Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Oktoober 2002

Published on: 2002-10-02 16:31:15

Qaybtii 1aad

Qaybtan iyada ah waxaa aynu ku soo qaadanaynaa sida uu cudurkani ugu sii faafayo waddanka Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah, halka aan qaybaha danbe ku soo qaadan doono siyaabaha la isaga qaado, wuxuu yahay iyo sida la isaga ilaalin karo. Warbixintii u danbeysey ee UN-tu ka diyaarisay Soomaaliya iyo cudurkan dilaaga ah ee Aidska ayaa sheegeysa in ilaa iyo 43,000 oo qof laga helay AIDS ama cudurka HIV oo isu badala AIDS.

Cudurkan oo ah dilaaga ugu xun oo aan lahayn daawo sax ah oo looga hortago ayaa Africa si aad u naxdin badan ugu faafaya. Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamo yar oo Africa ku yaal oo cudurku wali ku yar yahay. Laakiin marka aad fiiriso qoraalada hay\'adaha adduunku ka diyaariyeen waddanka Soomaaliya, waad naxaysaa sida uu marba marka ka danbeeya u sii fidayo cudurkani. Markaad fiiriso xaalka Soomaaliya waxaa is barbar ordaya laba arrin oo kala ah wanaag iyo xumaan. Halka wadamada Africa qaarkood ay afartii qofba mid ama ka badan ay qabaan cudurkan.

Soomaaliya waxaa cudurka yaraynaya waa diinta Islaamka oo aan oggoleyn in xaaraan la isugu tago iyo dhaqanka Soomaalida oo aan saamaxayn in si cad ay dumarka iyo raggu isu raadsadaan ayagoo aan is qabin. Arrimahan wanaagsan ayaa dhinac socda kuwa kale oo naxdin leh. Soomaaliya waxaa ku wareegsan waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo dhamaantoodba cudurku aad ugu badan yahay. Sidoo kale, waxaan jirin dowlad iska xilsaartay baraarujinta dadka ee ku wajahan cudurkan. Waxaa intaas kuu dheer dagaal aad u daba dheeraaday oo keenay barakac iyo in dad aad u badani ay waddamada deriska ama isla waddanka dhexdiisa ay qaxooti ku noqdaan.

Soomaaliya waa waddan aan lahayn shaqooyin dadkuna ay u badan yihiin dad aan dhaqaale haysan. Waxyaabahan marka la isku daro iyo ka hadalka cudurada laga qaado galmada oo aan Soomaalidu si cad uga wada hadlin, waxay keeneen in cudurku uu si qarsoodi ah waddanka ugu faafo. Dadka dhiiga deeqda bixiya ayaa dhiigooda laga baaraa inay cudurka qabaan iyo in kale. Haddaba dadka dhiigga bixiyey oo cudurka laga helay ayaa sidan ahaa. Sannadkii 2000: Gedo 4.4%, Sool iyo Shabelada Dhexe 2.9%, Banadir 2.2%, Sahel 1.5%, Hargeisa iyo nawaaxigeeda 1.2%.

Nambaradan kore oo aad u yar marka loo fiiriyo sida AIDS-ku uu u galay qaaradda Africa ayaa waxay tusaale u yihiin siday Soomaaliya ugu socoto dariiqii ay qaaradda inteeda badani martay oo ah in lagu cadaabay cudurkan halista ah. Inkastoo ay jiraan hay\'ado aad isugu taxalujiya ka hortagga iyo wax ka qabadka cudurkan ayaa waxaan jirin in farriintu aanay badanaa gaarin dadka lala tiigsanayo. Waxyaabaha keenay cudurkan oo siyaabo badan loo kala qaado ayaa waxaa ugu badan galmada. Xisaabaadka wadamada deriska ah iyo kuwa kore ee Soomaaliya ku saabsan waxaan ka soo qaadanay hay\'adda qaramada midoobay qaybteeda caafimaadka.

Xisaabuhu waxay ku saabsan yihiin dadka lagu sheegay AIDS ama HIV. Meeshaad ku aragtid AIDS waa AIDS ama HIV. Micnaha kalimadahan iyo waxay u taagan yihiin waxaan ku soo qaadan doonaa qaybaha danbe.

