Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Siteember 2002

Published on: 2002-09-02 23:15:03

Meelo faro badan oo dunida ka mid ah ayay dhallinyarada Soomaaliyeed ee isboortiga jecel waxaa ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo noocyada isboorti sida kubbadda Cagta iyo kolayga. Dalka Kenya oo ah meelaha ugu badan oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed Ku qaxeen wixii ka dambeeyay dagaaladii sokeeye oo ay joogaan dhallinyaro faro badan ayaa iyagu mar kasta abaabula tartammo ciyaareed oo ay la yeeshaan jaaliyadaha kale. Tartan Ciyaareed oo kubbadda cagta ah oo si aad ah loo soo agaasimay ,laguna xusayay munaasabaddii 26 June Iyo 1da july 2002 ayaa lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee loo yaqaan Juju Road kaasi oo ka soo horjeeda saldhigga boliiska ee Bangaani, Waxaana ku tartamayay Jaaliyadda Soomaalida iyo jaaliyadda Canada.Dadweyne aad u faro badnaa una badnaa Soomaali ayaa ka soo qayb-galay daawashada ciyaartaasi oo iyagu taageerayay labada kooxood , Waxaana labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jeclaystay , gaar ahaan kooxda Jaaliyadda Soomaalida oo iyagu aad uga gacan-sarreeyay kooxda Canada.

Labada kooxood ee jaaliyaddaha soomaalida ee Kenya iyo Canada
Ciyaartu Markay bilaabatay oo weerar iyo weerar-celis la isku qaaday ayaa daqiiqaddii 5aad waxaa u suurto-gashay in kooxda Soomaalidu ay helaan goolkoodii ugu horreeyay waxaana u saxiixay ciyaaryahan Maxamed Diinle, Isla daqiiqaddii 20aad ayay heleen fursad kale waxaana u ansaxiyay Ciyaaryahan Cali (Baskuwaale), Isla daqiiqaddii 39aad ayay gool saddexaad heleen Kooxda jaaliyadda Soomaalida oo uu u saxiixay ciyaaryahan Bile. Ciyaartiina qaybii hore waxaa ay ku soo gaba-gabowday 3 gool iyo 0.Qaybtii labaad markii la isugu soo noqday ayay kooxda Soomaalidu aad u sii badiyeen weerarkooda , iyaga oo dhiirri-galin iyo baraarujin ka helayay daawadayaashii Soomaaliyeed ee sida aadka u soo camiray garoonkaasi iyada oo ay xusid mudan yihiin Haweenkii Soomaaliyeed oo halkaasi lulayay Calammo ,kana qaadayay halkaasi heeso waddani iyo baraarujin isugu jiray, waxaana kooxda Soomaalida u suuro-gashay inay afar gool oo kale dhaliyaan qaybtii labaad ee ciyaarta kuwaasi oo ay kala saxiixeen ciyaaryahannadii kala ahaa: Sadiiq (yoodka), C/raxmaan, Wardi, iyo c/kayd. Ciyaartiina waxaa ay ku soo gaba-gabowday 7 gool oo ay guushu ku raacday kooxda jaaliyadda Soomaalida, halka kooxda jaaliyadda Canada aysan wax gool ah dhalin (0).

Kooxda kubbadda cagta ee jaaliyadda Soomaalida Nairobi (Kenya)
Xiritaankii xafladda waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaaliyadda Soomaalida Maxamed Maxamuud iyo tababaraha kooxda Cabdifataax farey, waxaana ay ka warbixiyeen taariikhdii kooxda jaaliyadda, waxqabadkooda iyo guulihii ay gaareen muddadii ay dhisnaayeen. Waxaana ay kula dardaarmeen inay halkaasi ka sii wadaan dadaalkooda . Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay kabtanka kooxda Canada Mr, Bowl oo isagu ah macallin wax ka dhiga iskuulada dalka Kenya, isaga oo dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi isugu yimid af Soomaali kula kaftamaya waxaa uu yiri " Annaga maanta saas inaad noo gashaan ma aheen ". Mr, Bowl waxaa uu u hambalyeeyay kooxdii jaaliyadda Soomaalida iyo dhammaanba jaaliyadda Soomaalida waxaana uu ku baraarujiyay inay dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan.

Magacyada ciyaaryahannadii Soomaaliyeed ee tartankaasi ka qayb-galay waxay kala ahaayeen: Goolhaye Maxamuud, Difaaca: Macoow, Cabdiqani ( Aar), Cabdulqaadir Rasta, Cabdulqaadir Maskiinow, Dhexda: Cali Baaskuwaale, Mingiste, Bile, iyo kabtanka kooxda Yoodka. Weerarka: Maxameed diinle iyo Xamsa.Dhanka kaydka waxaa ahaa: Cabdiraxmaan, Liibaan Buubaaye, c/kayd iyo Wardi.

Back to Category