Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Oktoober 2002

Published on: 2002-10-02 04:12:40

Reer guuraagii Soomaaliyeed, qabiilku wuxuu u ahaa urur kulmiya xubnaha beelaha ee baadiyaha ku baahsan, isla markaasna waxay ka ogaan jireen waxa uu yahay qofka socotada ah oo la soo dersa. Maadaama dhulkeena uu ku yaal meel u furan adduunwaynaha oo xeeb dheer leeyahay, waxaa dhici jirtay in dadka badaha maraya ay ku soo leexan jireen. Qabiilku wuxuu ahaa nidaamka diiddanaa in leyna dhex-qaado oo leynagu milmo.

Magacyada guud oo uu qabiilku lahaa ka sokow waxaa jiray magacyo beel-hoosaad lineage segments ku jaan goan abtirsiga dhow ee qofku leeyahay. Arrintaasi waxay beelaha isugu xiraysay qaab ciidan oo kale (Gaas, Guuto, Urur, Horin, Koox iyo Unug). Qabiilkuna wuxuu lahaa Tol, Qabiil, Reer, Jilib, Jifi iyo Qoys. Taasi waxay dhalisay in xubnaha bulshadu ay si xoog leh isaga war-qabaan, iyaga oo ku dadaali jiray in si wadajir oo heer beeleed ah ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka nolosha. Suugaanta Soomaalida waxaa ku badan abwaano tilmaamaya arrintaas oo weliba muujinaya sida uu qofka Soomaaliga ahi ugu qanacsanaa abtirsiga uu leeyahay. Xaaji Cali Cabdiraxmaan ayaa dareenka noocaas ah tilmaamay mar uu abtirsigiisa ka warramayay isaga oo leh :
Baha baha hadday noqoto bahda Haajiraan ahay
Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay
Daarood bartiisiyo beerkiyo laftaan ahay
Dadku baari kala roone baafane Hartaan ahay
Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay
Cumarkaas burhaantiis bogga loo geshaan ahay
Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay.

Haddaanu sawir ka bixino silsiladda abtirsiinyo ee ay leeyihiin reerka Xaaji Cali Cabdiraxmaan, waxaanu helaynaa qaab laga fahmi karo hanaanka guud ee uu u dhisan yahay abtirsiga beelaha Soomaaliyeed. Qaabkaas oo eeyan maanta dunida jirin qowmiyad u abtirsata, waxaa taariikhda ku xusan laba ummadood oo sidaas u abtirsan jiray, kuwaas oo kala ah Carabtii hore iyo Yuhuuddii hore. Haddii abtirsiga xaajiga dusha laga bilaabo waxaanu helaynaa sidatan :

DAAROOD. wuxuu dhalay :
-Maxamed(Kablalax), Axmed(Sade), Xuseen(Tanade),Yuusuf(Awrtable), iyo Ciise (waa iskubah)
-Suhurre iyo Cibaadi(waa iskubah).
-Agarone, Hodme, Kooxdin, Haas, iyo Dhegadheere (waa iskubah).

KABLALAX. wuxuu dhalay :
-Koombe iyo Koomade (waa iskubah).

KOOMBE. wuxuu dhalay :
-Hantiile, Geri, Cabdi (waa iskubah).
-Xarte, Jiiraan, Saleebaan (waa iskubah).

HANTIILE. wuxuu dhalay :
-Harti iyo Yabarahe. (waa iskubah).
HARTI. wuxuu dhalay :
-Maxamed(Majeerteen), Maxamuud(Moorasaante), Axmed(Mooracase) (waa iskubah).
-Saciid(Dhulbahante), Geesaguule, Liibaangashe iyo kaskiqabe.(waa iskubah).

MAXAMED (Majeerteen). wuxuu dhalay :
-Aawe, Wabeeneeye. (waa iskubah).
-Tabale, Warwaaqsame. (waa iskubah).
AAWE. wuxuu dhalay :
- Cumar, (Sorore), Janbalaq, Xaashi iyo Ismaaciil (Cardadub) (waa iskubah)
- .
CUMAR (Sorore). wuxuu dhalay :
-Nooleys, Ammaanle, Nuux iyo Halmoog (waa iskubah).