Ethiopia: Dadka qaba AIDS-ka: 2,100,000 Dad waaweyn iyo caruur 6.4 qaangaarka u dhexeeya 15 ilaa 49 waa 1,900,000 ama 6.4% Dumar: 1,100,000 Women (15-49) Caruur: 230,000 Children (0-15) Dadka u dhintay 2001: 160,000 Agoonta waaridkood AIDS-Ka u dhintay noolaana 2001: 990,000 1999/2000 dadka tegey meelaha la isaga baaro cudurka AIDS-ka ayaa waxaa cudurka laga helay qiyaas dhan 15% magaalada Addis Ababa. Dadka laga helay ayaa ugu badnaa magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada 20.8%, halka uu cudurku ugu yaraa magaalada Gambo ee gobolka Oromada, 0.7%.
Gabdhaha jirkooda ka ganacsada magaalada Addis Ababa ayaa in ka yar 1% waxay qabeen cudurka sannadkii 1985 halka ay gaareen 54% sannadkii 1990-ka. Askarta cusub ee la qoray sannadkii 1988 ayaa waxaa Aids qabay 0.1% halka ay gaareen 3% sanadkii 1992. Shirkadda Ethiopian Freight Transport Corporation ayaa darawaliinteeda waxaa AIDS qabay 17.3% sannadkii 1988 halka ay gaareen 33% sannadkii 1992. Farsamayaqaanada shirkaddan ayaa inta laga fiiriyey cudurka waxaa laga helay 4.1% sannadkii 1988 halka laga helay 78% sannadkii 1992.

Djibouti: Wadankan oo qiyaasta dadka qaba uu na soo gaarin ayaa waxaa cajiib ah in ilaa iyo 1992-dii dadka laga baaray cudurka laga helay in ka yar 1%. Laakiin laga bilaabo 1993 ilaa iyo 1995-kii ayaa waxaa aad u kordhay dadka laga helay cudurka oo u dhexeeyey 4% ilaa iyo 9% dadkii laga baaray. 1996-kii ayaa dadka cudurka laga baaray inta laga helay hoos u dhacday, gaartayna 3%. Dadka dhiigga ku deeqa (blood donors) ayaa laga soo bilaabo 1989 waxaa kor u kacayey inta qof oo dhiiggooda laga helay cudurka AIDS-ka. 1998 ayaa dadka dhiigga deeqda bixiyey 2.2% waxay qabeen cudurka. Gabdhaha jirkooda ka ganacsada ayaa waddankan cudurka laga baaraa sannad walba inkastoo 1995-kii la joojiyey baaritaanka gabdhaha baararka. 1990 - 1995 ayaa gabdhahaasi reer Jabuuti cudurku si fooqal caqli ah ugu jirey.
Gabdhaha cudurka qaba ayaa sanooyinkaas waxay gaareen 41% - 47%. Laakiin sannadihii danbe xoogaa ayuu hoos u dhacay ilaa iyo 20% - 32%. Maxaabiista ayaa cudurka laga baaray sannadihii u dhaxeeyey 1990 iyo 1993. Maxaabiista qabtay cudurka 1990 ayaa ahaa 4.0% halka uu kor u kacay gaarayna ilaa iyo 6.1% sannadkii 1993.

Kenya: Dadka qaba AIDS-ka: 2,300,000 Dad waaweyn iyo caruur 15.0 qaangaarka u dhexeeya 15 ilaa 49 waa 1,900,000 ama 6.4% Dumar: 1,400,000 Women (15-49) Caruur: 220,000 Children (0-15) Dadka u dhintay 2001: 190,000 Agoonta waaridkood Aidska u dhintay 890,000. Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa dadka isbaaray cudurka waxaa laga helay 2% sannadkii 1985-kii halka uu gaaray 19% sannadkii 1995. Gabdhaha jirkooda ka ganacsada Nairobi ee cudurka laga baaray ayaa sannadkii 1985-kii waxaa qabay 60.8% halka uu nambarkaasi gaaray 85.2% sannadkii 1990-kii. 1993-1995 gabdhaha jirkooda ka ganacsada ee magaalada Mombasa oo cudurka laga baaray ayaa waxaa qabay 55.2%.

La Soco cadadyada dambe

Back to Category