Qaybihii hore waxaan soo bandhignay danbiyada waaweyn: Shirkiga, in uu qofku qof dilo, sixirka iyo salaadda oo laga tago, Zakada oo aan la bixin, Bisha ramadaan oo sabab laaan la afuro, qofka oo aan xajiyin isaga oo awooda, Waalidka oo lagu caasiyoiyo Qaraaba goysnimada.
Danbiga Tobnaad: ZinadaZinada macneheeda waa in laba qof aan si sharci ah isu qabin ay isu tagaan.Ilaahay wuxuu addoomadiisa uga digay Zinada, wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay arrin aad u xun. Ilaahay wuxuu yiri ka fogaada Zinada waa arrin aad u xune: suuradda: Al-israa, Aayadda:32.
Dhibaatooyin xagga caafimaadka, qoyska iyo bulshada ayay Zinadu keeni kartaa.Nabiga Calehi Salatu Wasalaam waxaa laga soo wariyay in uu yiri Qofku ma Zinaysto isaga Mumin ah Bukhaari & Muslim.
Haddii Dawlad Islaam ah jirto qofka Zinaysta haddii uu yahay qof aan waligiis guursan waxaa lagu dhufanayaa 80 jeedal, haddii uu yahay qof guursadayna waxaa lagu dilayaa dhagax.
Danbiga 11aad: Ragga u taga Ragga kale (khaniisninmada)Meelo badan ayaa quraanku uga hadlay reer Luud oo Ilaahay halaagay kadib markii ay ku keceen falka aadka u xun. Ilaahay dhulka ayuu la rogay sida uu Quraanku inoo sheegayo. Fiiri Suurada Huud Aayadaha 82 iyo 83.
Nabigeena Calehi Salaatu Wasalaam waxaa laga soo wariayay in uu 3 jeer ku celceliyay Ilaahay ha naclado qofkii sameeya wixii ay ay reer Luud sameeyeenWaxaa kale oo laga soo wariyay in uu yiri qofkii aad aragtaan isaga oo samaynaya wixii ay reer Luud sameeyeen dila kan samaynaya iyo kan lagu samaynayabaWaxaa kale oo Nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri haweenka haweenka kale u taga waa Zino