NOOLEYS. wuxuu dhalay :
-Maxamed, Cabdikariim, Abokar iyo Muuse(Idigfacle) (waa iskubah).
-Rabin iyo Hantiile (waa iskubah).
-Ooga Cadde iyo Cabdalle(Daanweyne) (waa iskubah)

MAXAMED. wuxuu dhalay :
-Walaal Yabare.
WALAAL YABARE. wuxuu dhalay :
-Xajiijle.
XAJIIJLE. wuxuu dhalay :

-Talareer, Yuusuf, Haylaciyo Wacdanwaaq (waa iskubah).
-Gumasoor iyo Reer Waarag (waa iskubah).
-Fiilkucaag, Deylac iyo Duudmariye (waa iskubah).

TALAREER. wuxuu dhalay :
-Xasan(Himidoor), Huseen(Siwaaqroon) iyo Xamarwaaq (waa iskubah).
-Wadalmogge iyo Isaaq (waa iskubah).
-Yuusuf, Barkataale, Macalwaaq, Caqdaar iyo Saleebaan (waa iskubah).

XASAN (Himidoor). wuxuu dhalay :
-Toljecle, iyo Gudoonwaaq (waa iskubah).
TOLJECLE. wuxuu dhalay :

-Maxamed(Ummadnebi), Ibraahim, Cali, Cusmaan, Cumar iyo Axmed (waa iskubah).
MAXAMED(Ummadnebi). wuxuu dhalay :

-Jibraahiil, Cumar, Isxaaq, Xuseen iyo Nuux (waa iskubah).
-Qaasim, Saciid, Zakariye, iyo Cabdikarim (waa iskubah).
-Cali, Cabbaas, iyo Ciise (waa iskubah).
-Muuse iyo Makaahiil (waa iskubah).
-Subeyr iyo Abamakaa(Makanne) (waa iskubah).

Proff. Hirschi, oo ah aqoonyahan raad xoog badan ku leh aqoonta bulshada social science , ayaa sannadkii 1974-kii wuxuu soo bandhigay aragti uu ku magacaabay ilaalada xiriirka bulshada Control of Social Relation. Aragtidaas oo qiimayn ku yeelatay dadka ku howlan culuuntan, waxay tilmaameysaa in bulshada ishaysata oo is taqaan ay ku yar tahay dhaqanka aan wanaagsanayn iyo akhlaaqda xun. Sannadkii 1990-kii waxaa aragtidaas akiday aqoonyahan kale oo Mareykan ah oo la yiraahdo Proff. Gottfrydson. Beelaha reer miyiga Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin bulshooyinka dunida ku yar oo sida xooggan u xiriirsho nidaamka beelaha. Taasi waxay dhaxalsiisay in ay si guud iyo si gaar ahba ugu faanaan dhaqanka wanaagsan oo ay ka heleen xiriirka adag ee dhexdooda yiil.

Sheekooyinka xiisaha leh oo arrintaas inoo tilmaamaya waxaa ka mid ah mid dhexmartay Ugaas Maxamuud Dhoore oo u dhashay beesha Mareexaan iyo sarkaal Talyaani ah oo mas\'uul looga dhigay degaanka waqooyiga Jubba bilowgii sannadihii 1920-aadkii. Sarkaalku mar uu damcay in uu tiriyo geela beelaha Mareexaan ee ku dhaqan gobolka Gedo, ugaaska ayaa ka diiday oo ku yiri :" Geela Mareexaan oo aad tirokoobtaa waxaa kaa xiga xusulkaaga oo aad leeftaa ".

Sarkaalka oo aanan dareensanayn in xusulka aanan la leefi karin ayaa isku dayay in uu xusulkiisii leefo, markuu carrabka la gaari waayay ayuu ugaaskii la hadlay oo uu ku yiri :
" Haddii aan cududda jebiyo, markaas carrabka waan la gaarayaa xusulka ".
Ugaaskii : " Taas macnaheeda sow ma ahan in dhibaato faraha lala galo ".
Sarkaalkii : " Haa ".
Ugaaskii : " Dhibaatadaas ayaa kaa xigta geelayaga oo aad tirisaa ".
Beelihii Mareexaan waxay ku shireen meel la yiraahdo Yaaq, halkaas oo ay ku guddoonsadeen in ay muddo 24 saacadood ah ay geelooda ka tallaabiyaan xuduudda. Dhacdadaas waxaa loo yaqaan Seero Goys. Talyaanigii wuxuu la yaabay sida fudud oo ay isu ururiyeen iyo degdegta ay goaanka ku fuliyeen.

Back to Category