![]() |
Mid kamida biibitooyinka Soomaalidu fariisato |
Qoraalkan, waxaan isku dayaynaa inaan ka jawaabno su\'aasha ah maxay Soomaalidu u dooratay State-kan oo kamida kuwa ugu qabow ayagoo heli kara inay ku noolaadaan meelo kulul oo u dhigma waddankoodii hooyo marka laga eego dhinaca cimilada.
Qaybta Koowaad: Soomaalida
State-ka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa Soomaalidu ku qulqulayeen tobankii sano ee lasoo dhaafay. State-kan oo soo jiitay Soomaalida ayaa sanadihii lasoo dhaafay noqday meel ay aad soomaalidu uga muuqato.
Inkastoo ay Soomalidu ku baahday cirifyada state-kan ayaa hadana waxaa si gooni ah Soomaalidu uga muuqataa labada magaalo ee Minneapolis iyo St. Paul ee dhinaca isku haya. Magaalooyinkan ayaa leh bacadlayaal Soomaalida u gooni ah.
![]() |
Mid kamida bacadlayaasha Soomaalida |
Sidoo kale, baayacmushtarada Soomaalida sida makhaayadaha, dukaamada iyo macmacaanyada, iwm. ayaa magaalada Minneapolis aad ugu badan. Waxaa kale oo jirta in marmar badan ay ku caawiyaan Soomaali ka shaqaysa xafiisyada dowladda iyo kuwa shirkadaha madaxa banaanba. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad hotel ama ama shirkadaha baabuurta kireeya aad wacdo qofka teleefonka kaa qabtana uu noqdo Soomaali. Sidoo kale meelo badan ayaa dad Soomaali ah madax ka yihiin. Waxay kaloo macalimiin iyo shaqaale ka yihiin jaamacadaha, kuleejooyinka iyo iskuulada.
Soomaalida markaa waydiiso sababta keentay State-kan, ayaa qof waliba wuxuu kuu sheegayaa sabab isaga u gooni ah sida dad ehel ah oo kasoo horeeyey, waa halka meel oo aan aad ugu badanahay si xoog lehna uga dhex muuqano umadaha kale. Haddaba su\'aasha cilmi baaristayadu ku dhisantahay ayaa ah mida kor ku xusan ee"Maxaan u dooranay State-kan? Dadka danbe waxaa soo jiitay Soomaalidii ka soo horeysey laakiin, dadkiibilaabay degitaanka State-kan maxay u doorteen?
![]() | Labadan magaalo ayaa Soomaalida degani waxay samaysteen bacadlayaal (shopping Malls) u gooni ah. |
![]() | Soomaalida magaaladan ayaa waxay dhex galeen kana muuqdaan goobaha shaqooyinka, baayacmushtarka, dowladda, iyo waxbarashada iyo isbitaalada. |
![]() | Waxaa ka dhisan ururo ururo aad u abdan oo u dooda danaha Soomaalida dadkana ka kaalmeeya dhinacyo badan sida luqada, isbitaalada, waxbarashada iwm. |
Qaybta Labaad: Minnesota state
![]() |
Downtown-ka Minneapolis oo laga sawiray banaanka |
Kadib markaan aad ubaarnay sababta State-kan Soomaalida isugu keentay ayaa waxaa noo cadaatay Soomaalidii u horeysey ee soo gashay ay la kulmeen soo dhoweyn ka fiican State-yada kale. State-kan ayaa ah mid aad u dhaqaale gadan horumarkiisuna ku socdo si xowli ah. Baayacmushtarka waaweyn iyo dowladaha stateka iyo magaalooyinka ayaa aad uga shaqeeyey sidii ay Minnesota uga dhigi lahaayeen meel dadka soo jiidatata, inta ku noolna ay haystaan nolol aad u wanaagsan. Formuladan oo ay ka shaqeeyeen dowladda iyo ururo kale oo ku takhasusay dhaqaalaha, saadaalka waxyaabaha la filayo inay dhacaan, taariikhda, arimaha bulshada ayaa noqotay mid shaqaynaysa soona jiidatay dad ka badan 500,000 tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Minnesota markii horana wuxuu kamid ahaa kuwa waqooyiga oo ka dhaqaale badnaa koofurta, kadibna wuxuu aad usoo jiitay shirkadaha waaweyn ee warshadaha leh. Shirkadaha waxaa loo balan qaaday waxyaabo aad u dadan sida in lagu kaalmeeyo siday u degi lahaayeen, dhulka, shuruudo ay kasoo bixi karaan, deyn iyo deeq lagu kabo baayacmushtarka. Dadka state-a ayaa iyagana waxaa aad loogu fududeeyey siday u noolaan lahaayeen. Waxaa aad loola dagaalay danbiyada. Waxaa cajiib ah habka state-kan uu ula dagaalo danbiyada oo ah in lala dagaalo waxyaabaha keeni kara danbiyada sida fiqiirnimada, iwm.
