Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Oktoober 2002

Published on: 2002-10-02 04:35:44

Qeybtii 6aad

Saaxiibadey Muna fikradda aan u soo jeediyey habeenkaasi shaqsi ahaan iyada waa ku qanacsan tahay fikradaan ula imid ,niyadana awal waa ka rabtay in mar kale rajo ugu soo bidhaanto Feysal yare xaggiisa oo ku noqday nin aan dheg jalaq u siin waxa ay ula timid saaxiibadeey Muna. Waxaaba ay ka qoomameysay sheekada ay u soo bandhigtay iyo sida loogu gacan seyray. Muna iskuma hubto inuu yeelayo iyo in kale ninkii ay ku hungowday markale oo gacmaha u hoorsato, Ileyn war moog ayaan ahaaye kal hore ayey u dan sheegtay Feysal yare hase ahaatee,fara marnaana ayey kala soo laabatay. Waxaana ay ka xishootay iney ii sheegto arrinta dhacday,haddii ay ii sheegi laheydna waxaa ay ogeyd inaan dacaayadeynayo falka ay sameysay.Markaana ay murugo iyo ciil ay meel la jiifi laheyd

Saacadihii yaraa ee aan la joogay saaxiibtey waxaa laga dareemayey isbadal xoog ayaa ku dhacay iyo feker,waayo arrinta aan watay ayaa ula muuqatay midaan soconeyn xageeedii marka haddii ay tijaabadii ugu horreysay ay ku guuldareysatay,mar kalena ay ka xigto ay ku tahay dhib weyn. Muna waa saaxibadeyda qaaliga ah ee aan inta badan naloogu yeeri jiray mataanaha,waayo ma kala harno,waan is daba soconaa har iyo habeen,midkeen hadduu xanuunsado kan kalaa mooda inuu xanuunsan yahay,saas daraadeed wixii fikrado iyo talooyin ah waan isku sheegnaa,wixii macquulna waan ka qaadanaa. Wixii aan ula imaado xumaan iyo samaan midna madiido, mana tirhaado waxaasi hadaan sameeyno armey hadhowti saas noqdaan. Aniguna sidoo kale oo labadeena qofba qofka kale ayuu ka shidaal qaataa. Hase ahaatee suaashu waxa ay tahay sidee ayey ku suuragaleysaa in Muna sheeko wadaag la noqoto Feysalkii diiday. ee yiri Naa xishoo gabari waa tii xishoon jirtaye! Layaab malaha Muna in la diido ugumana horreyso ruux dumar ah oo inta u dan sheegata wiil gayaankeed ah la soo laabata faramarnaan, diidmadana waxaa keenay waa damac iyo hanqaltaag iyo meel aan la higsan karin oo la gaaro sida Feysal ee.Saaxiibtey waxaa ay ii sheegtay min bilow ilaa dhamaad wixii ay kala soo kulantay ina adeerkey iyo sida aysan hadda ugu dhiiranaan karin markale guul darro.

Habeenkii oo dhan aniga iyo saaxibadeey waxaan qaadaa dhigeynay sidii aan ka yeeli laheyn arimahii aan caawa fiidkii ka wada hadalnay. Habaneenimadiina guriga saaxiibadey oo markaan ku soo daaho iska seexdo ayaan seexday bacadamaa ay reerahayagu oggol yihiin.

Waxaan u sheegay Muna iney aniga iga warsugto oo rajadii ay ka laheyd Feysal ay niyadda ku heysato,tan iyo inta aan u keenayo war sugan..Sidii ayaan habeenkii ku kala seexanay. Waagu markii uu baryayey ayaan isku dayey inaan la xirriiro Feysal,nasiib xumo subaxaasna suuragal iima noqon inaan helo,waayo shaqo ayuu ku maqnaa. Qiyaastii muddo todobaad ah ayey igu qaadatay inaan mar kale kulano aniga iyo wiilka adeerkey dhalay ee Feysal, fariintii aan u reebay ayuu helay wuxuuna iigu yimid halkii aan kula balamay.

Ileyn wax kale uma imaanin meesha ee waxa uu is lahaa malaha wey garwosatay khaladkeeda,waxaana ay ku dhihi doontaa Raali Noqo << Wallee kumo dhaho dheh!>> aan niyada iska iri markuu hadalkaasi si kaftan leh ii yiri.

Salaan iyo is wareysi gaaban kadib aniga Feysal waxaa na dhexmaray dood aad u dheer oo qaadatay saacado badan. Ma jecleysan walaalkey fikradda aan ula imid,waxaa uu moodayey inaan arrimihiisa kala hadlayo,waxaana uu yiri maa iga deysid mowduucaas inaan ka hadlo diyaar uma ihiye,ee maad igala hadashid kaan aniga kaa doonayo ee ah inaan ku jecelahay!"

Waxaan u sheegay Feysal in uu damciisa dib u celiyo,walaaltinimadana uu dhowro hadal la isku soo cel- celiyo aanu laheyn daawo. Ruuxa hadduu qaato goaanka waxaa fiican baan ku iri in lagu ixitiraamo.

Walaaltinimdii iyo ceysh-kii aan meel ku wada cunay yeysan dhaafin waxa noo dhaxeeya. baan ugu soo koobay sheekadda haddii kale sheekada ayaa dheeraaneysa. Anna dantii aan ugu yeeray isaga weli kama gaarin,dana iiguma jirto in arimo kale laga hadlo. In door ah markii aan ka doodnay damaca waalida ah ee uu hadal hayey ayaan suaalay sida uu u arko isaga Muna oo iyaduba ah gabar guur doon ah isla markaasna madax banaan. Qadar ayuu hakaday isagoo la meel uu sheekada ka bilaabo ayaan haddana ku celiyey markale suaashi. Feysal ma jecleysan ku soo qaadista sheekada Muna ee uu iska xiray mar hore. Waxaa uu ku jawaabay in Muna tahay gabar wanaagsan,laakin aanu isaga dooqiisa siinin sidaa daraadeedna aanu u soo jeedin in uu iyada xirriir la yeesho..

La sco cadadka danbe Insha Allaah!

Back to Category