Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Oktoober 2002

Published on: 2002-10-02 04:33:20

Ila tali: waxaan ahay wiil dhalin yaro ah waan iska fiicanahay sida kale laakin jiis ayaan yara ahay dhibka jiro waxaa weeye gabdhaha aan niyada ku hayo oo dhan oon rabo inaan lahadlo waan ka baqaa anigoo sabab uga dhigo inaysan iga heli doonin maadaamaa aan een leeyahay hadana runtii waxaan u baahanahay inaan qof helo ila soo tali

Talo: Dhibaatada ku haysa waa dareemi karnaa, waxa aad u baahan tahay waa laba arrimood: Midda koowaad hadday suurto gal kuu tahay inaad takhaatiir la tashatid adiga oo waydiinaya in wax laga qaban karo in kale.Arrinta labaad oo aad u baahan tahay waa inaad naftaada ku kalsoonaatid. Arrinta Jiisninimadu waa arrin adiga awoodaada ka baxsan. Haddii aad tahay qof shakhsiyad wanaagsan waxaad helaysaa gabar kugu qiimaysa shakhsiyadaada. Waxa aad ku dadaashaa in aad naftaada ku kalsoonaatid, haddii kalsoonidu kaa lunto waa adagtahay in aad heshid qof kugu kalsoonaada. Marar badan ayaad arkaysaa niman jiisas ah ama iin kale leh oo haddana guursada. Waxaan kale oo kugula talinaynaa in aadan quusan oo haddii hal gabar ah ku diiddo aadan is oran gabdhaha kalena waa ku diidayaan,waxaad kale oo u baahan tahay in aad ku dhiiratid gabdhaha waayo haddii aad ka cabsatid adiga is leh armay ku diidaa waxaa dhici karta in aad ka cabsatid mid ku yeeli lahayd. Waxaad kale oo u baahan tahay in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd gabdho aan shukaansi idin ka dhexayn waayo haddii aad gabar walba u baratid in wax idin dhex maraan waxaa meesha ka baxaya sidii aad u baran lahayd gabdhaha midda ku anfacaysa iyo tan kale. Waa inaad dadaashid adiga oo Ilaahay talo saaranaya niyaddana ku haya in wixii Ilaahay kuu qoray ayasan marna ku dhaafi karin.Qofkii talo ku biirinaya wuxuu ugu soo diri karaa magazine@somalinet.com

Ila tali: waxaan ahay gabadh da\'deedu tahay 22 waxaan ku noolahay wadanka dibadiisa waxan guursaday wiil dhalin yaro ah alxamdulilaah iska shqaysta aan ka helay nolol fiican oo aad u sarysa madama ay reerkenu ahayeen dadfoqoro ah si walba aan raali uga noqday ilahay wuxu markiiba igu arsaqay wiil hada jira labo sano ninkayga waxan hada aanan ninmo ka helin mudo dhan ilaa sagaal bilood ana aan aad ugu bahanahy aanan ka codsaday in aan u bahanahay si walba aan ugu ban dhigay xaaladayada waxbase ay iga caawi wayday ima necba aad buu ii jecel yahay cafimadkiisu waa okey lakiin waxa uu igu yiri u danbyntii waan ogahay wiilka aad dhashy rafaadka aad ka soo martay ha koro si aan dhaqale fiican ugu helo kuwa danbe arintas maxan ka yeelaa hadii an ka tago danbi ma iigu jiraa walal ii soo jawaaba marka aad heshiin qoralkaygan si dhaqso leh waayo dhibtayda ayaan ogahay.

