Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Siteember 2002

Published on: 2002-09-01 09:49:00

Qaran iyo Qabiil Tarabi Jama
Bahada warqayska, Somalinet Magazine iyo aqristayaashaba salaaman. Su\'aasha ah Qaran iyo Qabiil yaa qadarin mudan waxay iila muuqaa oraahdii oranaysay digaagadda iyo ukunta teebaa la hor abuuray?. Waa suaal marka dhinacyo badan laga eego lafa gurkeedu uu keeni karayo fasiraado badan. Dhinac markaad ka eegto waxaad arkaysaa in qaranku qiima badan yahay. Maxaa yeelay qaranku waa kan walaaleeya beelo ku kala duwan xagga midabka, dhaqanka, luuqadda, iyo waliba diintaba. Ma simi karayo qaran iyo qabiil. Qaran waa kan lagu gaaro horumar iyo in dadyawga kale ee adduunka wax lala qabsado. Qaranka waa kii dhiigii loo daadiyaa la mahadiyo qabiilkase la quunsado.
Hase yeeshee, marar baa dadka qaarkiis gaari karaa tollow armaa qabiilku ka qaddarin mudan yahay qaranka. Taasi waxay imman kartaa marka qofka lagu wax yeeleeyo qabiilkiisa, lagu faquuqo, amase muwaadin ahaan wuxuu xaqqa u lahaa la duudsiiyo. In qofku sidaa wax u arko layaab maleh oo waxay ku xiran tahay hadba inta uu qofku ka fahamsan yahay micnaha qaranka. Si kale haddaan suaasha u eego, qofka ka dhasha qabiil wayn ama mid yar isku si uma arkaan qabiilka iyo qaranka micnihiisa aalaaba! Qofbaa jecel qaran isagoo is dhahaya armaa jiritaankaaga la waawaa; qofbaa is dhihi kara armaan qaranba loo baahnayn tirobadnaantaada. Qofbaa qabiil wayn ka dhashay kaagana orod badan qaranka dhismihiisa fahamkiisa awgiis oo aad is dhihi dhul wayn buuba hasystaaye maxuu qaran uga baahan yahay! Suaalahaas iyo waliba kuwo kale ayaa ku xayndaaban qiimaynta qaranka iyo qabiilka. mahad sanidiin.

Qaran iyo Qabiil - Imba
salaamo caleekum. waxaan jeclahay walaalkeen qore in aan kaga mahad celiyo fikradada wanaagsan. hadaan su ashada ka jawaabo ,sida qof walboo caqli ku filan leh ku jawaabi lahaa way iska cadahay eewaa qaran.hadana qabiilka ma aha shey xun, hadii aan si qaloocan loo adeegsan.dhibaata wayna keenna karta hadii aad is dhahdid umad ku maamul.aniga waxay ila tahay in waqti dheer ay qadanayso ,in siyaasadda qaranka somaliya qabiil ka tir tirmayo.laakiin aniga waxaan ayidsanahay waqtigan xaadirka ah in si xaq ah loogu qaybsado qabiilka si loo badbaadiyo dhiig badan oo daataama hal qabiil oo wadanka ka atooreeya.

Qaran iyo Qabiil - Mohamud
Soomaaliyeey waxaa hubaal ah in aan qaran iyo qabiil aanay meel isla geli karin,jaahiliinta iyo danaystayaashuna ay isticmaalaan qabiil ayna ka jecelyihiin qaranimada. hadaba soomaalay labadaas meel islama geli karaan waxayna isu yihiin dab iyo baansiin hadii laysu geeyana is qarxinaya. marka horta soomaalida ha la baro waxa qabiilku yahau iyo waxa qaranimadu tahay ilaa aykala fahmaana waxba ma suurtoobayaan ama lagama dhaadhicin karo qofka soomaaliyeed.waxaan shaki ku jirin in qaranimo ay qadarin mudan tahay.waad mahadsantihiin

Back to Category