Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Nofeember 2002

Published on: 2002-11-02 14:21:23

Danbiga 13aad: Xoolaha agoonta oo si xaqdarro ah loo cuno

Ilamaha yar markii waalidkood dhinto waxa ay u baahan yihiin qof daryeela. Ilaahay ayaa inoo ka digay in aan agoonta ku xadgudubno oo aan xoolahooda si xaqdarro ah u cunno. Ilaahay wuxuu inoo sheegay in ciddii si xaqdarro ah u cunta xoolaha agoonta ay naarta galayaan. Fiiri Aayadda 10aad ee Suuradda Al-nisaa iyo Aayadda 152aad ee suuradda Al-ancaam. Bukhaari iyo Muslim ayaa soo wariyay in Nabiga Caleehi Salaatu Wasalaam uu inoo sheegay in qofkii agoon kafaala qaada uu janada galayo.

Danbiga 14aad: In lagu been abuurto Ilaahay iyo Rasuulkiisa

In Ilaahay iyo rasuulkiisa lagu been abuurto waa danbi aad u wayn. Ilaahay ama Rasuulka oo lagu been abuurto waxaa noqon kara qofka oo wax aan Ilaahay ama Rasuulku oran yiraahda Ilaahay ayaa yiri ama Rasulka ayaa yir. Wax aan Ilaahay ama Rasuulku xaaraantinimayn ama Xalaalayn oo la yiraahdo Ilaahay ama Rasuulka ayaa xaaraantinimeeyay ama xalaaleeyay. Fiiri Aayadda 60aad ee Suuradda Al-Zumar.

Nabiga Caleehi Salaatu Wasalaam wuxuu inoo sheegay in qofkii si ula kac ah ugu been abuurta uu naarta gali doono. Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim.

Back to Category