Talo: Arrintaada waxaan u fahanay in ninkaagu uusan doonayn in aad isla seexataan, waxa uu arrintaas sabab uga dhigay in uu doonayo in wiilkiinu horta koro kadibna uu dhaqaale u helo kuwa danbe. Haddii arrintu tahay sidaas: waxaan la xiriirnay dad wadaado ah oo diinta aqoon u leh, waxa ay noo sheegeen in haddii ninku shaqadii sariirta ka soo bixi waayo ay gabadhu xaq u leedahay in ay iska furto. Haddii aan arrinta ka fiirino dhinac kale, haddii ninkaagu caafimaad qabo laakiin uusan doonayn carruur adiguna aadan dhib u arag ee ay tahay dhibaatadu shaqadii sariirta waxaad la tashan kartaan takhaatiirta si ay idiin ku sheegaan sida uga habboon. Waxaan kuugu soo jeedinaynaa in aad hubsatid in ninkaaga caafimaadkiisu Ok yahay iyo in kale, waayo waa adagatahay in caafimaad qaba xaaskiisa oo la joogta uusansagaal bilood la seexan, haddii uu caafimaad qabo runta u sheeg adiga oo xusuusinaya in haddii uu shaqadiisa ka soo bixi waayo uu gurigiinu bur-bur ku socdo.Qofkii talo ku biirinaya gabadhaan waxaan ka codsanaynaa in uu ugu soo diro magazine@somalinet.com

Ila tali:salaamu caleeykum walaalaheeyga soomaaliyeed meel kasta aad joogtaanba, walaalayaal dhibaato ayaa i heeysata waxaan ahay gabar jirta 22 waxaan xariir laheen wiil aan ilmo habreed aheen ilaa mudo sanad iyo bar ku dhawaad ah waxuu ku nool yahay usa anigana dalka uk waxuu xariirkeena socdaba waxaan go\'aan ku gaarnay in aan is guursano marka waxaan go\'aan saday in aan dhaho u tag aabaheeyga marka runtii cadadeenu sideey eheedba intuusan wiilka u tagin ayaan aabaheeyga arintii na dhexmartay ogeeysiiyey markaan u sheegay arintii ayuu aabaheeyga ii diiday wiilkii asagoo aabaheeyga yiri wiilkaasi kulama rabo sababtoo ah malahan Cilmi aduunyo iyo mid aaqiraba mana kula dooneeyno mana kuu sii naayi hadii uu nin ka soo haro ayuu yiri aabaheeyga wiilkana waan jeclahay ilaa in xad ah wuuna i jecel yahay asaga ilaa xad aabaheeugana marnaba iima ogala mana la maar mi karo wiilka sababtoo ah waan aminay nafsadeeyda oo dhan ayaan u dhiibtay mana akhaano waxaan sameeyo marka maxaad iigula talin laheedeen walaalayaal? WABILAAHI TOWFIIQ Goranyadeeydiiyeey.

Talo: Arrintaadu waa mid khusaysa Adiga, wiilka aad is doonaysaan iyo waalidkaa.Waalidku hal mar ah ayuu xaq u leeyahay in uu hor istaago guurka gabadhooda, waa marka ay gabadhu doonayso in ay guursato qof la dhaliilayo diintiisa, nabiga CSW ayaa ina amray in haddii ay ilmeheena soo doonaan qof aynu diintiisa iyo akhlaaqdiisa raalli ka nahay aynu u guurino. Jawaabta aabahaa ku siiyay oo ah in uusan aqoon adduunyo mid aakhiro lahayn ma ahan wax sabab looga dhigi karo in la hor istaago laba qof oo doonaya in ay is guursadaan.Adiga waxaa lagaa doonayaa inaad arrinta miisaan saartid adiga oo dhinacyo badan ka fiirinaya, tusaale ahaan, haddii aad waalidkaa hadalkiisa ku gacansayrtid oo aad wiilkaas guursatid, wiilku ma yahay mid ilaa xadkaas u qalma in lagu doorsado waalidkaa, waxaan sidaas u leenahay waa iyada oo ay marar badan dhacdo in inta gabadhu waalidkeed ku gacan sayrto kadibna ninkii ku xumaado markaas ay ku soo dhacdo waalidkeed oo u xanaaqsan iyo ninkii oo ku xumaaday (waalid la\'aan iyo nin la\'aan). Adiga ayaa saaxiibkaa naga badaiya. Haddii aad go\'aansatid inaad guursatid waxaad saaxiibkaa ka dhaadhicisaa in uu odoyaal u soo diro aabahaa, waxaa dhici karta in uu oggolaado markii dad odoyaal ah soo horfariistaan oo ay waydiistaan gabadhiisa.

Qofkii talo ku biirinaya wuxuu ugu soo diri karaa magazine@somalinet.com

Back to Category