Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Oktoober 2002

Published on: 2002-10-02 04:37:55

Horudhac

Qaybihii hore waxaan soo bandhignay danbiyada waaweyn: Shirkiga, in uu qofku qof dilo, sixirka iyo salaadda oo laga tago, Zakada oo aan la bixin, Bisha ramadaan oo sabab laaan la afuro, qofka oo aan xajiyin isaga oo awooda, Waalidka oo lagu caasiyo iyo Qaraaba-goysnimada, Zinada iyo Khaniisnimada.

Danbiga 12aad: Ribada (Dulsaarka)

Marar badan ayaa Ilaahay inoo ka digay Ribada. Dadka Ribada cuna Ilaahay wuxuu ugu bishaareeyay in ay naarta gali doonaan. Fiiri Aayadaha: 278 & 279 ee suuradda:Al-baqarah iyo Aayadda 130 ee suuradda: Aala Cimraan.Xikmadda weyn ayaa ka danbaysa in la xaaraantinimeeyay Ribada. Ribadu waxa ay saamayn ku leedahay bulshada waayo markii qofkii lacagta daynsaday lacag kale la dul saaro waxaa ka abuurmaya in qofkii lacagta daynsaday oo ay u badan tahay in uu ahaa qof faqiir ah uu dulsaarku ku noqdo culays. Markii Ilaahay Ribada xaaraantinimeeyay waxa uu badalkeedii inoo fasaxay in aan ganacsano.

Nabiga CSW waa inoo ka digay ribada, waxaa ka mid ah Axaadiista Nabiga laga soo wariyay oo ribada ka hadlaysa: Xadiis macanihiisu yahay: Afar qof janada ma galaan:
1)Qofka khamrada caba.
2) Qofka Ribada Cuna.
3) Qofka xoolaha agoonta si xaq darro ah u cuna iyo
4) qofka waaridkiis ku caasiya.

Intaasiba jannada ma galaan ilaa ay la yimaadaan toobad-keen sax ah.

Back to Category