Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Siteember 2002

Published on: 2002-09-04 10:22:53


Kooxda kubbadda Cagta ee Atlanta


Kooxda kubada cagta ee Atlanta
Taraatmadii ciyaaraha kubbadda cagta ee toddabaadka Soomaalida sannadka 2002da oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa wacdarro la yaab leh ka shiday kooxdii kubbadda cagta ee ka socotay gobolka Atlanta. In kasta oo aysan kooxdani soo gaarin ciyaartii kama dambaysta ahayd ( Final), haddana daawadayaal faro badan oo aad u xiiseeya daawashada ciyaarta kubbadda cagta ayaa isku raacay inay dhallinyaradaasi yaryar u qalmeen inay ku guulaystaan koobkaasi loogu magac-daray toddobaadka Soomaalida Toronto-2002.


Ciyaaryahannadii kooxda Atlanta ayaa iyagu ahaa kuwo da,doodu u dhaxaysay 14 jir ilaa 18 jir, in kasta oo ay ku jireen ilaa laba ciyaartooy oo da,daasi ka waynaa. Kooxdu waxaa ay ahayd mid dhinac kastaba ka dhisan xagga difaaca,weerarka iyo isku xirka guud ahaanba, si aad ahna looga soo shaqeeyay , waxaana ciyaarahoodu ay aad u soo jiiteen dhammaanba daawadayaashii ciyaaraha oo ay ka mutaysteen sacab aad u faro badan. Waxaa iyaduna ahayd arrin ku dayasho mudan oo aad loogu ammaani karo akhlaaq wanaaggii ay muujiyeen ciyaarihii ay ciyaareen.

Kulammadii ay safteen ayaa natiijadoodu waxaa ay ahayd sidan:



Atlanta 3 Gool Rochester( MN) 1 Gool

Atlanta 0 Gool Northern Stars 2 Gool

Atlanta 2 Gool Iftin 0 Gool

Atlanta 6 Gool Somali Star 7 Gool ( Rigoorayaal)


Tababare Giftin
Tababare Giftin oo ah macallin si aad ah looga yaqaan dalkeenna Soomaaliya, kana mid ahaa tababarayaashii kooxihii qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta iyo kooxihii heerka 1aad, aadna u soo barbaariyay dhallinyaro faro badan oo caan ku noqday ciyaaraha kubbadda cagta ayaa isagu gacanta ku hayay kooxdaasi Yaryar ee Atlanta oo
Ay ka muuqanaysay horumar aad u heer-sarreeya.


Macallin Giftin wuxuu ii sheegay in dhallinyaradaasi yaryar uu gacanta ku hayay muddo gaaban laylintooda, aadna waxaan ugu dadaalay sidii aan uga dhisi lahaa isku xirka kooxda waana ku guulaystay. Macallin Giftin waxaa kale oo uu ii sheegay in uu ka soo tagay 4 ciyaartooy oo da,doodu u dhaxaysay 14 ilaa 16 jir jir oo aysan u suuro-galin inay noo soo raacaan safarka Toronto duruufo jiray awgood kuwaasoo aan qabay inay kaalin wayn buuxin lahaayeen. Tababare Giftin waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu wayn ee la soo gudboo-naata mar kasta ay tahay iyadoo marka aan koox dhiso oo aan diyaariyo ay kooxdii kala bar isaga tagaan gobolka oo ay u guuraan gobollo kale waana mushaakilka ugu wayn ee i hortaagan, waxaana ay tani dhalisaa inaan sannad kastaaba koox diyaariyo waadna dareemi kartaa arrintaasi culayska ay leedahay.

Ciyaaryahannada ugu qaalisan dunida


Ciyaartooy faro badan oo dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa sannad kastaaba waxaa ay malaayiin dollar ka helaan noocyada ciyaareed oo ay ciyaaraan sida kubbadda cagta, iyo koleyga oo aan oran karo waa labada ciyaarood ee meelo badan oo dunida ah aad loogu jecel yahay. Marka aan sii kala qaado kubbadda cagta ayaad moodaa in uu daqli aad u faro badan ka soo galo ciyaaryahannada marka la qaadanayo ciyaaryahanka iyo marka koox laga soo wareejinayo intaba.
Shanta Ciyaaryahan ee haatan ugu qaalisan dunida ee ciyaara kubbadda cagta ayaa waxaa ka mid ah:

