Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la\'aaneede
Jahannama la geeyow haddaad aakhiruu jahato
Nimankii jannow kacay war bay
jirin inshaalleye
Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda
Daraawiish jigraar naga ma deyn taniyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jaciyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenna waa jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa nagu jugsiiyeen dheh
Anigana Jigray ila heleen shalay jahaadkii dheh
Jeeniga hortiisay rasaas igaga joojeen dheh
Jiraayaday ila dhaceen jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray jiirarka u muuji
Nafjeclaysigii baan ku iri jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha jeex ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh
Markaan juuq iraahdaba afkay iga jifeeyeen dheh
Dhaxaan jalaacaye dheg baan jalaq la ii siin dheh
Goortaan jarreerana gefoo nolol ka jaan qaaday
Sidii janannadii hore tashigu igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hor kacay jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshey
Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh
Markay rubaddu jaw tiri or bay iga ag jiibsheen dheh
Jirkaygii bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh
Jurmigiyo baruurtii dhurwaa
jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay igaga jaadeen dhen
Haddaan lays jigraarayn tokay laga jil roonaa dheh
Waligoodba waa lagu jaraa jilib dhig duullaan dheh
Daraawiishna waa jibindhow iyo jawga soo bixi dheh