Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Oktoober 2002

Published on: 2002-10-02 04:25:32

Diinta: Su\'aalihii iyo Jawaabihii Bishaan Diyaariye: Anisa Ali 1) Su\'aal:
Waad mahadsan tihiin bahda barnaamijka: Suasheyduna waxay tahay imisa ayaad ka maqnaan kartaa xaaskaaga oo diintu kuu oggoshahay? waad mahadsan tihiin.

Jawaab
waxa keliya oo ay Shariicadu kuu oggoshahay in aad ka maqnaan karto xaaskaaga 3dex Bilood oo Qudh ah, waxaase jirta in aaney suurtagal Arrintaasi mar walba ahayn, marka waxa loo baahan yahay in aad la heshiiso Xaaskaaga Muddada intaas ka badan.Shiikh Nuux Ciise Iimaan

2) Su\'aal:
Asalaamu caleykum, waxaan rabaa inaan ogaado su\'aashan: haddii wiil iyo gabadh is qaba kala tagaan oo ay codsatey gabadhu furniinka, ma waajibaa inuu ninku bixiyo madaxfurka, mise wey ka cafin kartaa?

Jawaab:
Assalaamu Caleykum: Waxaan u fahmey su`aasha: Haddii gabadhu furriin codsato ma waajibaa in la bixiyo madax-furasho? Haddii ay tahay sidaas waa maya, waxa keliya oo madax-furasho weydiisan kara ninka wax furaya marka laga doonayo furriin aanu Rabin, Bal in ay kaga joogsato furniinka ama ka soo kabto khasaarihii ku soo gaarey Guurka Waa haddii aan la tixgelinin Islaamnimo Akhyaartinnimo, ixsaan walaalnimo waxay Gabadhu xaq u leedahay: Meherkeeda iyo Ambabixin( mutco).Shiikh Nuux Ciise Iimaan

3) Su\'aal:
Asalama calaykum, waxan ahay gabar Soomaliyeed waxaan rabaa in aan ogaado waxay diinta ka qabto arrintan: Wiil baan is jeclaanay reerkanagana wey yaqanaan wiilka iyo reerkooda ama qaraabadiisa iyo waxuu yahay. Markuu i soo doontay waxay dhaheen waad na sharaftay gabadhii waan ku siinay, ka dib markii uu diyar la soo noqday wax walba ayey dib iska badaleen oo ku dhaheen waan ka noqonay arrintii guurka ahayd. Anigana waxaan ku dhaartay in aan wiiilkaas guursanayo magac Ilaahay ayaan ku maray waana ka noqon waayey balantii aan qaaday ama dhaartii aan magaca Ilaahay ku dhaartay, waddankiina waan ka soo tagnay oo reerkeenii joogeen waddan kale ayaan imaanay waan is guursanay, aabahay baa waxuu dhahay gabadhaydii ma hayo.Marka haddii reerkana aysan guur ila rabin, aana guursaday, maxay diintu ka qabtaa? Midda kalena waxay ila rabeen nin kale oo aanan aqoonin oo aanan arkin, waxayna ii diiden kii ay yaqaaneen oo anigana aan jeclaa wax cilad ah aysan ku haynin ama xumaan ah ama cadayn waxii la igu diidan yahay. culumada waxay igu dhaheen waad guursan kartaa marka maxay diinta ka qabtaa Arrinkan??????

Jawaab
Assalaamu Caleykum: Aniga oo u soo jeedinaya Gabadha waano iyo wax ka dhihid arrimaha soo food saarey, waxa la yiri Haddii aad Amaan Rabto dhimo, Haddiise aad cay dooneysid Guurso! sidaas darteed adiga oo Guursadey Amaan ha filan, Sideedabana guurku waa Cibaado iyo Amar Eebe oo la fuliyo, Haddiise aad isku khilaaftaan adiga iyo waalidkaa Taasu ma Aha Arrin cusub, weyna tahay Gabadha in la siiyo Ninka ay rabto Haddii uusan ahayn Nin Sharcigu Diidey, oo diintiisa iyo dhalaankiisaba La Dhaliiley, Haddiise ay isa soo taagaan Go`aanka iyagaa leh, haloo Musaalaxeysto Sidii Looga heli karo oggolaansho, koley wax un bey Tabanayaane markii aad yareyd laysma Qaban jirin ee maxaa laysugu dhacay markii ay ku soo koriyeen? Arintaas waxbaa u dhiman ee haloo dhaba- Galo, oo yaan Waalidka laga Abaal-dhicin! sharciguna waa Sidaas. Waalidku wuu u diidi karaa Inantiisa Ciddii Aanu u Rabin, Guurka iyo Cidda La guursanayo Isagaa Gabadha uga Aqoon Badan! kana Aragti dheer. Gabadha wanaagsani waxaa ay ka warsugtaa ehelkeeda, waxaana Bixiya oo keliya ehelkeeda ee iyadu isma bixiso! Waana Sidaas Dhaqanka Islaamku. Qaybta Labaad Ee Su`aasha: Waxay kula Rabaan Nin kale oo aadan Aqoonin, Laguma Siin karo Nin aadan Aqbalin, waxayse ku jirtaa Maslaxaddu in aad oggolaato ninka ay ku siiyeen ehelkaagu, Eebana isaguu kaaga Raali Yahay ee Sidaas ogow! Arrinkuna ma aha sida aad u aragto oo keliya.

Sh. Nux Sh. Ciise Iman

Back to Category