![]() |
Minneapolis Downtown |
Minnesota oo ahayd mid markeedii hore caan ku hayd dalxiiska: Waqtiga kuleylahana waxay leedahay biyo galeeno (lakes) iyo parks aad u qurux badan; Waqtiga qaboobahana waxaa ka dhaca baraf aad u badan oo waxaa loo soo aadaa dalxiis xaga ku cayaarida barafka, iwm. Kadib markay isu tageen hogaamiyayaasha baayacmushtarka iyo siyaasiyiinta ayaa Minnesota waxay isu badashay inay noqoto mid kamida state-yada ugu horeeya waddanka dhinaca wax soosaarka. Dalxiiska iyo waxsoosaarka marka la isu geeyey la helayna siyaasiyiin iyo baayacmushtar isla shaqaynaya ayaa waxay dhalisay in inuu state-ku noqdo mid aad u horumarsan.
Markay shaqaysay tijaabadii ahayd in state-ka laga dhigo mid ku horeeya wax soosaarka ayaa waxaa la bilaabay in dhaqaalaha lala qaybsado dadweynaha si loola dagaalo fakhriga iyo danbiyada waaweyn. Waxaa la higeliyey boqolaal projects lagu horumarinayo danyarta iyo xaafada liita. Horumarkan aadka looga shaqeeyey ayaa state-ka ka dhigay midkii #1 state-ka ugu horeeya xaga nolosha todobadii sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu kamid noqday kuwa ugu danbiga yar dadkiisuna ugu fiicanyihiin xaga dhaqaalaha iyo caafimaadka.
Minnesotta State:
![]() | State-kani wuxuu galay kan ugu fiican oo lagu noolaado dhamaan waddanka Maraykanka todobadii sano ee lasoo dhaafay. |
![]() | Minnesota waa state-ka ugu horeeya state-yada la isku yiraahdi Midwest xaga badashada dadka ku nool. |
![]() | Waxaa ugu dad badan labada magaalo ee dhinaca isku haya ee St. Paul/Minneapolis oo ay ku nool yihiin dad ku dhow 2.9 million. Labadan magaalo ayaa ka kooban 11 xaafadood (counties). |
![]() | 1990 - 2000 waxaa ku darsamay dadka ku nool 400,000 taasoo gaarsiisay dadka state-kan degan 4.7 million sanadkii 1999. |
![]() | Waa state-ka 21-aad marka laga fiiriyo xaga dadka ku nool. |
![]() | 1990 - 2000 Waxaa aad u kordhay dadka aan cadaanka ahayn oo ku nool. 1990 dadka aan cadaanka ahayn waxay ahaayeen 6.3% ama 274,000. 2000 ayaa dadka sheegtay inaanay cadaana ahyn waxay gaareen 11.85 ama 582,000 qof. |
![]() | Hennepin ayaa ah meesha (county) ugu dadka badan, waxaana ku nool 1.1 million qof. |
![]() | 1990 - 2000 Waxaa batay dhalashada caruurta gobolkan, taasoo ay keentay dad usoo guuray gobolkan oo dhaqan ahaan dhala caruur badan. |