Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Oktoober 2002

Published on: 2002-10-02 16:33:41

Gu\' sallaamay sagal jiidan iyo, samada oo nuurtay
Saxansaxada roobkiyo cirkoo, dirirku saameeyey
Sararta iyo dooxooyinkiyo, sabadka oo buuxa
Si loo dayaba waw siman yihiin, soofka xooluhuye
Subag iyo lulliin baa kurtood, laga sameeyaaye

Sabool iyo nin liitaa ma jiro, seben barwaaqeede
Jiilaal sulfaday siigadoo, saray u duulaysa
Sam hariira ha kugu soo gashiyo, saancaddiyo meerto
Haddii suxulla-dheer iyo abaar, lagugu sooyaansho
Simaartiyo caleentiyo dhulkoo, saacu ka dilaaday
Soddonguuro kugu soo gashiyo, saancaddiyo meerto
Saxalkiyo mariiqoo herdiyey, saalisada naaska
Haddii suxullo dheer iyo abaar, lagugu sooyaansho
Simaartiyo caleentiyo dhulkoo, saacu ka idlaaday
Sandheer lo\'aad iyo kolkii, arigu saanqaado
Kolkaasaa sidkaha geela iyo, sidig la maalaaye

Sinji adag haddii aanu lahayn, sool ma dhacarteene
Sariig buu ku tiiganahayaa, sulux ma dhiiqeene
Waxa suuradaha loogu daray, waa si gooniyahe
Sinjigiisa lama gaari karo, saatirkaa yiriye
Soomaalida habeeddiyo kolkay, suuddu ku ekaato
Sanqaraar udgoonow haddii, salowgu kuu yeero
Soddon mayl markuu kuu jiraad, saxansaxootaaye
Sabaad iyo wuxuu kuu noqdaa, cadarka Soodaane

Saqda dhexe allaylkii haddaad, sahal u yeedhyeedho
Sebigay lahayd iyo hadday, gabantu sooyaanto
Si yar oodda uga leexiyey, say u mudanayso
Iyadoo sakiiro leh hadday, socoto soo reento
Sarrax-taagga gaaddada kolkay, godolka soocayso
Sidii sheekh salaaddii tukaday oo, sunnaha raacshay
Sujuuddiyo qiblada kama tagtoo, waa ku sanantaaye
Sarejoogsigeediyo ilmada, socota daankeeda
Lugahay simaysiyo xubbiga, saaqay lala yaabye

Sacabbada nadiifka ah kolkii, lagu salaaxaayo
Samsam baa ka soo duula iyo, caano saa\'id ahe
Sucsuc iyo karuur iyo dhanaan, sabarka kuu buuxsha
Sulux dhay ah iyo xoor ku siman, Seenyoy adigaa leh

Sar iyo hilib sareediyo baruur, subag la xuukeeyo
So\' la kariyo saaf kuu dhigmiyo, solay middaad saarto
Sagandaaqa naaxiyo kolkaad, qalato siiggeeda
Sagal reer ku filan iyo martida, socotadeediiye

Saymaha colaadeed haddii, sumucu qiiqaayo
Safayn laysu qaatiyo dagaal, si xille loo dhaartay
Saylaanka dhiiggiyo birtoo, la isku saafaayo
Sulux iyo heshiis baa iyada, lagu sameeyaaye
Si kastoo laguu dilay hortii, waad ku samirtaaye

Subeeciga ilaashiyo nin lihi, seexan kari waaye
Subac iyo quraan lagu akhriyo, sabadka ay daaqdo
Sakadoo laga baxshiyo sadaqaday, Suub ku tarantaaye
Sulbi lacaga suuf iyo xariir, suuq la kala iibsho
Sarahaa ka door roon guryaha, saqafka dhaadheer
Sawaariiqda duushiyo sancada, socota mooyaane
Lama siisan karo xoolo kale, sidigta Dhaameele
Waxba yaan surweel midab leh iyo, saacad lay xirane
Sicirka dunida geeleenu waa, ugu sarreeyaaye
Soomaaligii diidayow, waad silloon tahaye!

Back to Category