Asalaamu caleykum waraxmatu laahu wabarkaatu, walaalayaal salaan ka dib waxaan rabaa in layga jaahil bixiyo labo shey:
1) Hadii ay naagteyda igu dhibtooto xagga galmada anigana aan ahay qof markey falgal suubiyaanba biyaha ka soo hormaraayo oo aan u geyn karin meeshey rabtey ayna igu dhibsatey. mararka qaarkood anigoo u baahan ayey i diideysaa waxaana maqley xadiis leh naagtii ninkeeda firaashka ugu yeero oo diido waa la nacaladaayaa ilaa waaga kaga baryo. Marka haddii aan aniga ku haayo dhibka xaaskeyga ma danbi bey ku leedahay diidmadaas?
2) haddii aan furo xaaskeyga inta ay dalaaqyada ii dhamaan anigoo
kala tashan amaba weydiin rajactu ma dhihi karaa?
Walaalaheyga iga aqoonta badanoow iiga soo jawaaba si aan isku dhibin aniga iyo walaasheey oo aysan xaaraan igu noqon rajactigaas in uu sax ii yahay iyo in kale.
Jawaabtii Shiikh Nuux Sh. Ciise Iimaan
1)Arrinta ku Saabsan Xaaskaaga iyo adigu Sida aad isu qancineysaan Adinka ayey idin khuseysaa Haddii Caafimaadkiinu wanaagsan yahay. Haddii kale La tashada dhakhtar Muslim ah waaya aragna ah, dabadeed Ula taga Culimada sharciga in ay banaantahay iyo in kale.Afadu marnaba Xaq uma laha in ay diiddo Odeygeeda Firaashkiisa waana arrin qaab daran, haddiise ay dhacdo waxay heleysaa dunuub culus iyo nacdasha Malaikta inta ay ka raalligelineyso.
2)Furiinka Rajciga ah, dhowr Siyaabood ayaa looga laabta!
A. Waa in lagu furo Mid ama labo.
B. Waa in an laga Saarin Gurigeeda ay ku nooshahay.
C. waa in lagu Soo celiyaa Saddex Caado dhexdood ama Saddex Bilood.
D. Soo celinta waxa lagu ogaadaa Ficil ama qowl markhaati leh.
Suuratulbaqarah,Aayadda 228,229aad, Suratu dalaaq:Aayadda Lixaad, Sidaan u garo 2:228,229-- 65:6 - Ficilka waxa looga jeedaa in uu Ula dhaqmo Sidii Xaaskiisa, kamana Xijaabaneyso muddadaas.
Suaasha 3aad
Waxaan ka sheqeeyaa Super Market qayb ayaa khamro looga iibiyaa laakiin lacagta isku meel laguma rido. haddaba aniga lacagta aan ka qaadanayo meeshaa ma xaaraan baa?
Jawaabtii Shiikh Nuux Sh. Ciise Iimaan
Haddii aadan Adigu iibin, Cabbin, u kaalmeyn kala wareegsigeeda Arrintaas waxba kaama Saarna, wuxuu ahaa Xadiisku Nacladi ha ku Dhacdo Ruuxa iibiya khamro, kan Cabba, kan qaada ,iyo kan loo qaado. Ma filayo in aad adigu ka mid tahay, balse iska ilaali khatarteeda.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!