1) Zinadine Zidane ( France)

Waxaa uu hormuud u ahaa kooxdii qaranka kubbadda cagta ee France oo sannadkii 1998kii ku guulaysatay koobka adduunka, da,diisu waa 30 jir, waxaa uu haatan u saftaa kooxda caanka ah Real Madrid (Spain). Zidane sannadkii 2001kii ayuu ku soo wareegay kooxda Real Madrid isaga oo laga soo wareejiyay kooxda Juventus ee talyaaniga. Kharashka ku baxay kala wareegga ciyaaryahankaasi ayaa ahaa 64.5 Million Dollar. Haatanna wuxuu helaa sannadkii 12.2 Million Dollars.
Zinadine Zidane

2) David Beckham ( United Kingdom):

Waxaa uu ka mid yahay ciyaaryahannada sida aadka looga jecel yahay dalka Ingiriiska ee ciyaara kubbadda Cagta, waxaana uu u saftaa kooxda Manchester United, da,diisuna waa 27 jir. David waxaa uu sannadkii helaa 9.27 Million Dollars.
David Beckham

3) Gabriel Batistuta ( Argentina):

Waxaa uu ka mid yahay weeraryahannada ugu qatarsan dunida, da\'diisu waa 33 jir, waxaana uu haatan u saftaa kooxda Rome,Italy. Batistuta waxaa uu sannadkii helaa 9.1 Million dollars.
Gabriel Batistuta

4) Hidetoshi Nakata ( Japan):

Waxaa uu ka tirsan yahay ciyaaryahannada ugu qatarsan qaranka kubbadda cagta ee Japan, da\'diisu waa 25 jir. Waxaa uu haatan u ciyaaraa kooxda Parma Ac ee talyaaniga. Nakata waxaa uu sannadkii helaa 8.5 Million Dollars.
Hidetoshi Nakata

5) Ronaldo ( Brazil):

Waxaa uu ahaa ciyaaryahankii guusha u horseeday kooxdii Brazil oo iyadu sannadkan 2002da ku guulaysatay koobkii kubbadda cagta ee dunida isaga oo waliba saxiixay 2dii gool oo ay kooxdiisu kaga adkaatay kooxda Jarmalka. Waxaa kale oo uu ciyaaryahankaasi ku guulaystay tartanka goolal dhalinta dunida isaga oo ku qaaday 8 gool. Ronaldo da,diisu waa 25 jir ,waxaana uu u saftaa kooxda Internazionale ee dalka Talyaaniga. Ciyaaryahankan ayaa isagu laga soo wareejiyay kooxda Parcelona ee Spain iyadoo kharashka ku baxay kala wareejintiisa ay dhammayd 30 Million oo dollar. Ronaldo haatan waxaa uu sannadkii helaa 8.3 Million Dollars.
Ronaldo

Haddaba iyada oo kharashkaasi faraha badan uu ku baxo ciyaartooydaasi kubbadda cagta ah ayaa marka la bar-bardhigo ciyaaryahannada kale ee ciyaara noocyada kale ee isboortiga gaar ahaan ciyaaryahannada ka ciyaara dalka Maraykanka waxaa ay noqonaysaa arrin lala yaabo. Marka aan tusaale ahaan u soo qaadanno qaar ka tirsan ciyaaryahannada dalka Maraykanka ee ugu daqliga badan waxaa ka mid ah:

1) Kevin Garnett ( N.B.A): Waxaa uu u saftaa kooxda kubbadda koleyga NBAda ee Minnesota Timberwolves .Waxaana uu sannadkii helaa 22.4 Million Dollar.

2) Drew Bledsoe ( American Football): Waxaa uu u ciyaaraa kooxda kubbadda cagta ee la yiraahdo Buffalo Bills. Waxaa uu sannadkii helaa 10.3 Million Dollars.

3) Alex Rodriguez ( Baseball): Waxaa uu u ciyaaraa kooxda Texas Rangers. Waxaa uu sannadkii helaa 23 Million Dollars.

4) Jaromir Jagr ( Hockey): Waxaa uu u ciyaaraa kooxda Washington Capitals. Waxaa uu sannadkii helaa 11 Million Dollars.

Back to Category