direy, waxadna daba kacdey wax aan laguu dirin. Dembina waad ku gashey daba-joogiisii iyo barashadiisii oo waxaad intaas la fadhidey Rag Shisheeye ah. Xadiis Saxiix ah wuxuu leeyahay Nebigu: N.N. D. ha ahaatee: Ruuxu kama dhaqaaqo Allah hortiisa inta uu ka jawaabayo 4 shey: Cumrigiisii Halka uu mariyey, Cilmigiisii waxa uu ku faley, Jirkiisii Waxa uu ku Baabi\'iyey, Maalkiisa xaguu ka keeney muxuuse ku bixiyey. Hase yeeshee waxa banaan in la barto Cilmiga Maadiga ah, waase haddii aad heli karto Jaamacado u khaas ah Gabdhaha oo keli ah, waxaadna ogaaneysaa in aaney banaaneyn in aad la gasho guri ama aad la gaar noqoto dumarka Gaalada.
Shiikh Nuux Shiikh Ciise

B) Ugu horrayn A/S/C mahadsanid walaal marka hore, haddaan kaaga jawaabo suaashaadii waa sidan: Walaal waxbarashadu waa shay aad u muhiim ah qaasatan markaad cilmiga diiniga iyo kan maadiga isku barato waayo waxaad ka jaahil baxaysaa waxyaabo badan, waxaad noqonaysaa qof wax soo saar wanaagsan leh, gabadhu in ay tahay qof wax baratayna waa shay aad u muhiim ah waayo walaal hal gabar oo wax barato waxay la mid tahay ummadda dhan oo wax baratay!!! marka gacalo ku dadaal in aad hadafkaaga gaarto ilaahayna talo saaro anna waan kuu soo baryayaa in Ilaah kula garab galo inshaa Allaah, waxaa haddaba lagaa doonayaa walaal arrimahan in aad ka soo baxdo inshaa alaah:
1. In aad ahaato gabar xijaaban, dhowrsoon.
2. In aadan dhexgal la samaynin ragga.
3. In aadan dayicin gurigaaga iyo caruurtaada haddaad tahay hooyo.
4. In aad diinta islaamka baratid waayo waxaad ka helaysaa wax walboo adduun iyo aakhiro ku anfacaya.
Fowzia Cubayd

3) Suaal: Assalaamu calaykum walaalayaal,suaashaydu waa:Waxaa jirta in Xaaskaygu aysan tukan salaadaha,Aniguna markasta waxaan iraahdaa tuko waxayna iigu jawaabtaa waan tukan doonaa ama shaydaan ayaa I duufsaday,Markii aan ku celceliyana waxay leedahay ma adaa igu leh mise adiga ayaa laguu xisaabinayaa salaadayda iyo waxyaalo la mid ah. Hadda waan iska dhaafay waayo waxba waan ka keeni waayey. Su\'aashaydu waxa weeye maxaa dambi ah oo aniga iga soo gaaraya haddii ay diiday salaadii?maxaanse ka yeelayaa?

Jawaab: Assalaamu Caleykum : Ruux Odey Reereed ah ee Laga maqli waayey Amar uu u jeediyey xaaskiisa kuna Saabsan Cibaadada Eebe, Ma jiraan Wax u harey oo laga diidi lahaa!ogowna waa waajib ku saaran in aad xaaskaaga iyo Caruurtaada kula dagaasho Cibaadada Allah, oo inagu waajibka ah, ugu Samir haddii ay ku Tacadiyaan Xuquuqdaada, Laakiinse ha ka Qaadan in ay dayacaan xuquuqda Allah, maxaa yeelay waxay kuugu xalaalowdey Kalaamka Allah, haatanna waxa ay dafirtey waa amarkiisa. Haddiise ay iska soo taagto waajibaadka diiniga ah Sida salaadda oo Kale wey kaa furmaysaa, Balse ha ku fududaan ee ku adkee Faritaanka iyo waanada ku Saabsan arrinkaan una sheeg in aad kala guureysaan.
Haddii ay tukan weydo ka eego Suuradda Al-Mumtaxana Aayadda tobnaad waxayna leedahay Idiin Xalaal ma ahan iyagu, Adinna uma tihidiin Xalaal, Waxaana weeye Ruuxu hadduu ka tago Salaadda wuu ka baxayaa Islaamka sida ay muujinayaan aayado fara badan iyo Xadiisyo ee Sidaas ula Soco ku dhaqanka sharcigeena Islaamka ah, wassalaamu Calaykum.
Shiikh Nuux Ciise

 

Back to Category